X

#Somaliland:#Cabdiraxmaan@SOLTELCO, Oo Ka Tanaasulay #Loollanka Uu Mar Labaad Ugu Jiray#Maayarnimada #Hargeysa

Maayarkii hore ee Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTELCO), Image Araweelo News Network, 13 Jun 2021, Hargeysa Somaliland.

Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)-#Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan SOLTELCO), ayaa si cad u sheegay inuu ka talaasulay hankiisa uu doonayay inuu mar labaad ka noqdo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Maayar, kaddib markii uu kusoo baxay doorashooyinkii gollayaasha deegaanka ee 31 May 2021.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, wuxuuna go’aankiisa ku sababeeyay sida uu sheegay in isagoo tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ixtiraamaya saddexda xisbi ee isku raacay arrinta ah in Maayarka Caasimadda uu noqdo Cabdikariim Axmed Moogge oo sida uu sheegay muddo ka badan soddon sannaood ay saaxiib ahaayeen uu uga tanaasulo kursiga Maayarnimada.

“Talla soo jeedintii Madaxweynaha kaddib waxaan ku qancay in aan ka noqdo hankaygii ahaa in aan mar labaad u rartamo Maayarka Caasimadda, waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanadii igula socday ee ku qanacsanaa oo aan sagaal ku ahaa, kuwaas oo aan si leeyahay waad mahadsantihiin.” Ayuu yidhi, Maayarkii hore ee Caasimadda oo ka tanaasulay loollankaa.

“waan oggahay taageerayaashayda way ku adagtahay oo muddo ayay soo xarbiyayeen, Kursiguna laba qof ma wada qaado, haddii aan laysu haniyayna waxay noqonaysaa foolxumo, sidaa awgeed  saaxiibkay Cabdikariim Axmed Moogge, oo aqoon badan aan u leeyahay ma jirin wax collaad oo naga dhexeeyay, waxaanuse ku loollamaynay kursiga aan ku fadhiyay, isna doonayay (Cabdikariim Moogge) , inuu soo fuulo, waana hubaa inuu yahay qof hanan kara xilka Maayarka Caasimadda Hargeysa oo shaqsiyad wanaagsan, ayuu yidhi, Maayarkii hore Cabdiraxmaan “SOLTELCO.”

Balse dhinaca kale, wuxuu sheegay in filashada badan iyo balanqaadka uu sameeyay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Moogge wax ku noqonayo haddii shacbigu cashuurta bixiyaan, isagoo ka codsaday taageerayaashiisa in ay sidaa ku aqbalaan, isla markaana wuxuu xubnaha gollaha deegaanka usoo jeediyay in 17 Jun 2021, ay sidaa ku doortaan inuu Cabdikariim Moogge noqdo Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, wuxuu sidoo kale sheegay in aannu ka tegeyn gollaha deegaanka ee hore u maamulayay xilligana uu ka trsanyahay, balse uu la shaqaynayo Maayarka Cusub ee uu tanaasulka u sameeyay.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post