Munaasabadaha Xuska 18-ka May iyo Dabaaldegyada Sanadkan 2025, Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn u xusaysaa sannad-guurada 35aad ee 18-ka May oo ah maalinta ay si rasmi ah ugu dhawaaqday
madax-bannaanideeda sannadkii 1991.

Xuska sanadkan ayaa ah kii ugu
ballaadhnaa abid, iyadoo ay jiraan qorshayaal iyo qabanqaabooyin heer qaran iyo
heer caalami ah. Wacdaraha iyo xeeldheeridda xuska sannadkan ee 18 May iyo kor u qaadidda
muhiimaddeeda, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddiga heer qaran qabanqaabada xuska
18-ka May, 2025. Guddigan waxa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha, waxaana ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta, Madaxtooyada, Waxbarashada,
Duulista, Shaqada, Maalgashiga iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Prof. Cadaadiyo Duqa Magaalada Hargeysa mudane Mooge, Ciidamada ammaanka iyo Shacabka ayaa la faray inay ilaaliyaan nabadgelyada
xuska, iyada oo ay mamnuuc tahay isticmaalka calamo aan ahayn kan rasmiga ah
ee Somaliland, si loo xoojiyo midnimada qaranka .
Xuska iyo dabaaldegga 18 May waxa laga maamuusi doonaa dhammaan daafaha Dunida meel kasta oo ay joogaan Shacabka Somaliland, iyada oo wufuudna loo diri doono goobo aad u badan, inta awood loo helo.
Xusuus qaaliya: Xuskan Sannad-guurada 18 May, 2025, waxa ay ku suntan tahay, sida la filaayo ama saadaashu tahay, ictiraafkii Somaliland- Guul.

Maqaarka oo dhan halkan ka sii akhri

Xusuus qaaliya: Xuska Sannad-guurada 18 May, 2025

Xusuusta xuska 18 May 2025