Carraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activis

Maalihii lasoo dhaafay, waxa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland Urur lagu magcaabo “Haygabin”, kaas oo ujeedadiisu tahay sidii wax loogu qaban lahaa caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee u baahan daryeelka waxbarasho iyo caafimaad ee ay xaqa u leeyihiin.

Yaasmiin Cabdiraxmaan Xaaji Nuur oo ah Haweenayda yagleeshay Ururka “Haygabin” ee Somaliland, waxayn munaasibada ay kaga dhawaaqday Ururkaa oo ka dhacday Hargeysa ka sheegtay in dhibaatada haysata caruurta baahiyaha gaarka ah qabtaa ay yihiin kuwo aan qaran ahaan iyo bulsho ahaan laga warqabin oo intooda baddan ay qoysas danyar ahi dhaleen.

Ilaa boqol haween ah oo haysta caruurta dhibaatada baahiyaha gaarka ah qaba ayaa munaasibada ka qaybgalay, waxayna Marwo Yaasmiin ugu baaqday Bulshadda in loo naxariisto caruurtaa si ay u heleen addeegyo waxbarasho iyo Caafimaad, isla markaana, waxay ku boorisay xukuumadda iyo Shirkaddaha ganacsiga iyo qof walba oo muwaadin ah in wixii ay awooddaan ugu tabarucaan si loo daboolo baahida caruurtaa oo qaranka iyo Bulshaddaba xil ka saaran yahay.

Dhibaatada Caruurta baahiyaha gaarka ah qaba, ayaa ah kuwo aanay si fiican uga war qabin xukuumadda Somaliland iyo Bulshaduba, isla markaana ma muuqdaan istiraatiijiyad iyo qorshe qaran oo ilaa hadda loo dejiyay, sidoo kale laga warqabo tirada caruurta dhibaatadan qaba.

Marwo Khadra Cali Cigaaal oo ah Haweenay muwaadinad ah, oo ka mid ah dadk kasoo laabtay dhinaca qurbaha, ayaa 1 Oct 2015, waxay Hargeysa ka aasaastay Dugsi ay u qorshaysay in ay wax ku bartaan Caruurta Baahiyaha gaarka ah qaba, waxayna iyadoo sharaxaysa sababta ku dhalisay tidhi, “Sababta aan u aasaasay Dugsigan, waxay ahayd inankayga Currad ayaa qaba Cudurka (Autisam), waxaan kasoo guuray dalka Britain. (Hargeisa Children Learing Center) waxaan bilaabay, 1 Oct 2015, waxaan ku bilawnay 5 Carruur ah, maantana ku dhowaad 50 caruur ah  ayaa dhigata, $ 35, 0000 ayaa aniga iyo dadkii aasaasay dugsigaa aanu gelinay aniga riyadaydii way ii rumawday,” ayay tidhi Marwo Khadra Cali Cigaal oo dugsigaa aasaastay.

Haweenydaa, ayaa sheegtay in loo baahanyahay in caruurtaa oo inta baddan ay dhaleen dad danyar ah laga bixiyo waxbarashada oo la caawiyo, isla markaana mustaqbalka Carruurta Cudurkan qaba ee guryaha lagu hayo ay u helaan goobo waxbarsho oo macalimiin loo tababaray ay helaan. sidaa waxa tidhi Khadra Cali Cigaal oo aasaastay Dugsiga, isla markaana ka sheekaysay waayihii iyo duruufihii ay lasoo martay.

Mid ka mid ah Hooyoyinka Carruurta xannuunada noocan oo kale qaba haysta, ayaa si weyn usoo dhowaysay furitaanka Dugsiga Carruurta xaaladaha gaarka ah la deriska ah, kuwaas oo aan awoodin inay hadlaan, waxayna u muhad celisay Khadra Cali Cigaaal oo aasaastay Dugsigaa.

Somaliland, waxa horre uga jiray Dugsiga Caruurta Baahiyaha gaarka ah qaba,  kaas oo sannadkii 2002, laga furay, (Hargeisa school for special needs) kaas oo ay Hay’addi maalgelisay, balse markii danbe lagu wareejiyay  NGO, maxali ah, markii duruufo dhaqaale oo sababi gaadhay inuu xidhmo soo waajaheen, waxaana xilligan lagu hayaa Dugsigaa ku dhowaad 100 Caruur ah.

Dr. Xuseen Cabdullaahi Bulxan oo ah Dhakhtar ku xeel-dheer Xanuunada dhimirka, ayaa qaba in dhibaatada xannuunkan iyo kuwo kale oo bulshadda ku baddan ay yihiin kuwo sii kordhaya, kuwaas oo sida uu sheegay aan waxba lagala socon, isla markaaana loo baahanyahay in qaran ahaan laga tashado.

Dhawaaqa Ururka Haygabin ee xiligan, wuxuu u muuqdaa mid ku baraarujinaya Xukuumadda Somaliland iyo Bulshaddaba dhibaatada caruurta Baahiyaha gaarka ah qaba ee ku filqan, isla markaana inta baddan ay dhaleen qoysas danyar ah, kuwaas oo u baahan gurmad qaran iyo daryeel si ay u helaan goobo waxbarasho iyo Caafimaad oo lagu daryeelo, waana mid waajib ku ah Qaran ahaan iyo Bulsho ahaanba in aan la ilaawin Caruurtaa baaiyaha gaarka ah qaba oo horre loo ilaabay.

Si kastaba ha haatee Baraarujinta Ururka “Haygabin” ee Caruurta la Ilaabay ee Baahiyaha gaarka ah waa mid loo baahnaa.

Carraale Maxamuud Jaamac

Email: Jaamac132@gmail.com