#Araweelo_News_Network.

 

Pretoria (ANN)-Koonfur Afrika, ayaa sheegtay inay ka baxday ka mid ahaanshaha Maxkamadda Caalamiga ah ee denbiyadda Dagaalka ee loo soo gaabiyo ICC.

Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika,  Cyril Ramaphosa ayaa Salaasadii si cad u sheegay in xisbigiisa talada haya ee ANC go’aamiyay in Koonfur Afrika ay iskaga baxdo maxkamadda caalamiga ah ee ICC, taasoo bishii hore soo saartay amar lagu soo xidhayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Puti, wallow Aqalka Kremlin ku tilaamay wax aan macquul ahayn oo aan dhici karin.

 

Waxay ahayd March 2023, markii ICC, soo saartay amar lagu soo xidhayo Putin, iyadoo la doonayo in lagaga hortago martigelinta Pretoria ee shirka Brazil, Russia, India, China iyo South Africa ee sanadkan, waxaana lagu wargeliyay Koonfur Afrika in Madaxweyne Putin marka uu tago shrkaa la xidho.

 

“Haa, xisbiga talada haya, waxa uu qaatay go’aankaas in ay caqligal tahay in Koonfur Afrika ay ka baxdo ICC,”ayuu yidhi, Ramaphosa, wuxuuna sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Finland ee booqasho ku jooga Sauli Niinisto.

 

Ramaphosa waxa uu sheegay in go’aankan ka bixitaanka ICC, uu ahaa mid daba socday shirkii todobaadlaha ahaa ee xisbiga African National Congress (ANC), kaas oo ah go’aan la gaadhay inta badan, “sababta oo ah waxa loo arkay in maxkamaddu ay si cadaalad darro ah ula dhaqanto dalalka qaarkood, ayuu yidhi.

 

“Waxaan rabnaa in arrintan cadaalad-darrada ah si sax ah looga hadlo, laakiin inta ka horreysa xisbiga talada haya ayaa mar kale go’aansaday in meesha laga saaro,” ayuu yidhi. Cyril Ramaphosa, isagoo hadalkiisa sii raaciyay waa laga fiirsanayaa xadhiga Putin marka uu yimaado Koonfur Afrika.

“Koonfur Afrika waxa ay qaadatay mowqifka ah in aannay la safnayn dhinac, waa in aan hubinno in aan awoodno, dal ahaan in aan kaalin ka qaadanno caawinta colaadda si loo soo afjaro,” ayuu yidhi Ramaphosa.

Waxa uu sheegay in uu dhowr jeer la hadlay Putin “fariintaydu way caddahay, waxa loo baahan yahay in wada xaajood la galo”.

 

 

 

Laakin xoghayaha guud ee xisbigiisa Fikile Mbalula, ayaa mar sii horaysay ku dhawaaqay in “Putin uu iman karo Koonfur Afrika wakhti kasta iyo xilli kasta”.

 

“ICC, umma addeeggayso danta dadka oo dhan, balse waxay u adeeggaysaa danta dad yar,” Mbalula ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo kale.

 

Amarka ICC, ku dalbanay xadhiga Madaxweyne Putin, ayaa daba socday eeddeymo ku saabsan in Kremlinku si sharci darro ah u masaafuriyay carruurta reer Ukraine.

Pretoria waxa muddo dheer ay caan ku ahayd guumaysigii midab-takoorka, o xisbiga ANC, usoo maray halgan dheer usoo maray sidii meesha looga saari lahaa, iyadoo Ruushku si weyn uga soo horjeeday xilligaa, isla markaana taageeray in meesha laga saaro xukunkii midab-takoorka, sioo kale, Pretoria iyo Moscow ayaa leh xidhiidh dhow, kaas oo tobanaan sanno ka baddan, marka laga yimaado halgankii Kremlinku ku taageertay dagaalka ANC ee ka dhanka ah midab-takoorka.

 

Dhinaca kale, dalalka Afrika iyo xulufadda cusub ee Ruushka oo ah xilligan Quwadda qaaradda ayaa diiday in ay cambaareeyaan duulaanka Ukraine oo inta baddan sabbay in Mascow ay go’doominay masraxa caalamiga ah, waxayna ku doodeen in ay doonayaan in ay dhex dhexaad ka noqdaan oo ay door bidaan in wada hadal lagu dhameeyo dagaalka.

 

 

Ma aha markii ugu horaysay oo Koonfur Afrika ay isku daydo inay ka baxdo maxkamada ICC.

 

Waxa ay samaysay isku day sanadkii 2016,  kaddib khilaaf ka dhashay xilligaa sannad ka hor booqashadii Madaxweynihii Suudaan ee xilligaas Cumar Al-Bashiir ku tagay dalkaas, isagoo kaga qayb galayay shir madaxeedka Midowga Afrika. Koonfur Afrika waxay si cad u diiday dalabka ICC, kaas oo ahaa in la xidho Madaxweynihii Suudaan oo lagu eeddaynayay dambiyo dagaal, tanina waa markii labaad ee ay diido dalabka ICC, sidoo kale, waa markii labaad ee Madaxweyne dalka Koonfur Afrika kaga qaybgelaya shir laga dalbado inay soo xidho Pretoria, laakiin dalabka ayaa noqday mid aannay dhegeysan.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com