Shacbiga Somaliland, waxaan u sheegayaa inuu jiro caddaw baddan oo doonaya in layska hor keeno, Wasiirka Arrimaha Guddaha
Burco (ANN)-Dhaawacyada iyo Dhimashada uu sababay mudaharaadkii maanta ka dhacay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo sababay khasaare mood iyo nool, iyadoo la xaqiijiyay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ilaa hada la oggaaday.
Xukuumadda Somaliland, ayaa ku tilmaantay mudaharaadka mid ay ka shaqeeyeen waxay ugu yeedheen dad cadaw ku ah qaranimada Somaliland oo aan la sheegin kuwa ay yihiin, balse sida uu sheegey wasiirka arrimaha guddaha Cabdalla Maxamed Carab in dadka loo sheegay warar been ah oo lagu sheegayo in lasii deynayo maxaabiista dagaalka Laascaanood ee la hayay, isla markaana la raacinayo maxaabiista denbiyada fudud ee cafiska Madaxweynaha lagu sii daayo, iyagoo ka faa’isaysanaya munaasibadda 18 May 2025.
“Burco dad baa fawdo ka wada, mana aha mid dan inoo ah, iyadoo ay ku jiro munaasibadda 18 May may ahayn dadku innay ku mudaharaadaan wax aan jirin, shacbiga Somaliland, waxaan u sheegayaa inuu jiro caddaw baddan oo doonaya in layska hor keeno. waxa jira qaar inaga mid ah oo warar been ah faafiya oo yidhaahda, “hebel ayaa lasii deynayaa”, waxba kama jiraan ayaan leenay dadka shacbiga ee Burco oo dad wanaagsan ah. loomana dulqaadanayo dadka arrimahaa siyaasad ahaan uga faa’idaysanaya, ciidanka amniga waxaan leenahay dadka waxaa wada waxay dunuub ka galeen qaranka waana qabanaysaan, waxaana la horgeynayaa sharciga.” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.
Saraakiisha Cusbitaalka Magaalada Burco, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan inta la ogyahay ay ku dhinteen mudaharaadka laba qof, iyadoo la diiwaangeliyay dhaawaca 18 qof oo qaarkood dhaawacyo fudud oo dhagax ah soo gaadhay, halka kuwa kalena ay haleeshay rasaasta ay adeegsanyeen ciidamada amaanka ee Boolisku, waxaana la xaqiijiyay in dhaawacyada nabarada ee ka dhashay dhagxaanta ay ku jiraan qaar ka mid ah ciidanka Booliska.
Ciidamada amaanka ee Booliska ayaa xabsiga dhigay dad ku dhow 200 (laba boqol) oo loo xidhay mudaharaadka, kuwaas oo aan si dhab ah loo xaqiijin innay qayb ka yihiin kuwii soo qorsheeyay.
Dadka mudaharaadayay ayaa la arkayay iyo taayiro ku gubaya wadooyinka muhiimka ah, sidoo kale, waxay gubeen gaadiid ay dab qabadsiiyeen oo isugu jira kuwa dawladdu leedahay iyo kuwo shicib, iyagoo xafiisyada qaarkood khasaare gaadhsiiyay, wallow aannay jirin warbixin rasmi ah oo baaxadda khasaaraha ay xukuumaddu kasoo saartay. laakiin goobbaha xafiisyada ee la galaalafay waxa ka mid ahaa sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ka ag dhowaa dhismaha wasaaraddii gaadiidka iyo jidadka ee Burco ayaa la xaadhay inta baddan xafiisyadii ku yaalay dhismahaa.
ciidamada Boolisku waxay ku guuldaraysteen inay hakiyaan mudaharadka, balse ciidanka Millateriga ayaa markii danbe soo farageliyay arrinta, waxayna ku guulaysteen innay xaaladda dejiyaan.
Dhacadada mudaharaadka ayaa si lama filaan ah usoo baxday, iyadoo dadka shucuurtoodu aad u kacsanayd, waxayna kusoo beegantay xilli ay xukuumaddu ku mashquulsantahay xuska munaasibadda 35aad ee 18 May oo dalka oo dhan looga diyaargaroobayo.
Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka iyo dadka haldoorka ee gobolka Togdheer ayaa ugu baaqay bulshada innay is dejiyaan, waxayna ku tilmaameen dhacdadaa mid qaranka dhaawac ku ah, iyagoo ugu baaqay xukuumadda innay la shaqayso dareenka dadka oo ay ka hadasho waxyaabaha dhacaya si aannay uga faa’idaysan waxay ugu yeedheen caddawga Somaliland.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/