Nairobi(ANN)Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta hakisay dhaqan galka sideed qodob oo ka mid ah sharci muran weyn dhaliyay oo ka hadlayay Ammaanka, kaasoo laba toddobaad ka hor uu meel mariyay Baarlamaanka dalka Kenya,islamarkaana uu saxeexay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, balse Muraacadku si weyn uga qayliyeen kadibna dacwad la xidhiidha u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalkaa.

Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD iyo gudiga qaranka ee xuquuqda aadanaha ee dalka Kenya ayaa dacwad ka dhan ah sharcigan u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka Kenya kadib markii loo gudbiyay isbedelka lagu sameeyay sanadkii 2014, sharciga amaanka ee dalka Kenya.
Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya George Odunga ayaa ku sheegay in sideed qodob oo sharcigan ka mid ah la hakiyay, kuwaas oo ahaa kuwo ay si aad ah walaac uga muujiyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha ee dunida, isagoo dalbaday in la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah si sharcigaan looga doodo
Qodobada ay hakisay maxkamadda sare ee dalka Kenya ee ku jira xeerkaa, wax aka mid ah qodobada 12, 16, 26, 29, 48,56,58,64, kuwaas oo si weyn loogu canbaareeyay Dawlada Kenya, balse xukuumadda iyo Baarlamaanka ansixiyay ku tilmaamay kuwo ka sharciga ammaanka dalka Kenya lagu hagaajinayo.

Sharcigan cusub ayaa sameyntiisa waxaa sabab u ahaa kaddib markii ay Kenya ku bateen weerarrada ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka geysanayaan gudaha dalka, kuwaasoo khal-khal geliyay amniga guud ee Kenya.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru ayaa wali wax jawaab ah ka bixin joojinta dhaqan galka qaar ka mid ah sharcigan oo ay baarlamaanka dalka Kenya horay u ansixiyeen 18-kii bishii December.

Qodobada isticmaalkooda la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan in xabsiga lagu hayn karo muddo hal sano ah maxkamad la’aan qofkii lagu tuhmo argagaxisonimo iyo in aanay saxaafadu baahin karin wararka ku saabsan falalka amni-xumada ah ee ay geysteen argagaxisada iyo kooxaha kale ee hubeysan, Kuwaasoo ahaa qodobbadii ay shacabka dalka Kenya sida aadka ah uga qayliyeen.

Sidoo kale qodobbada xayiraadda lagu soo rogay waxaa ka mid ah inay Kenya joogi karaan markiiba 150,000 oo ruux oo qoxooti ah, qodobkan oo ka mid ahaa kuwa walaaca xooggan muujiyay.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay markii uu sharcigan saxeexay 19-kii bishii la soo dhaafay ee December, 2014; in aanu ahayn mid ka hor-imaanaya dastuurka u degsan Kenya, isla markaana aan xad-gudub ku ahayn xuquuqda shacabka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee CORD Raila Odinga iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta xisbiga ayaa maanta ka soo baxay maxkamada sare,iyagoo ku faraxsan go’aanka uu garsooraha maxkamada sare George Odunga ku hakiyay qaar mid qodobada muranka dhaliyay ee sharciga ammaanka dalka Kenya.
Waxa kale oo xeerkaa ka qayliyay dhawr iyo toban dawladood oo ay ka mid yihiin Dalalka Maraykanka iyo Britain, kuwaas oo ku tilmaamamy xeerkaa mid si weyn u dhaawacaya xuquuqda dadka reer Kenya.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com