X

#Somalia: Ra’iisal Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Kulanka Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobay

Ra'iisal wasaaraha dawladda Federaalka Soomalaiya, Xamse Cabdi Barre, Image file Atraweelo News Network.

#Araweelo_News_Network.

 

New York(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York.

Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumar uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaadhay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xorayso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakaddaha Araweelo News Networ,  waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.

Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu ka codsay in cunaqabataynta muddada 30-ka sannadood ka baddan saarnayd Soomaaliya laga qaado, isagoo taas sabab uga dhigay si daal ahaan ay uga guuleystaan argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.

Sidoo kale, wuxuu ku dooday  in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saamaynta isbeddelka cimilada, maadaama dalka ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsanayso Soomaaliya in gacan lagu siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawadda lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.

Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Ra’iisal Wasaare Xamse  uu ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo hey’addaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Somalia, ayaa ka hor intii aannu ka qaybgelin kulanka loo dhanyahay wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo masuuliyiin kale, isagoo kala hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha xaalladda Soomaaliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post