𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa khadka xidhiidhka Fogaal-Aragga (Virtual Meeting) ku sagootiyay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee xilka ka sii degeya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad celiyay Danjire Mike Nithavrianakis xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal (Somaliland iyo Ingiriiska), wada shaqaynta iyo taageerada ay Dawladda Ingiriisku u fidiso Somaliland, gaar ahaan xagga Amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, waxana uu Dawladda Ingiriiska ka codsaday in ay sii laban laabto taageerada ay u fidiso Jamhuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjire Mike Nithavrianakis la wadaagay mudadii uu xilka Qaranka Jamhuuriyadda hayey waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira. Gaar ahaan Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay hawlaha muhiimka ah ee ay Xukumaddu ka qabatay xagga Amniga, sida: Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, Nabadaynta Gobollada Bariga iyo Diiwaangelinta Casriga ah ee Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u sheegay hurinta colaadaha iyo fara gelinta qaawan ee ay Xukuumadda Soomaaliya ku hayso Qarannimada Somaliland, xag dhul, bad iyo xagga hawadaba.

Isaguna dhankiisa, Danjire Mike Nithavrianakis waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay kulanka sagootiska ah iyo wada shaqaynta iyo is-fahanka wacan ee uu Danjiruhu la lahaa Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, isaga oo Danjiruhu Somaliland yimid marar badan (10 jeer). Sida oo kale, Danjire Mike Nithavrianakis waxa uu bogaadiyey dedaallada nabadda ee ay Dawladda Somaliland ka wado Gobolada Berriga.

Ugu dambayntii, Danjiraha waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey wax qabadkii ay Xukuumadiisu ku tallaabsatay 100-kii maalmood ee ugu horeeyay muddo xileedka Xukuumadda.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝