X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Digreeto Kusoo Saaray Muddada Doorashooyinka

The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, Image File Araweelo News Network.

Ku akhri wax ka yar laba daqiiqo.

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland. Muuse Biixi  Cabdi, ayaa digerato kusoo saaray muddada Kommishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, kadib markii Guddida diirashooyinku maalintii Sabtidii shalay ay muddeeyeen Doorashooyinka isku lifaaqan ee Madaxtooyadda iyo Ururada siyaadada.

Wareegtada Madaxweynaha oo ku taariikhaysan 21.04.2024, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024, taas oo ah Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.”

Digreetada ayaa lagu xusay in Madaxweynuhu, isagoo ka duulaya sida ku cad Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka uu soo saaray digreetadan.

Sidookale, Madaxweynuhu, isagoo tixraacaya Qoraalka Guddida doorashooyinka  ee summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka.

Wuxuu soo-saaray digreetada ah, “In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka” .ayaa lagu yidhi qoraalka digreetada oo.nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post