Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo maant kumanaan ka mid ah bulshada Somaliland kala qaybgalay fagaaraha khayriyada magaalada Hargeysa
xuska sannad-guurada 34 ee 18 May oo si weyn looga xusay guud ahaan goboladda Somaliland ayaa ka hadlay halkii laga soo bilaabay qaranka iyo qiimaha iyo ahmiyada ay leedahay munaasibada maanta la xusayo.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay halgankii kala danbeeyay ee xorriyada Somaliland iyo qiimaha weyn ee ay ku fadhido qaranimada Somaliland, wuxuuna fagaaraha ka sheegay in aannay Somaliland cidna ku xadgudbayn, taas beddelkeedana aannay qaranimadeeda cidna u daba fadhiisanayn, isagoo dhinaca kale xusay in iyadoo laga faa’idaysanayo munaasibada loo dabbaaldegayo ee sannad-guurada 34-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay 18 May 1991, loo diray qoraal muhiim ah oo ka hadlaya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay oo ka koobban in ka baddan 190 dal oo Aduunka ah.
Munaasibadda sannad-guurada 34-aad oo lagu qabtay barxadda weyn ee badhtamaha caasimadda Hargeysa owaxa madaxweynaha kala qaybgalay madaxweynihii 5-aad ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, shirguddoonka labada aqal, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda saddexda xisbi qaran,
Diblomaasiyiin iyo wakiillo ka oscda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, iyo wufuud kala duwan oo xukuumaddu kusoo casuuntay munaasibadda, waxana uu madaxweynuhu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dalka oo halkaas dhoollatus iyo gaaddo-ka-ciyaar kusoo bandhigay, iyada oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hay;adaha dawladda si weyn uga muuqdeen.
Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland sida Booliska, asluubta, dab-demiska iyo Militeriga oo hub iyo saanad casri ah oo lagu qalabeeyey, kuwaas oo bandhiggoodu si weyn usoo jiitay bulshadii fagaaraha caasimadda ku sugnayd iyo kuwii daafaha dunida ka daawanayey.
Khudbada Madaxweynaha Oo dhammaystiran Halkan ka Daawo
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
@araweelonews
Araweelo News Network.
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
Araweelo News Network.
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/