X

Xukuumadda Soomaaliya Oo Masuuliyiinta Safaaradadeeda Dalka Suudaan Ku War Gelisay Inay Deg Deg Ugu Soo Laabtaan Muqdisho

Ra'iisal wasaare Khayre

Araweelo News Network

 

 

Muqdisho(ANN)–Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ku amartay Masuuliyiinta Safaaradadeeda Dalka Suudaan Inay si deg deg ah ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo fulinaysa ammar kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaare Khayre.

Warka qoraalka ah oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelonews.com, ayaa u qornaa sidan:-

 

“Wasaaradda  arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo fulinaysa amarka Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku ugu soo laabtaan xarunta wasaaradda arrimaha dibadda si wadatashi loola yeesho mudda ku siman laba toddobaad oo ka bilaabanaysa 19/08/2018.

Amarka oo maanta (18/08/2018) kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Danjire Siciid Xaaji Maxamuud, ayaa lagu war-geliyay masuuliyiintaa in ay dhawraan waqtiga loo qabtay in ay dalka kusoo laabtaan.

U yeedhida diblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum.” ayaa lagu yidhi Warkaa .

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post