X

Somaliland: Wasiir Cabdullaahi Abokor Oo Si Cadhaysan Uga Falceliyay Faddeexado Musuqmaasuq iyo Dhacdooyin Foolxun Oo Guddoomiye Faysal U Xanbaariyay

Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland, Cabdullaahi Abokor, Image file, Araweelo News Network, 19 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Cabdullaahi Abokor, ayaa si weyn uga cadhooday eedaymo la xidhiidha musuq-maasuq iyo fadeexado uu guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe warbaahinta u mariyay Isniintii.

Wasiir Abokor oo daba socda eedaha musuq-maasuq ee  guddoomiyaha UCID, la xidhiidhiyay, ayaa dhankiisa maanta ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe inuu caqabad ku yahay dimuqraadiyadda Somaliland iyo nidaamka dhismaha qaranka.

Guddoomiye Faysal, ayaa ku eedeeyay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta, Cabdullaahi Abokor inuu samaystay jabhad markii la xidhay ee xilka laga qaaday xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sidoo kale dhaliilay sababta Madaxweyne Biixi uga dhigay Wasiirka ee xisbigii uu ku tilmaamay argagixisada ugu mansabka ugu aaminay.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu tilmaamay mashaariic uu sheegay inuu Cabdullaahi Abokor ku sameeyay musuq-maasuq oo malaayiin dollar lagu bixiyay, taas oo sababtay in dhaqaalihii ku baxayay mashruucaa ay joojiyaan dalkii bixinayay.

Dhinaca kale, Faysal, wuxuu ka sheekeeyay waxyaabo dhexmaray isaga iyo wasiirka muddadii doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada lagu jiray hawshooda ee murrashaxiinta ay axsaabtu kala xulanayeen.

Hase yeeshee, Wasiir Cabdullaahi Abokor, ayaa jawaab ka ka bixiyay eedahaa iyo kuwo kale oo guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe dusha u saray wuxuu ku hanjabay in ay sharciga ku kala baxayaan.

Muuqaalkan hoose ka daawo weedhaha ay labada masuul is weydaarsadeen.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post