Hargeysa (ANN)- Mudanayaasha Gollaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qorshaynaya mooshin lagu doonayo in si rasmi ah loo joojiyo wadahadada u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, wallow ay sannadii u danbeeyay ku jireen hakad.
Hase yeeshee xilligan Xukuumadda cusub ee Somaliland qorshaynaysay inay dib u bilawdo wadahadalada, balse booqashada ra”iisal wasaaraha Somalia ee dawladda Federaalka Xamse Khayre ku yimi Laascaanood oo ka tirsan Soamaliland, isagoo sheegay innay maamul goboleed u Aqoonsayaan maamulka SSC ee Khaatumo, taas oo Somaliland u aragtay mid xad-gudub ku ah qaranimada madaxbanaanida dhuleed ee Somaliland. iyadoo xukuunadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) kaga jawaabay in xukuumaddii joojinay wadahadaladii Soomaaliya.
Mooshinka ay xilligan qirshaynayaa gollaha Wakiiladda Somaliland waxa soo gudbiyay xubno ka tirsan Gollaha Wakiilada, waxaana loo gudbiyay la taliyaha sharciga ee Gollaha Wakiiladda si uu u waafajiyo sharciga iyo habraacyada mooshinkan ka hor inta aan loo gudbin golle weynaha si ay go’aan uga gaadhaan.
Dhinaca kale, xukuumadda Federaalka ee Villa Somalia ayaa kulan ay ugu yeedhay wadatashi qaran ku qabatay Muqdisho , iyadoo aannay ka qaybgelin. Maamul goboleedyada Puntland iyo Juba lanad oo aan ka xaadirin shirka. Iyadoo maamulka Muqdisho ee Villa Somalia lagu canbaareeyay qaabka ay u maamuleen kulanka ay ku magcaabeen wadatashiga qaran , waxayna dawladda Maraykamku si cad u sheegtay in wixii kasoo baxay Shirka aannu ahayn mid shaqaynaya oo ay dalalka dhaqaalaha ku bixiya taageerada dawladda Soomaaliya aannay aqoonsanayn..
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/