Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Mon, Nov 2nd, 2020

Daraasad Koobaysa Qorshe-HawleedkiiNebiga NNKH ee Maalinlaha ahaa

DILDILAACA WAAGA SUBAXEED

Markuu kaaha waaberigu ka soo dhex mudho mugdiga habeenka. Xiligaas, Bilaal codkiisa eedaanka salaada subax ayaa gilgila aamusnaanta habeenka magaalada Madiina. Xiligaas Ilaahay Rasuulkiisu SCW wuxuu ku jiraa hurdadiisa habeenka badhkiisa u danbeeya, ka dib waqti dheer oo uu soo jeed ku ahaa taagni uu ilaahay ugu cibaadaysanayo salaad sunne ah habeenka intiisa badan.

 

W/Q. Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti (Makkah)

 

Waxaa Turjumay Farxaan Aadan Haybe

Hargeysa, Somaliland

Mahadnaq Qoraaga Buugga

Waxaan si qiime leh oo qoto dheer halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo igu dhiir gelisay qoraalka kitaabkan oo ilaahay subxaanuhuye mahad oo dhan iska leeyahay. Dabcan waxaan iyagana halkan uga mahad celinayaa dadka hoos ku suntan;

Sheekh Cabdullaah Ibn Bayyax

Dr Cabdulwahaab Ibn Sulaymaan

Dr Axmed Baraa al-Amiri

Dr Cabdullaah Ibn Muxamed al-Qutxami

Dr Sacad Ibn Cattiyah al-Qaamidi

Dr Cabdullaah Ibn Cabdulraxmaan al-Subayh

Dr Axmed Ibn Muxamed al-Saqr

Dr Saami Ibn Cabdulcassis al-Majid

Dr Cabdullah Ibn Xamid al-Sakakir

Dr Khalid Ibn Fahad al- Bahlool

Mudane Jameel Muxamed al-Farisi

Mudane Saalix Ibn Xamuud al-Fowsaan

Mudane Yaasir Ibn Badr al-Xusaymi

Sheikh Muxamuud Shaaban Cabdul al-maqsuud

Kitaabkan mid kasta dadka kor lagu xusay ka mid ahi wuu sii eegay markii nuqulka ugu horeeeya aan soo saaray. Sidaas ayay ku saxeen waxii u baahnaa sixis ka dib markay aad u eegeen iina siiyeen dhiirigelin iyo weliba talo. Si wayn ayaanan uga faa’iiday talooyinkoodii oo suurta geliyay in aan dibu sixis iyo habayn ku sameeyo hab qoraalka. Waxaanay mid kasta oo ka mid ah culimadaas iyo xubnaha kale ee sharafta mudani leeyahay ajrigiisa iyo abaalkiisa.

Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ugu naxariisto dadaalka ay geliyeen kitaabkan.

HORDHAC

Halkani waa magaaladii timirta iyo qalbigii nuurka islaamka ka soo fufay, waa halka uu qalbiga nebigu SCW yaalay,waa magaaladiisii, dadkiisii. Waa magaaladii markuu yimi wax kastaa nuur u siyaaday. Dadkeedu way jeclaayeen soona dhoweeyeen,isaguna wuu jeclaa oo duceeyay.

Waxa ku taala Buurta Uxud oo nebigu SCW xidhiidh qoto dheer la lahaa aadna uu jeclaa, iyaduna jeclayd. Waxa lagu tilmaansan karaa magaalo uu dhex lugayn jiray, raadadkiisiina laga xusuusanayo ilaa maanta. Waxa halkan, magaalada Madiina ku yaala masaajidkiisa oo qol yar oo ku dheganaa u ahaa guri uu ku noolaa. Laakiin waxaa masaajidku ahaa madarasad, iskuul iyo jaamacad ay wax ka barteen rag iyo dumar tiro badan. Waxuu ahaa halka looga arimiyo islaamka.

Waxaynu kitaabkan ku eegaynaa shaqadii nebigu SCW qaban jiray ee maalinlaha ahayd inagoo saacad saacad u eegi doona. Si aan uga faaiidaysano qiimaha noloshiisa oo ahayd calaamad iyo badhaadhe ilaahay u soo saaray bini-aadamka. Waxaan eegi doonaa noloshiisa caadiga ah siday ahayd iyo masuuliyada Ilaahay saaray oo ah gaadhsiinta dadka diinta Ilaahay ahna in aan Allaah kale jirin Ilaahay keligiis mooyee, muxamedna yahay rasuulkiisii.

Nebigu SCW waqtigiisa waxuu ku isticmaali jiray ayaynu eegi doonaa, si aan uga helo aqoon inagoo barbar dhigayna qof kastana u kordhin doonta dibu-eegis bal sida uu waqtigiisa u maamulo iyo faraqa dhaqan ee u dhexeeya isaga iyo nebi Muxamed SCW.Nebiga SCW waxa la socday oo wax ka baran jiray asxaabta oo dhan iyagoo qorayay, xifdiyay kagana dayan jiray ficiladiisa oo dhan sababtaas ayay indhaha dadka oo dhami meel kasta ha joogee ula socdeen. Ma jirin wax gidaaro ah oo qarinayay noloshiisa u gaarka ah ee gurgiisa. Qalbiyada asxaabtiisa iyo indhahooduba sidaas ayay ula socdeeniyagoo jecel isna uu jeclaa la jirkooda iyo la joogoodaba.

Nebi Muxamed SCW waxuu ilaalin jiray sidoo kalena ka faa’iidaysan jiray daqiiqad kasta oo waqtigiisa ka mid. waxaanu aaminsanaa in daqiiqad kasta waxa dhexdeeda la sameeyo la iska xisaabin doono sababtaas awgeedna ujeedo macno leh looga faa’iidaysto.

Kitaabkan waxaan ku milicsan doonaa waayaha nololeed ee nebigeenii Muxamed N.N.K.H.A inagoo wax ka baranayna meel kasta oo uu joogo; masaajidka, guriga. Waxaynu arki doonaa isagoo hurda iyo isagoo soo jeeda oo shaqo adag ku jira. Waxaynu soo dhex mari doonaa waxyaalo badan tusaale: isagoo ilma yar laabta ku haya ama ilmo yar garabka ku sita.Waxa is waydiin leh: side ayuu nebigan qaaliga ahaa uga soo baxay fariintii ilaahay ugu soo dhiibay aadmiga? Sidee ayuu hawlihiisa shaqo isugu duba ridan jiray? Siduu maalintiisa u isticmaali jiray?

Hadaba, aan wada eegno sida diranahan; nebiga, Ilaahay rasuulkiisa, Aabaha, Saaxiibka iyo odayga uu u isticmaali jiray waqtigiisa. Taasna in aan ogaano waa sababta kitaabkan aan u qoray: Maailin ka mid ah Maalmihii Muxamed (A Day in the life of Muhamed)

Cabdul Wahaab Ibn Naasir al-Turayri

Makkah   Jimce, 20/7/1431 Hijriga

Ereyga Turjumaha Kitaabkan

Ilaahayayaa mahad oo dhan iska leh, midka aynu u nahay adoomaha, ina siiyay xikmada garashada iyo aqoonta iyo nimco badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin balse ay ugu mudan tahay Islaamnimada. Nabadgelyo iyo naxariista ilaahay korkiisa ha ahaato nebigeenii Muxamed oo uga marag kacayno in uu ina soo gaadhsiiyay fariintii, inuu gutay amaanadii inoogana digay dhamaanteen waxa inaga horeeya aakhiro ilaa uu xaqii u yimi.

Kitaabkan ma aha kii koowaad ee aan turjumo, waxa ka horeeyay kitaabka Sabirka iyo Mahadnaqa oo uu qoray ilaahay raali ha ka ahaadee sheekha islaamka Ibn Qayyim al-Jawzziyah. Insha allah midkana noqon maayo kii ugu danbeeyay ee waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu na siiyo sabir iyo adkaysi aanu kutub badan ugu turjino luqada af soomaaliga. Waxaan leenahay xeeladayda iyo awoodayda midna ma ahayn in ay ii suurta gasho hawsha turjumida kitaabkan balse waxay ku timi doonista Allaah oo ay ahayd awoodiisa mida suurta gal ka dhigtay. In wax la turjumaa ma hawl yara weliba in arrimaha diinta iyagoo afka ingiriisiga ku qoran afsoomaali laga dhigaa waa arin aad u dhib leh balse Alxamdulilaah, ilaahay ayaa mahad oo dhan leh. In luqada afka soomaaliga laga dhigo kitaabkan waxaan ula jeednaa in aan ummada afka soomaaliga ku hadasha uga faa’iidayno in ay helaan aqoonta diintooda oo ku qoran afkooda si ay si sahlan ugu fahmaan ugana faa’iidaystaan iyo in anagana nooga sugmo oo ka raadino ajri iyo abaal ilaahay noogu daro miisaanka xasanaadkayaga. Kitaabkan loogama jeedo in lagu helo macaash ama looma daabacayo sifo ganacsi lagu heli karo dakhli Xaashaa-Lilaah. Waxaan adkaynaynaa in aan ula jeedno ilaahay dartiisa kelliya. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu nooga dembi dhaafo waxii gef iyo meel ka dhac ama turunturo ah ee aanu galay ama ka muuqda shaqada aanu qabanay ee turjumida, taasna cid kale eed kuma leh ee waa aqoontayada gaaban iyo wax shaydaan ka adeegay. Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan culimada iyo dadka kale ee gacanta ka gaystay dibu eegista iyo sixista qisooyinka, dhacdooyinka, aayaadka quraanka ah, axaadiista ku jira kitaabkan. Waxan si gaar ah mahad aan la koobi Karin u xambaarinayaa walaalkay Cabdikariim Aadam Saciid oo dib u eegay iyo qaar ka mid ah caruurtayda: Safa Farxaan, Suhayb Farxaan, Sihaam Farxaan, Salmaan Farxaan oo aayaadka ii fududaynayay halka ay quraanka kaga jiraan maadaama ay xufaad yihiin iyo Saciid Farxaan Aadan oo markaan qorayay ila joogay ishana marinayay qoraalka af soomaaliga hadba inta aan turjumo. Saciid waa 8 Jir xiligan aan turjumayo Kitaabka balse dadaalkiisa aanu iga ag tegin xilli kastaayaa igu khasbay in aan halkan ku xuso. Waxa kale oo aan xusayaa oo u mahad celinayaa Towfiiq Farxaan Cabdi oo qaybta Tixraaca soo turjumay iyo shaqaalaha Hayada GAVO oo ugu horeeyo Agaasime Axmed Cumar Xersi oo iyaguna soo akhriyay.Ugu danbayn, waxaan ummuda islaamka ee Afka Soomaaliga ku hadasha ka codsanaynaa cid kasta oo akhrida kitaabkan in waxii qalad ah ee ay ku arkaan noogu soo gudbiyaan cinwaankayaga hoos ku qoran si aan u saxnodaabacaada labaad. inshaa allah khayr wayn ayaad ka dhitaysan doonaan arintaas.

Farxaan Aadam Haybe

Hargeysa, Soomaaliland.

Arbaca, 1da July 2015

Email:farhaibe@gmail.com

Telefoonka: 00 252 63 4444431

DILDILAACA WAAGA SUBAXEED

Markuu kaaha waaberigu ka soo dhex mudho mugdiga habeenka. Xiligaas, Bilaal codkiisa eedaanka salaada subax ayaa gilgila aamusnaanta habeenka magaalada Madiina. Xiligaas Ilaahay Rasuulkiisu SCW wuxuu ku jiraa hurdadiisa habeenka badhkiisa u danbeeya, ka dib waqti dheer oo uu soo jeed ku ahaa taagni uu ilaahay ugu cibaadaysanayo salaad sunne ah habeenka intiisa badan.

Marka uu Bilaal eedaanka dhameeyo uu dadka salaada subax ugu yeedho, Nabigu hurdada ayuu ka kici jiray, waxa ugu horeeya ee uu qaban jiray waxay ahayd inuu soo qaato cadaygiisa (Miswak) kuna nadiifiyo ilkihiisa. Markaas waxuu odhan jiray: Mahad oo dhan Allah ayay sugnaatay na nooleeyay dhimasho ka dib xagiisana aanu u noqonayno. Dabadeed waxuu ka daba odhan jiray kelmadaha eedaanka ee mu’adinku ku tiraabayo tusaale; “Alaahu Akbar” Ilaahay ayaa wayn;Nabigu waxuu ka daba odhan jiray “Allaahu Akbar” marka uu mu’adinku yidhaa: “Ashhadu an la ilaaha illa Allah”  macno ahaan; waxaan qirayaa in aan Allaah mooyee Alle kale jirin, Nabiguna waxuu ka daba odhan jiray kelmada ah “Wa Anna” oo la macno ah aniguna sidaas ayaan ka marag ahay. Markuu Mu’adinku yidhaa: Ashhadu anna Muxameda rasuulu Allah, oo macno ahaan ah; Waxaan qirayaa in Maxamed yahay rasuulkii Ilaahay, nabiguna waxuu odhan jiray“Aniguna sidoo kale”. Mu’adinka ayaa markan odhanaya “Xaya alal Salah; Xaya alal-Falaax” oo la macno ah: u kaalaya Salaada; U kaalaya liibaanta. Mid kasta waxuu odhan jiray: “Xeelad iyo awoodi ma jirto mida Allah mooyee”. Mida u danbaysa ee eedaanka waxa weeye Alaahu Akbar oo ah ilaahay ayaa wayn, sidaas ayaanu nabigu uga daba tiraabayay mu’adinka.

Nabigu waxuu raacin jiray ducadan: Allaahu ma Raba Xaqa Haadihil Dacwatul Taama, Wa Salaatu Al Qaaima, Ati Sayidanaa Muxamed Al Wasiila, Wal Fadiila, Wa Darajatul Caaliyah Alrafiica, Wa BacasAl-Maqaamal Maxmuud Alatii Wacata, Inaka-La-Tukhlifal-Miicaad(Alahayow rabiga yeedhista dhamayska tiran iyo salaada toosan ee gaadhsiinta ee fadliga leh ee darajada sare ee koraysa iyo soo saarista la kulanka nebiga ee aad noogu balan qaaday adiguna aad tahay midka balanka oofiya).

Nabigu haduu u baahdo maydhasho jidhka ah wuu soo maydhan jiray, hadii kale oo uu wayso u baahan yahay kaliya wuu soo waysaysan jiray. Xiliyada qaar ayuu isagoon waysaysan salaada tujin jiray, markaas ayaa qof waydiiyay in ay sidaas in la sameeyaa sax tahay. Jawaabtiisu waxay ahayd: indhahayga oo kaliya ayaa seexday ee qalbigaygu wuu soo jeeday.

Laba rakcadood ee sunaha ka horeeya subaxa ayuu guriga ku soo tukan jiray, laba rakcadood oo gaagaaban oo loo maleeyo sida uu ugu dhakhsaday in aanu taagnida ku dhamaynin akhriska suurada faatixada oo ah waajib in la akhriyo.

Labadaas rakcadood ee sunaha ah waxuu inta badan akhriyi jiray 109:(1-6) aayaadka suurada Al-kaafuruun: Waxaad tidhaa gaalooy, ma caabudayo waxaad caabudaysaan,idinkuna ma caabudaysaan Allahaan caabudi,mana aan caabudin waxaad caabudeen,idinkuna hadda ma caabudaysaan Allahaan caabudi, idinkuna diintiinaad leedihiin aniguna diintayda  iyo aayaadka suurada Ikhlaas: Waxaad tidhaa (Nabiyow) Allah waa kalli( Wehelna ma leh), Waana Sayid( deeqtoon). Allah wax ma dhalin, isna lama dhalin, wax la mid ahina ma jiro112:(1-4). Marmarka qaarkood waxuu akhriyi jiray suurada Al-baqra: waxaad dhahdaan waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahim, Ismaciil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebahood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u hogaansamaynaa Eebe(2:136), iyo suurada Al-Cimran:Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu-Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay(3:64) Ama suurada isla Al-Cimran:Markuu ka kasay Ciise Xaggooda Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah gargaaraha Eebe (Diintiisa) waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay.Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raacnay Rasuulka ee nagu qor (nagadhig) la jirka markhaatiyada(3:52-53).

Nabigu wuxuu aad u ilaalin jiray oogista labada rakcadood ee sunaha ka horeeya salaada subax. Waxaanu odhan jiray; labadan rakcadood way iiga qaalisan yihiin aniga waxa aduunka gabi ahaan dul yaala iyo waxa dhex yaala oo dhan.

Marka uu labada rakcadood ee sunaha tukado, hadii ay xaaskiisu soo jeedo wuu la sheekaysan jiray si kalgacal leh.bal ka warama farxadeeda gabadh marka waagu dilaaco odaygeedu wada sheekaysi qiime iyo kalgacal leh la wadaagayo. Hadiise ay hurudo,nabigu dib ayuu ugu jiifsan jiray gogasha isagoo dhinaciisa midig dhulka marinaya ilaa ay ka gaadho xiligii salaada subax la tukanayay.

Marka Bilaal dareemo in dadkii soo wada gaadhay masaajidka, nabiga ayuu ugu iman jiray guriga,si uu salaada u tujiyo muslimiinta isaga oo leh; waa xiligii salaada rasuulkii ilaahayoow. Markaas ayuu nabigu soo bixi jiray si uu salaada u tujiyo.

Nebigu SCW masaajidka markuu soo galayo waxuu odhan jiray: Magaca ilaahay ayaan ku bilaabay nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato rasuulka ilaahay. Allahayoow, iiga danbi dhaaf danbiyadayda iina fur albaabada naxariistaada.WaxaanAllaha awooda badan ka magan galay, wajigiisa wayn iyo gargaarkiisa aan duugoobin shaydaanka rajiimka ah.

Marka Bilaal arko nabiga oo soo galaya masaajidka, ayuu iqaami jiray salaada si la isugu taago markaas ayay asxaabtu eegi jireen nabiga oo soo socda, dabadeedna ay dhamaan isu taagi jireen salaada oogisteeda iyagoo safaf toosan ah.

Xiliyada qaar ayuu nabigu soo gali jiray masaajidka isagoo madaxiisu biyo ka da’ayaan maydhasho uu markaa maydhay. Xilliyada adagna, waxuu soo gali jiray masaajidka, oo markaas la aqiimi jiray, sidaas ayaanay asxaabtu isugu taagi jireen salaada iyagoo safaf toosan ah, nabiguna isu taagi jiray meeshiisa si uu salaada u tujiyo. Markaas ayuu is xusuusan jiray in uu u baahan yahay maydhasho. Waxuu marxaladaas gacantiisa ku ishaari jiray asxaabta si ay u sugaan oo meeshooda u taagnaadaan. Guriga ayuu ku noqon jiray waxaanu u qubaysan jiray si dhakhso ah oo ku soo noqon jiray masaajidka, isagoo biyihii uu ku maydhay madaxiisa ka tif leeyihiin. Nabigu xaaladaas muu qarsan jirin,lamana uu yaabi jirin, sababtoo ah waxuu ahaa qof caadi ah oo noloshiisu ay la mid tahay sida habka nolosha caadiga ah ee bini-aadamka. Sida quraanku u sheegay isagoo qeexaya midka uu yahay Nabiga ilaahay u soo diray dadka; hadiiba aanu u magacaabi lahayn malag inaanu soo diro, xaqiiqdii waxaanu u muujin lahayn sidii nin (6:9)Markuu Nabigu mixraabka istaago si uu tukiyo salaada, waxuu xaqiijin jiray in safafka asxaabta tukanaysa ee isaga ka danbaysaa ay toosan yihiin. Waxuu nabigu odhan jiray“toosiya safafkiina isuna dhowaada, in la toosiyo safafka waxay ka mid tahay dhamaystirka salaada”. Dabadeed waxuu odhan jiray “Allaahu Akbar” oo la macno ah “Ilaahay ayaa wayn” marka uu leeyahay kelmadaasna, waxuu gacmihiisa kor ugu qaadayay ilaa ay la simaan garbihiisa, markaas ayuu gacantiisa midig dul saari jiray gacantiisa bidix. Dabadeed waxuu odhan jiray isagoon kor u qaadin codkiisa: “Wajigayga waxaan ku qaabilay Allaha samada abuuray samooyinka iyo dhulka anigoo ah mid toosan oo Muslim ah,kama mid ihi kuwa Allaah wax kale la wadaajiya (jiritaankiisa iyo awoodihiisa ilaahnimo). Salaadayda, gawracayga, noloshadayda iyo geeridayduba Ilaahay-rabiga caalamka ah ayay gacantiisa ku jirtaa. Cidna u shariik yeeli maayo waxaanan ka mid ahay kuwa ugu horeeya ee muslimka ah.  

Markuu bisinka hoos u akhriyo, waxuu kor u akhriyi jiray suurada ugu horaysa quraanka,ee Faatixada, taas oo akhriskeeda yahay waajib in la akhriyo rakcad kasta oo salaada ah. Nabigu waxuu suuradaha u akhriyi jiray si waadix ah, isagoo aayad kasta ku hakan jiray dhamaadkeeda. Waxuu u akhriyi jiray Alxamdulilaahi Rabi Al Caalamiin “Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha caalamka( Koonka), Al raxmaani raxiim“ee mid guud iyo mid gaar ahba naxariista”, maaliki yaw mi diin “ee Hanta maalinta abaal marinta (Qiyaamaha)”, iyaaka nacbudu “adiga ayuun baan ku caabudaynaa”, Wa iyaaka nasta ciin “adiga ayuun baanu ku kaalmo waydiisanaynaa”, Ihidina Siraad al Mastaqiim “ee nagu hanuuni jidka toosan(Xaqa)”,Siraada al ladiina ancamta caleyhim qayril maqduubi caleyhim wala daaliin“jidka kuwii aad u nimcaysay eedan u cadhoon lumina”.intaas ka dib waxuu akhiriyi jiray suurad kale, iyadoo rakcada hore uu dheerayn jiray halka rakcada danbana uu suurada faataxada ka danbaysa soo gaabin jiray. Inta badana waxuu akhiriyi jiray isugayn labada rakcadood inta u dhaxaysa 60 iyo 100 sadar,taasina waxa ay la xidhiidhaa sida uu jideeyay quraanku marka laga hadlayo akhrinta quraanka ee salaada subax dhexdeeda;Isu taag (oog) salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) Waabariga (subaxa) Quraanka Waabariguna waa mid la Joogee (Malaa’igta)(Sura Isra 17:78).Jimcayaasha, waxuu akhiriyi jiray Surah Al-Sajda (32) rakcada hore iyo suurada Al-Insaan (76) oo uu akhriyi jiray rakcada labaad.

Mararka qaarkood Nabigu SCW wuu qunuudi jiray/ducayn jiray salaada dhexdeeda marka uu rukuucda rakcada labaad ka soo tooso, gaar ahaan waxuu sidaa samayn jiray marka xaaladi la soo daristo muslimiinta. Waxuu nabigu, ilaahay subxaanuhuye waydiisan jiray inuu muslimiinta ka faydo kurbada iyo inuu u aqbalo guul iyo barako. Gabaygii Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa oo ahaa Ansaarigii nabiga la socon jiray, ayaa ku sifeeyay gabaygiisa xaaladaas sidan;

“Waxa na dhex joogayrasuulkii Allaah sida uu yahay nuur shidan oo ka dhex ifaya mugdiga waaga subaxii markuu akhriyayo kitaabka ilaahay”.

Nabigu SCW, marka uu dhameeyo salaada subax, waxuu odhan jiray isaga oo halkiisa fadhiya oo qiblada u jeeda: Istaqfur-Allaah oo ah “ilaahayow denbidhaaf na sii” sadex jeer ayuu ku celin jiray. Sidoo kale waxuu raacin jiray ducadan; Alahuma anta Salaam, Wa minka Salaam Tabaarakta Rabanaa yaa dul jalaali wal ikraam. Markaas ayuu dhinaca midigtiisa u soo jeedsan jiray, mararna waxa dhacday inuu bidixda u soo jeestay. Markuu wajigiisu u soo jeediyo asxaabtiisa, waxa ugu horeeya ee maqli jireen isagoo leh; Alahayoow iga nabadgali ciqaabkaaga maalinta aad soo saarto adoomahaaga.

Nabigu CSW, waxuu markaa waynayn jiray Allaah subxaanuhuye isaga oo leh: “Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, isagaa mulkiga oo dhan leh, isagaana mahadi u sugnaatay, waxkastana isagu waa mid meel marinteeda awood u leh (Laa Ilaaha Ila Allaah waxdahu laa shariika lah, lahul mulk walahul xamd wa huwa calaa kuli shay’in qadiir). Sidoo kale waxuu odhan jiray: Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro,waxaanu u gaar yeelaynaa cibaadada haba dhibsadaan gaaladuye. Waxa kale oo uu nabigu SCW odhan jiray: Allaahu laa maanic lamaa acdayt, walaa mucdii lamaa manacta walaa yanfacu duu jadi minka jada. Markuu intaas yidhaa ayuu tasbiixsan jiray (Subxaana Allah, Alxamdulilaah, Allaahu-akbar) waxaanu ku soo dhamayn jiray: Allaah kaliya mooyee alle kale ma jiro, isagaa mulkiga oo dhan leh, isagaana mahadi u sugnaatay, waxkastana isagu waa mid meel marinteeda awood u leh (Laa Ilaaha Ila Allaah waxdahu laa shariika lah, lahul mulk walahul xamd wa huwa calaa kuli shay’in qadiir), Allahayow waxaan ku waydiisanayaa khayrka maalintan iyo waxii khayr dhexdeeda ku jira iyo khayrka waxii la socda. Allahayow waxaan kaa magan galay caajisnimo iyo xaalada qalafsan ee xiliga gabowga, iga nabadgali cadaabta naarta iyo cadaabta qabriga”sidaas waxuu odhan jiray subaxa iyo makhribka kaliya waxuu keliya kala badali jiray kalmadaha subax iyo galab meelaha ay ducooyinka kaga jiraan.

Waxa kale oo uu odhan jiray: “Allahayow caafimaad wanaagsan ii sii jidhkayga, maqalkayga, aragayga. adiga mooyee ilaah kale ma jiro. Allahayow, waxaan kaa magan galay gaalnimo iyo saboolnimo/faqri; waxaan kaa magan galay cadaabta qabriga. Adiga kaliya mooyee Ilaah kale ma jiro” Waxuu sidaas odhan jiray saddex jeer subax iyo galabtii.

Xilligaas, adeegayaasha guryaha Madiina oo dhan ayaa u iman jiray Nabiga SCW, iyagoo sida weel biyo ku jiraan, si nabigu ugu tufo cashar, iyagoo ka codsan jiray inuu gacantiisa u galiyo biyaha. Waxuu gacantiisa galin jiray biyaha ku jira weel kasta oo loo dhiibo. markasta xilliga salaada subax waa loo keeni jiray haba ahaato xilli qaboobe, Nabigu SCW wuu barakayn jiray biyaha isagoo gacantiisa galinaya.

 

Waaberiga subaxnimo iyo Xaalka Nabiga

Marka nabiga iyo asxaabtiisu ay dhamaystaan salaada iyo ducadooda, waxa ay isu soo dhowayn jireen safafkooda iyagoo ku soo ururaya nabiga halka uu fadhiyo oo ah halkii uu salaada ku tukaday. Isagoo xagooda u soo jeeda soona qaabilaya asxaabta, waxa uu iftiinka waagu qabtaa wajigiisa nuurka badan. Nabigu SCW, waxuu lahaa waji aad iyo aad u qurxoon oo nuur badan, qof kasta oo u fiirsada wajigiisuna waxuu ka dheehanayay runta waxa lala soo diray, sida uu ku sifeeyay Cabdullaahi Ibnu Sallaam oo yidhi:“Markaan ka bogtay wajigiisa, waxaan dhab u aqoonsaday in aanu ahayn waji beenaale” 

Nabigu SCW, waxuu bilaabi jiray wacdi sida uu wariyay Al-Irbad Ibnu Siriyah: Maalin ayuu nabigu SCW salaadii subax ka dib noo jeediyay wacdi ka oohiyay indhihii dadka dareenka iyo sida wacidgaasi u warwar geliyay. Mid dadka ka mid ah ayaa nabiga waydiiyay: rasuulkii ilaahayow wacdigaagu maanta waxuu u ekaa sidii qof sogaati ah, markaa maxaad na odhan lahayd? Waxuu nabigu SCW ku yidhi: waxaan idinkula talin lahaa inaad ilaahay ka baqataan iyo inaad dhagaysataan oo adeecdaan hogaankiina haba ahaado adoon madow ahe. Kuwiina sii noolaadaa waxay arki doonaan waxyaalo badan oo khilaaf ah. Ka fogaada waxyaalaha aan saxa ahayn, waxay idinku hogaamin baadi. Midkasta oo idinka mid ah oo sii noolaadaaha ku dhegenaado sunahayga iyo sunnaha khulufada, kuna dhegenaada taas. Wacdiga nabigu SCW, had iyo jeer muu ahayn mid aad u dheer oo soo noqnoqda. Waxuu ahaa mid degen oo aanay asxaabtu ku daalin kana caajisin.

Marka ay asxaabtu ku soo ururaan agtiisa, waxuu odhan jiray ma jiraa qof xanuunsanaya si aan u soo booqano?  Hadii ay ugu jawaabaan maya, waxuu odhan jiray ma jiraa qof dhintay oo la aasayo si aynu uga qayb galo aaskiisa?

 

Waxuu sidoo kale su’aali jiray, hadiiba uu jiro qof uu tebayo oo maqan. Waxa jirtay gabadh madow oo masaajidka nabiga nadiifin jirtay, nabiguna SCW wuu tebay maalin, markaas ayuu asxaabtasu’aalay. Waxaa loo sheegay in ay geeriyootay. Nabigu SCW, wuu ka cadhooday isagoo leh: Maxaad iigu sheegi waydeen? Waxaanay u muuqatay in ay asxaabtu u arkayeen arin iska fudud, waxaanay ugu jawaabeen: Rasuulkii Ilaahayow waxay dhimatay habeenimo waana la aasay, waxaananu dhibsanay in aanu hurdada kaa toosino. Nabigu SCW, waxuu waydiistay asxaabta inay tusaan qabrigeedii, sidaas ayuu ku tegay qabrigeedii, waanu ku tukaday una duceeyay.

Maalin ayaa nabigu SCW, ogaaday in Saxaabiga Taabit Ibnu Qays Ibnu Shammas maqan yahay. Markaas ayuu waydiiyay isagoo leh,maxaynu u arki waynay Taabit, ma xanuun ayaa haleelay? Sacad Ibnu Macaad ayaa u jawaabay isagoo leh; Rasuulkii ilaahayow anigaa la jaar ah kamana maqal wax war ah oo sheegaya inuu buko. Sacad ayaa tegay si uu u soo eego waxaanu ka helay gurigiisii isagoo ooyaya albaabkana xidhay. Sacad waxuu waydiiyay maxaa kugu dhacay? Taabiit waxuu yidhi arin aad u xun ayaan sameeyay. Allaah ayaa yidhi; Kuwa xaqa rumeeyow ha ka saraysiinina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qayliyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon ogayn (49:2).Waxaan ahayn nin cod dheer leh, markaa waxaan ka baqay codkaygaa dheer awgiis in uu iga buriyo camalkayga iina horseedo cadaab. Markaas ayaa Nabigu SCW ku yidhi, Taabit adigu kuwaas kama mid tihid. Waxaad u noolaan doontaa si fiican si fiicana waad u dhimanaysaa, waxaanad ka mid tahay dadka janada.

Halkaas waxaynu ka arkaynaa sida nabigu SCWula socday xaalada asxaabtiisa, isagoo midna aan ilaabi jirin. Midkasta oo ka mid ah asxaabtu waxuu lahaa kaalin iyo malko u gaar ah. mid kasta oo ka mid ah asxaabtu marka ay la joogaan nabiga SCWwaxay ahaayeen qaar qiimo wayn leh, kuwa maqana lama ilaawi jirin. Arintaasi waxay tilmaan iyo calaamad u tahay hogaaminta fiican iyo xoojinta isku xidhnaanta dadka iyo muujinta dareenka loohayo qof kasta oo bulshadaas ka mid ah.

Salaada subax ka dib, waxuu nabigu waydiin jiray asxaabtiisa riyooyinkooda, isagoo leh: hadii mid idinka mid ah uu xalay riyooday ha ii sheego si aan u fasiro. Sidaas ayay ugu sheegi jireen riyadooda, isaguna ugu fasiri jiray mida wanaagsan ee khayr u leh. Tusaale uu wariyay cabdulaahi binu salaam waxuu yidhi: waan riyooday waqtigii nabigu SCW noolaa. Riyadayda waxaan ku arkay aniga beer balaadhan oo qurux badan dhex jooga, dhexdeeda waxa ku yaala tiir bir ah. Tiirkaasi waxuu ku taagan yahay dhulka madaxiisuna cirka ayuu gaadhsiisan yahay. Halka u saraysa tiirka waxa ku taal goobo. Waxa la igu yidhi fuul/kor tiirka. Waxaan idhi ma fuuli/kori karo. Qof shaqaale ah ayaa ii yimi oo kor ii qaaday, markaas ayaan fuulay ilaa aan gaadhay goobadii oo aan qabsaday. Waxa la iisheegay in aan xejisto. Markaas ayaan toosay, anigoo u haysta in goobadii gacanta iigu jirta. Sidaas ayaan nabiga SCW, ugu sheegay riyadaydii. Waxaanu yidhi: beertu waa islaamnimada, tiirkuna waa tiirka islaamka, goobaduna waxa ay tilmaan u tahay haysashada diinta. Macnaheeduna waa inaad haysanayso islaamnimada ilaa aad ka dhimanayso.Cabdullaahi Binu salaam waxuu ahaan jiray Raabi yuhuudi ah, waxaanu soo islaamay markii uu nabigu Madiina tegay. Cabdullahi waxuu noolaa 35 sanno nabiga SCW markuu dhintay ka dib. Xiligaas kooxo dad ah ayaa diinta ka baxay oo weliba dagaal kala hor yimi maamulkii islaamka, laakiin Cabdilaahi Bin salaam sidii uu nabigu ku fasiray riyadiisa wuu adkaystay islaamnimadiisii ilaa uu ku dhintay.

Maalin ayaa nabigu SCW, ka codsaday asxaabtiisa in ay riyadooda la wadaagaan si uu ugu fasiro. Nin ayaa markaas yidhi:  Rasuulkii ilaahayow waxaan riyo ku arkay daruur roobaad laakiin subag iyo malab da’aysa. Dadkuna waxay u dhiganayeen gacmahooda waxa u da’aya. Dadka qaar in badan ayay ka qaadanayeen, halka qaar kalena in yar ka qaadanayeen. Waxa kale oo aan arkay xadhig samada ka soo laalaada ilaa dhulka soo gaadhay. Waxaan arkay adiga oo haysta xadhigaas oo kor u fuulay/koray. Nin kale ayaa isna soo koray oo haysta xadhiga isagoo meel sare taagan, sidoo kale nin kale ayaa soo koray oo isna meel sare taagan, nin sadexaad ayaa qabsaday xadhigii markaa ayuu go’ay. Markaas ayaa loo guntay sidaas ayuu ku koray.

Abu-Bakar ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow ii ogolow in aan fasiro, rasuulkuna wuu ka aqbalay. Markaas ayuu Abu-bakar RC yidhi:Daruurtu waa islaamnimada iyo hadhka ay dadkeeda siiso. Malabka iyo subaguna waa quraanka, maadaama quraanku yahay macaan iyo mid dhamaystiran. Dad inta badan ka qaatay waxa kuwa bartay quraanka in badan halka kuwa waxa yar ka qaatayna yihiin kuwa quraanka in yar ka bartay. Xadhiga samada ka soo laalaadayna waa runta aad adigu nabiyow noogu yeedhayso, ilaahay ayaana darajedaada kor yeelay runtaas awgeed, markaad ayaa nin qaadanayaa xadhigaas oo kor u baxayaa, hadana nin kale ayaa imanaya oo isna qaadanaya oo kor u baxaya halka nin kalena wuu qaadanaya markaas ayuu ka go’ayaa oo u guntamayaa oo isaguna kor u baxayaa. Rasuulkii ilaahayow ii sheeg in aan si saxa u fasiray iyo in kale.  Rasuulku waxuu yidhi:  Sax ayaad sheegtay qaybo halka qaybo kalena ka qaldan yihiin.Abu-Bakar RC, ayaa yidhi ilaahay ayaan kugu dhaarshee ii sheeg kuwaan qalday. Rasuulka ayaa yidhi ha I dhaarinin.

Halkan waxaa laga dheehan karaa sida axsaabta Rasuulka ay riyooyinkoodu uga turjumayeen shaqada ilaahay ay u hayaan ee ah diintooda iyo camalada lagu adoonsaday. Waxaana la yaab ah in soo jeedkoodana ay ahaayeen qaar dhamaystira cibaadada oo ku foogan halka markay hurdaan waxa caqligooda ku soo dhacaa riyo ahaan uu u badnaa mid la mida soo jeedkooda waxa ay ku warwar sanaayeen dhamaystirkeeda.

Samurah ayaa wariyay in xilli nabigu waydiiyay bal inay jirto cid riyootay, waxaan ku nidhi ma jirto Rasuulkii Ilaahayow. Waxuu ku jawaabay;xalay waxaan arkay laba nin oo igu soo socda, gacanta ayay i qabteen ilaa ay i geeyeen dhulka barakaysan”” xadiisku wuu dheeraa si faahfaahsan ayaanu uga hadlay xaaladaha dadka ay ku waajibtay cadaabta rabi iyo sababta loo cadaabayo. Waxa kale oo xadiisku ku jirta arimo kale oo iftiiminaya aakhiro iyo xaalkeeda.

Maalmaha qaar wada sheekaysiga asxaabtiisa waxay ahaayeen qaar uu nabiguna ka qayb qaato sheekada ama uu dhagaysto waxay ka wada hadlayaan. Waxay ka hadli jireen xaalkoodu siduu ahaaislaamka ka hor, waxay qaban jireen jaahiliyadii iyo sida ay uga xun yihiin waxyaalaha aan runta iyo qiimaha lahayn ee ay samayn jireen. Sidoo kale waxay ka sheekaysan jireen qiimaha wayn ee islaamnimadu u keentay iyo iftiinka iimaanka. Marka ay sheekooyinkaas is waydaarsanayaan waa ay ku qosli jireen jaahilnimadoodii islaamka ka hor markaas nabiguna SCW wuu dhoola cadayn jiray. Nabigu SCW,masaajidka ayuu ku nagaan jiray ilaa ay cadceedu ay si dhamaystiran u soo baxdo.

Markay cadceedu soo baxdo ayuu nabigu CSW u dhaqaaqi jiray dhinaca gurigiisa. Markuu ka baxayo masaajidka waxuu odhan jiray:“waxaan ku bilaabay magaca allaah, nabadgalyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato rasuulkiisa. Allahayow iga dhaaf danbigayga iina fur albaabada naxariistaada”

Marka uu gurigiisa galo, ugu horayn waxuu cadayi jiray ilkihiisa si uu u nadiifiyo afkiisa daahirka ahaa. Wuu salaami jiray ehelkiisa isagoo leh: “Assalamu Caleykum; nabadgalyo korkiina ha ahaato. Side tihiin, xubnaha qoyska guriganow?  Markaas ayuu qofkasta oo guriga jooga halkiisa ku booqan jiray isagoo salaamaya una ducaynaya. Kaliya marka uu booqanayo waxa uu dhaafi jiray qofka uu arko isagoo salaad ku jira. Waqti badana may ahayn inta uu salaamayo qof kasta una ducaynayo.

Waxa la wariyay inuu nabigu SCW mar u galay qolkii Juweeriyah iyadoo cibaado ku jirta, markaas ayuu ka baxay si ay u wadato salaada iyo ducada.

Inta uu gurigiisa joogo, marka uu u baahdo cunto wuu waydiisan jiray isagoo leh: miyay wax la cunaa yaalaan? Hadii wax yaalaan waa loo keeni jiray. Inta badana waxay ahayd cunto fudud sida timir, caano la qalajiyay ama Hays (timir, caano iyo subag la isku daray) ama caano kaliya ama sharaab laga sameeyay timir ama malab mudo biyo lagu daray. Hadii aanay waxba oolin, marka loo sheego, waxuu odhan jiray maanta waan iska soomanaanayaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dib ugu noqoshada masaajidka

Marka uu nabigu SCW uu soo jaangooyo booqashada xaasaskiisa, waxuu dib ugu noqon jiray masaajidka. Marka ugu horaysa ee uu galo, laba rakcadood oo gaagaaban ayuu ku tukan jiray meel u dhow tiir ka mid tiirarka masaajidka oo la odhan jiray Tiirka Muhaajiriinta kaas oo ku dhex yaalay badhtanka goobta barakaysan ee Rowdada. Inta badan nabigu SCW goobtaas ayuu ku tukan jiray salaadaha sunaha ah.

Rowdada ayuu fadhiisan jiray isagoo dhabarka ku haya qolka Caasha oo ku dheganaa masaajidka. Halkaas ayay ku soo ururi jireen asxaabtu, waana kulan iska caadi joogto ah oo qof kasta oo raba inuu wax waydiiyo nabiga ama wax ka ogaado diintiisa ama u socda nabigu ugu iman jiray. Kulankaasi marba si ayuu ahaa dhinaca tirada asxaabta waxaanay ku xidhnayd xaalada.  Marka ay yihiin tiro yar, waxay samayn jireen wareeg kooban oo nabiga SCW ku wareegsan, hadii ay asxaabtu badan yihiina waxay  u fadhiisan jireen laba saf oo midna midigta ka maro midna bidixda si qof kasta oo  qariiba ama cusub oo u socda nabiga SCW  ama qof su,aal u hayaa uu u fadhiisan karo agtiisa.

Marka uu Nabigu SCW la fadhiyo asxaabtiisa waxuu ahaa mid hadalkiisu xikmad ku dheehan tahay,korna aan codkiisu u dheerayn ahayna mid hooseeya. Waxay ahaayeen weedhaha uu isticmaali jiray qaar kooban oo qofkastaa fahmi karo, sababtaas awgeedna, qof kastaa wuu jeclaysanayay inuu dhagaysto marka uu hadlayo.Caasha Bintu Abubakar (ARHA) ayaa tidhi: Rasuulka ilaahay uma hadli jirin si hadal badnaan ah sida idinku aad u hadashaan. Waxuu u hadli jiray si cad oo qof kasta oo dhagaysanayaa uu xafdiyi karo weedhaha uu ku hadlay.

Inta badan waxuu nabigu SCW dooran jiray aaraah is waydaarsiga, isagoo ku bilaabi jiray su’aal. Su’aasha marka uu waydiiyo waxa xikmadeedu ahayd in uu xiiso galiyo asxaabtiisa si ay u helaan jawaabta. Sida mar uu yidhi: ma idiin sheegaa midka danbiyada waaweyn ugu xun?  Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg. Waxuu yidhi: in Ilaahay lala wadaaajiyo cid kale jiritaankiisa, in aan loo samo falin waalidka iyo dhaarta beenta ah.Tusaale kale; waxuu ahaa mar uu waydiiyay: ma taqaaniin qofka faraha madhan ee musalafay?  Waxay yidhaahdeen waa qofku marka aanu haysan lacag ama hanti. Waxuu yidhi qofka faraha madhan bulshadayda waa qofka  maalinta qiyaamaha la imanaya camal badan oo fiican sida salaad, sako,  soon,  sadaqad,  laakiin intuu noolaa aduunkii  waxa uu sameeyay danbiyo kan ayuu caayay,  mid kale oo uu ceebeeyay,  si sharci daro oo wax kaga qaaday qof, qof uu dhaawacay, mid kale oo uu dilay.qof kasta oo cidii uu waxyeelay ka mid ah waxa la siinayaa qayb ka mid ah ajrigiisii. Hadii camalkiisa fiicnaa/ajrigiisu dhamaado inta aanu wada bixin waxii uu gaystay waxa la soo qaadayaa danbiyada dadka uu wax u gaystay, oo isaga loo diiwaan galiyaa sidaas ayaanu naarta ku galayaa.

Maalin kale nabigu SCW, waxuu asxaabtiisa waydiiyay:  waxaad ii sheegtaan geedka u dhigma sifaha muslimka. Ma soo daadiyo caleentiisa, waxaanu bixiyaa midho xilli kasta. Waxay asxaabtiisii sheegeen noocyo badan oo dhir ah, laakiin markasta oo ay geed magacii sheegaanba waxuu nabigu SCW ku lahaa ma aha midkaas.Cabdulaahi ibnu Cumar oo markaas ugu yaraa tobanka asxaabi ee la joogay ayaa inkasta oo uu garanayay inuu geedka timirta ah yahay, waxuu eegay dadka nabiga la joogay ee su’aasha la waydiiyay oo ay ku jireen Abu-bakar iyo isaga aabihii Cumar ibnu khadaab,sababtaas ayuu uga xishooday oo isaga aamusay. Markaas ayaa nabigu sheegay in uu yahay geedka timirta.

Waxuu nabigu SCW ku celin jiray sadex jeer markii arin sheegayo, si uu u hubiyo in siday tahay loo fahmay ama uu adkeeyo ahmiyada iyo faa’iidada waxa uu sheegay. Tusaale;markuu ka hadlayay denbiyada waaweyn waxuu ku daray beenta loo badheedho iyo dhaarta waanu ku celceliyay ilaa dadku jeclaystay inuu joojiyo, iyadoo u dareen qaba khatarta arintaas ay leedahay.

Mararka qaarkood nabigu SCW waxuu si kedis ah su’aal u waydiin jiray asxaabtiisa tusaale ahaan; mar ayuu waydiiyay: midkiinee maanta sooman?  Dhamaantood umay diyaar garoowin su’aashaas maadaama aanay soomanayn. Hadiiba ay ogaan lahaayeen in nebiga Allah uu waydiin doono su’aashaas dhamaan way soomi lahaayeen. Markaa dhamaantood way aamuseen abubakar oo kaliya ayaa yidhi: aniga ayaa sooman rasuulkii ilaahayow. Rasuulku waxuu mar kale waydiiyay: midkiinee maanta soo booqday qof xanuunsanaya? Mar kale ayay dhamaan wada aamuseen oo sidoo kale abubakar ayaa yidhi: anigaa maanta qof xanuunsanaya soo booqday. Rasuulku su’aal kale ayuu hadana ku waydiiyay asxaabta:  midkiinee maanta raacay jinaasad/ mayd qof dhintay? Dhamaantood way ka aamuseen, Abu bakar ayaa yidhi anigaa raacay maanta qof dhintay aaskiisa. Markaas ayuu waydiiyay; midkiinee sadaqad la baxay manta, si la mida ayay uga aamuseen Abubakar mooyee Dabadeed nabiga ayaa yidhi: hadii mid idinka mid ahi afartaa shay oo sameeyo maalin kaliya dhexdeed, waxa hubaal ah inuu janada galayo.

Nabi Muxamed SCW,mararna waxuu hadalkiisa ku kabi jiray tusaalayaal si macnaha looga bogto. Mar waxuu sawiray goobo dhexda ay kaga taal layn dheer o toosan oo dhinacyada gaadhsiisan. Markaas ayuu laynkana ka sii jeexay layman yaryar oo dhinacyada kaga yaal.  Markaas ayuu waydiiyay asxaabtiisa isaga oo leh: ma taqaanaanwaxa sawirkani yahay? Waxay ugu jawaabeen Allaah iyo rasuulkiisa ayaa og. Waxuu ugu jawaabay: laynka dhexe ee toosani waa qofka biniaadamka ah. laymanka gaagaaban ee dhinacyada kaga yaalaana waa xaaladaha adag ee ku gadaaman qofka. Waxaanay kaga imanayaan dhinacyada oo dhan,hadii mid uu ka gudbo mida kale ayaa heleelaysa. Goobaduna waa dhamaadka noloshiisa taas oo qabanaysa marka ugu danbaysa. Laynkan ka danbeeya goobada waa rajadiisa. Waxaanu rajaynayaa waxyaalo ka baxsan noloshiisa kuwaas oo geeridu uga soo horaynayso.

Halkaasna waxaynu ka arki karaa xikmada iyo aqoonta durugsan ee nabiga SCW Allaah siiyay ee isugu jirta waxbaris, toosin iyo badbaadin dadka uu uga digayo cadaab daran. Nabigu SCW kaliya tilmaamo muu bixin jirin ee sidoo kale waxuu ku dari jiray wada sheekaysi si qofka uu wax u sheegayaa uu uga qayb qaato habka wax barista. Runtii habka waxbarista nabigu waxuu ahaa qaab hodan ku ah erey bixinta sidoo kalena ay ka muuqato aqoon dheeraad ah oo suurta galinaysay in qofka wax ka baranayaa aanu ku daalin sidoo kalena fahamkiisa kor u qaadaysay.

Waxa hababkaas wax barista qayb wayn ka ahaa salaada iyo ducooyin uu markasta nabigu SCW dembi dhaaf rabigiis kaga baryayo. Waxaanay taasi dareen wayn siin jirtay asxaabtiisa iyagoo ogsoon in nabigu SCW mar kasta cadaynayay fulinta amarka Allaah iyo dalabka dembi dhaafkiisa isagoo ku muujinaya tasbiix, taxmiid iyo tahliil iyo weliba duco ahaan.

Waxay asxaabtu ka tirin jireen ilaa 100 jeer/mar ee uu yidhaa Alahayow ii dembi dhaaf (Astiqfurulaah) ama duco u dhiganta.

Caruur yaryar ayaa marar loo keeni jiray isagoo xiligaas ku dhex jira shaqadii subaxa ee masaajidka dhexdiisa. Markaas ayuu u ducayn jiray, isaga oo soo qaadaya timir uu afka ku calaaliyo oo inta uu jilciyo markaas ayuu dhanxanaga ama ciridka ugu dhejin jiray si ay u dheecaamiyaan. Waxaanu caruurta dhalatay ee loo keeno u bixin jiray magac una ducayn jiray.

Hal arin ayaan tusaale u soo qaadanaynaa oo ka mid ah midka kor aan kaga hadalay. Abu Usayd Maalik Ibn Rabiicah Al Saciidi ayaa nabiga u keenay ilmo u dhashay oo wiil ah, Al-Mundir, nebigu SCW, waxuu dhigay ilmihii agtiisa isagoo aabihiina ag fadhiya. Markaa nabiga waxuu mashquul ku ahaa arin uu sugayay. Abu Usayd ayaa tilmaam bixiyay markaas ayaa qof qaraabadiisa ka mid ah ilmihii qaaday kuna celiyay gurigii. Nebiga ayaa soo jeestay isagoo leh mee ilmihii? Abu Usayd ayaa yidhi: rasuulkii ilaahayow gurigii ayaan u diray. Nabigu waxuu waydiiyay magaciisa ii sheeg?  Aabihii ayaa magac sheegay, markaas ayaa naebigu ka diiday isaga oo leh ha ugu yeedhin kaas ee waxaad ugu yeedhaa Al-Mundir. Sidaas ayaa Abu Usayd ugu magac bixiyay wiilkiisii Al-Mundir.

Nabiga waxa marar loo keeni jiray timirta ugu horaysa ee bislaata xilliga gurashada, timirtuna waxay ahayd midhaha ugu mudan ee khudrad ahaan dadka Madiina ay isticmaalaan. Waxaanay ahaayeen qaar farxad iyo raynrayn muujiya xiliga midhaha timirtu u bislaato gurasho. Markaas ayay nebiga u keeni jireen. Markuu wax ka qaato ayuu odhan jiray ducadan: “Allahayow noo barakee midhahayaga oo barako gali kuwa magaaladayada; allahayow noo barakee mid yar iyo badanba. Allahayow Ibraahim waxuu ahaa adoonkaagii, saaxiibkaa iyo nabigaagii. Aniguna waxaan ahayn adoonkaagii iyo nabigaagii. Waxuu kuugu tukaday Makka aniguna waxaan kuugu tukanayaa Madiina si la mid ah sida uu kuugu tukaday Makkah iyo labanlaabkeed. Markaas ayuu u yeedhi jiray ilmaha ugu yare ee goobta jooga oo timirtii uu gacanta ku hayay siin jiray.

Mararna waxa kaftan farxad ay ku ladhan tahay dhex mari jiray asxaabta iyo Nabiga SCW. Ma ahayn Nabigu SCW mid waji kakan, mana ahayn mid dhibsada sheekada iyo su’aasha aqoon korodhsiga ah ee mid ka mid ah asxaabtiisu waydiiyo. Maalin ayaa isaga oo nabigu dhex fadhiya asxaabtiisa oo la hadlaya waxa la joogay nin reer miyi ah (badwi). Nabiga ayaa yidhi nin raga ehelka jannada ka mid ah ayaa Ilaahay subxaanuhuye waydiisanaya inuu wax beerto. Ilaahay ayaa waydiinaya: Miyaan lagugu siin janada dhexdeeda wax kasta oo aad jeclayd? Ninkii ayaa odhanaya: Haa Rabigayow waad i siisay, laakiin waxaan jecelahay wax beerista.  Markaas ayuu siidhkii ku tuuray ciida oo beertay, isha bidhiqdeeda ayaa geedkii ku baxay oo dheeraaday oo midho badan soo saaray, midhahaas oo gurashana u bislaaday. Dhirtuna waxay leegtay sida buuraha oo kale janada. Ilaahay ayaa adoonkiisii ku yidhi: waa kaas waxaad i waydiisatay Ina- Aadamow. Ma jiro wax ku raali galinayaa. Markii uu nabigii dhameeyay hadalkii, ayaa ninkii badwiga ahaa yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay ayaan ku dhaartee qofka sidaa odhanayaa waa Quraysh ama Ansaar. Iyagaa jecel wax beerista. Anagu hadii aanu nahay badwida, waxba kuma falo beeraha. Qof kastoo markaas goobta fadhiyay oo uu ku jiro Nabigu ayaa qosol la jeestay.

 

Waxay u muuqatay in kulankaasi ahaa kulamada martida cusubi la joogto nabiga SCW.  Dadka safarka ahi had iyo jeer habeenkii magaalada may soo gali jirin ee duleedkeeda ayay u hoyan jireen si ay subaxa hore u soo galaan, xiligaas oo ah xiliga nabigu kulamadiisu socdaan. Safaradaa waxa ka mid ahaa mid uga yimi reer Mudar. Waxa nabiga SCW ay u soo galeen goor duhur ah markaas ayaa nabigu arkay dacdarada iyo diifta ka muuqata. Markaas ayuu wajigiisu is badalay markuu xaalkoodii arkay. Markii uu salaadii duhur tujiyay ayuu dadkii la hadlay isagoo waydiistay in ay deeq u soo ururiyaan martida. Markiiba waxa loo keenay laba shay oo ay ka buuxaan maryo iyo cunto si uu martida u siiyo.

Wafti kale ayaa nabiga u yimi oo ka yimi reer Abdi al-Qays, kuwaas oo ka yimi Al –Hassa oo ah barriga Careebiya. Nabigu wuu soo dhoweeyay, isaga oo leh: soo dhowaada ma noqonaysaan qaar la fogeeyo mana murugoon doontaan.

Inta badana waxay kulamadaas nabiga iyo asxaabtu ahaayeen kuwa uu marar badan ka soo qayb galay Malakul Jibriil, isagoo nabiga ugu yimi muuqaal nin isaga oo maryo cad, timihiisuna madow yihiin oo aanay haba yaraatee ka muuqan calaamad qof socoto ah. markaas ayuu nabiga wax ka waydiiyay Islaamka, Iimaanka, Ixsaanka iyo goorta qiyaamuhu dhacayo iyo calaamadaha lagu garanayo.

Sidoo kale, waxay kulamadaas Nabiga SCW iyo asxaabtiisu ahaayeen kuwa uu marar badan Dimam Ibnu Al Saclaba u yimi Nebiga si uu u arko. Dimam waxuu awrkiisii fadhiisiyay masaajidka agtiisa, markaas ayaa dadkii joogay waydiiyay isagoo leh: midkiinee ah Ina Cabdul Mudalib? Nebiga ayaa u jawaabay oo yidhi: Waa i kan. Ninkii ayaa ku yidhi su’aalo adag ayaan ku waydiinayaa, markaa yay kugu adkaanin. Nebiga ayaa yidhi: su’aal kasta oo aad hayso waad i waydiin kartaa, ninkii ayaa yidhi:  waxaan kugu dhaarinayaa Ilaahay magaciisa, Allahaaga iyo midka dhamaan kuwii kaa horeeyay, adiga Ilaahay ma waxuu ku soo diray adiga oo rasuulkiisa u ah dhamaan bini-aadamka? Nabiga SCW ayaa yidhi: Ilaahay baan ku dhaartee, haa wuu ii soo diray. Ninkii ayaa markan waydiiyay nabiga inuu wax uga sheego islaamka, nebiguna wuu u sharaxay una sheegay. Ninkii ayaa yidhi: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaas waxba ku dari maayo waxna ka saari maayo. Markii ninkii tegay ayuu nebigu SCW yidhi: Ninkani si fiican ayuu wax u bartay, hadii hadalkiisa ka runsheegayana janada ayuu galayaa.

 

Kulamadani iyo goobtuba waxay u ahaayeen islaamka halka looga arimiyo, wax lagu baro laguna maamulo arimahooda. Halkan ayuu kulan wada tashi ahi ka dhacay ka hor intii aan go’aan laga gaadhin kuwii kufaarta ahaa ee weerarka soo qaaday dagaalkii Uxud. Halkan ayaa go’aanka laga soo saaray markii la qaatay in difaac loo qodo Madiina si looga difaaco huwantii isa soo bahaystay ee kufaar iyo yuhuud wada socda ahaa. Waxyaalo badan oo maanta nolosha dadka islaamka ah meel wayn kaga jira ayaa kulamadaas soo bixi jiray, sababtuna waxay ahayd hogaamiye hore oo abid jiray iyo mid iman doona midkoodna ulama tashan doonaan sida nebigu SCW ula tashan jiray asxaabtiisa. Dabcan, nebigu waxuu raacayay awaamiirta Allaah sida Ilaahay kitaabkiisa ku sheegay: “Kala tasho arimaha kolkaad dhexdooda joogto” (3:159)

Asxaabtu waxay qaarkood kulamadaas uga qayb geli jireen si iswaydaar ah sida Cumar Ibnu Khadaab RC sheegay; Waxaan lahaa nin jaarkayga ah oo Ansaari ah oo aanu wada degenayn dusha sare ee Madina. Midba maalin ayuu ka qayb geli jiray kulamada Nebiga iyo asxaabta. Markuu ninkaasi maalin tego, aniguna maalinta xigta ayaan tegi jiray. Maalintaan tago waxaan soo noqodkayga u sheegi jiray dhamaan waxii lagaga hadlay kulamadaas, isaguna si la mid ah ayuu maalintiisa iigu sheegi jiray waxii laga hadlay markuu soo noqdo.

Nabigu SCW, waxuu kulamadaas u dhex fadhiyay asxaabta sidii mid iyaga ka mid ah mana ay jirin calaamad gaar ah oo lagaga soo soocayay ama lagaga garanayay markuu dhex joogo. Waxa laga yaabaa in nin qariib socoto ahi soo galo oo raba inuu la kulmo Nebiga SCW, balse kamuu dhex garan jirin asxaabta ilaa uu waydiiyo. Waxa suurta gal ahayd in marar lagu garto wajigiisa ifaya ee nuurka huwan. Markaana waxay odhan jireen: waa ninka wejiga cad ee ifaya ee halkaa fadhiya. Asxaabtu waxay nebiga u soo jeediyeen in ay u sameeyaan miis dhoobo ka samaysan oo hortiisa ah, si dadka martida iyo cida rabta in ay nebiga la kulantaa uga garato asxaabta, nebiguna wuu aqbalay taas, laakiin waxay ahayd sanadkii ugu danbeeyay noloshiisa qiimaha wayn u lahayd oo ah sanadkii sagaalaad ee hijriyada kaas oo loo yaqaanay sanadkii waftiyada.

Nebigu SCW, waxuu ahaa mid dhoolacadayntiisa iyo wejigiisaba si siman uga dhexeeya asxaabta oo dhan mana ahayn mid cid gaar ah keliya eega ama u dhoola cadeeya. Taasina waxay niyada asxaabta gelisay in mid weliba arko in uu yahay ka ugu dhow nebiga.

Marka cunto la keeno masaajidka isagoo nebigu dhex jooga asxaabtiisa, wuu ugu yeedhi jiray waxaanu ahaa mid la wadaaga cuntada. Samuurah Ibnu Jundub ayaa weriyay: waxaanu la joognay nebiga SCW markuu weel wayn oo ay ku jirto Tahriid (waa cuntoyinka xilligaas ugu mudnaa carabta oo ahayd rooti iyo hilib) loo keenay. Wax ayuu ka cunay isaga iyo kuwii keenay cuntada. Dadkii kalena sidaas oo kale ayay ula cuneen, iyadoo kooxba koox ka daba cunayso ilaa ay gaadhay maalinta badhtankeedii. Markaas ayaa nin waydiiyay nebiga SCW isagoo leh: cuntada ma dibaa loo soo buuxiyay? Nebiguna SCW waxuu ugu jawaabay dhulka lagama soo buuxin ee cuntada la dhamaynwaayo waa mid kaliya samada ka timi (laga soo buuxiyo).

Mar ayaa nebiga SCW, waxaa loo keenay Lax hadyad ahaan loogu keenay. Markaas ayuu reerkiisii ku yidhi: diyaariya oo kariya laxdan, rootigaana qaada oo yar yareeya kana dhiga Ta’riid. Nebigu waxuu lahaa xeedho wayn oo la yidhaa Al-qarra oo ugu yaraan afar nin qaadaan. Subaxanimadii markii nebiga SCW iyo asxaabtii ay salaadii sunaha ee subaxa badhtankiisa dhameeyeen, ayaa xeedhadii loo keenay. Dadkii ayaa ku soo ururay, waanay badnaayeen. Nebiguna wuu soo ag fadhiistay. Nin badwi ah ayaa nebiga si adag u waydiiyay: sideen u fadhiistaa? Nebiguna waxuu ugu jawaabay:  Allaah ayaa iga dhigay adeege naxariis badan, igamana dhigin kaligii taliye axmaq oo madax adag. Ka cuna inta hoose cuntada oo ka taga inta sare si barakadu ugu soo degto. Markaas ayuu raaciyay: qaata oo wax ka cuna, Ilaahay midka nebi maxamed gacantiisa ku jiro ayaan ku dhaartee waxaa la idiin furo oo qabsan doontaan Beershiya iyo dhul kale. cuntadiinu way badan doontaa, dadkuna ay cunayaan iyagoon odhan bismilaah.

Kulamada noocaas ahi marna way dheeraayeen marna way gaabnaayeen, waxaanay ku xidhnayd hadba sida xaalada iyo duruufta xilligaasi yahay. Marka Nebigu SCW kulamadaas subaxa soo geba- gabeeyo, wuu istaagi jiray isaga oo leh;Allahayow adigaa xumaan ka nasahan mahad oo dhan iska leh, waxaan qirayaa in aan adiga keligaa mooyee Alle kale jirincidna kuu shariik yeelin ilaahayow dembi dhaaf ayaan ku waydiistay iyo toobad xagaaga ah.Markaas ayaa asxaabtu kala tegi jireen oo ninba meel u dhaqaaqi jiray. Nin xoolihiisa ama ganacsigiisa raacda iyo nin gurigiisa iska taga si uu u yara seexdo.

 

Nebigu SCW, laba mid ayuu yeeli jiray; inuu gurigiisa tago si uu u yara nasto ama uu socod ku tego suuqyada Madiina, si uu cid booqasho ka dalbatay uga tago ama qof u soo booqdo iyo inuu hawl kale si uu uga qayb qaato u tago.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dariiqyada Madiina

Socodka dariiqyada Madiina, Nebiga SCW waxay u lahayd ujeedo wayn oo muhiim u ah dacwada diinta. Socodkiisuna lama mid ahayn, mana lahayn saamaynta uu leeyahay safarada madaxda xilligan oo ay yar tahay in lagu arko suuqyada magaalooyinka iyagoo lugaynaya. Nebigu SCW, marka uu soconayo, waxa la moodayay inuu lugihiisa ka kor qaadayo dhulka, markaas ayuu hore u socon jiray isagoo si degen u talaabsanaya. Qof kasta oo arkay, waxuu aqoonsanayay in aanu daalanayn, qof caajis ahna ahayn. Markuu soo jeedsanayo, waxuu soo jeedin jiray jidhkiisa oo dhan. Asxaabtuna way ka horayn jireen ama way dhinac socon jireen. Lama arag asxaabta oo ka danbaysa nebiga markay lugaynayaan. Taasina waxay ka duwan tahay sida ay hogaamiyayaasha dunidu maanta aynu joognaa ula macaamilaan dadka la socda oo inta badan iyagu ka horeeyaan dadkuna daba hadaafaan. Nebigu SCW, marka uu lugaynayo waxuu isticmaali jiray ul ama laan timireed. Mararna waxuu qaadan jiray ul yar ama mid madax buuran. Taasina waxay ahayd caadadii carabta maadaama ushu u ahayd qalab ay wax ku qabsadaan baahina loogu qabay bulshada hawlaheeda.

Hadii nebigu la kulmo jaariyad oo ay gacanta qabsato, iskama waynayn jirin ee wuu la hadli jiray, raaci jiray ugana jawaabi jiray arimaha ay waydiiso. Waxaana caadi u ahayd in aanu qof gacantiisa qabsaday iska dhufan ama sii dayn ilaa qofka kale sii daayo. Nebigu wuu dhoola cadayn jiray marka uu qof la kulmo. Jariir Ibnu Cabdullah ayaa yidhi: Markasta oo aan nebiga ilaahay la kulmo wuu dhoola cadayn jiray.

Dhoolacadaynta nebigu SCW, waxay ahayd mid soo dhowayn qofka ah oo niyad ah taas oo qofka siinaysay dareen ah inuu nebiga agtiisa ku leeyahay tixgelin. Asxaabiga Jariirna waxuu u haystay in nebigu kaligii markuu arko weji furan iyo dhoolacadayn ku soo dhoweeyo waanu ka sheekayn jiray, balse nebigu SCW dadka oo dhan isku si ayuu u soo dhowayn jiray.

Cabdulaah Ibnu Al Xaaris ayaa yidhi: Ma aan arag qof ka weji furan oo ka dhoolacayn badan Nebiga Ilaahay N.N.K.H.A

Hadii uu Nebigu SCW socodkiisa dhexdiisa la kulmo dhalinyaro ama wiilal, wuu salaami jiray isaga oo wejiyadoodana gacantiisa ku masaxaya. Jaabir Ibnu Samurah ayaa yidhi: nebiga ayaa maalin socod lug ah u baxay aniga Jaabir ahina waan la socday. Wiilal ayuu la kulmay, markaas ayuu masaxay dhabanadooda mid kasta oo ka mid ah. sidoo kale anigana dhabkayga ayuu masaxay, waxaan dareemay in gacantiisu qabow tahay, udgoona sidii oo imika laga soo saaray salad cadaro ku jiraan dhexdeeda. Runtii dhabankii uu nebigu ii masaxay waxuu ahaa mid ka fiican dhabankaygii kale muuqaal ahaan.

Nebigu SCW, waxuu booqan jiray Ansaarta xaafadahooda, markaas ayaa wiilasha Ansaareed u iman jireen kuna soo ururi jireen. Nebiguna wuu u ducayn jiray, madaxa u salaaxi jiray sidoo kale salaami jiray.

Maalin ayuu nebigu SCW, waxuu soo maray qabiilka Al-Najjaar. Dumar reer Al-Najjaar aha ayaa helay markaas ayay mashxaradeen iyagoo ku heesaya;

Waxaanu nahay adeegooyinkii reer AL Najjaar

Muxamedna waa jaarka ugu fiican

Nebiguna waxuu ku yidhi: Allah ayaa og in qalbigaygu idin jecel yahay. Allahayoow barakee dhamaantood.

Maalin ayuu nebigu soo dhex maray masaajidka markaas ayuu arkay koox dumar ah oo meel fadhiya, markaas ayuu salaamay isagoo gacanta u taagaya.NebiguSCW, hadii cid la kulmo waxuu ahaa ka hor salaama. Wuu gacan qaadi jiray oo u ducayn jiray. Marka uu qof gacan qaadana muu celin jirin gacantiisa ilaa qof kale damco inuu gacantiisa ceshado. Cadiya Ibnu Xaatim ayaa ka waramaya kulankiisii ugu horeeyay ee nebiga;aniga oo dhinac socda ayay gabadh ilmo yar haysta u dhawaaqday nebiga, iyadoo leh: nebigii ilaahayow, waxaanu rabnaa in aan kula hadalo ee noo kaalay. Wuu u tegay markaas ayuu la hadayay waqti dheer isaga oo taagan. Waxaan isku dayay in aan hore u yara socdo, markaas ayaan ka fekeray: waxaan qirayaa in aanad la dhaqan ahayn diintayda ama diintii Al Nucmaan ibnu Al Mundir (waxuu ahaa boqor kiristaan ah oo ciraaq xukumayay). Hadii aad ahaan lahayd boqor, wiil yar iyo gabadhi kuma ay joojin kareen isumana taagteen waqti dheer. Waxaan dareemay qalbigaygii oo dareen jacayl iyo soo dhowayn u galay nebiga SCW.

Maalin ayuu nebigu SCW, isagoo lugayanaya waxuu la kulmay wiil neef la qalay haraga ka saaraya balse aan aqoon u lahayn sida ugu haboon ee neefka haraga looga saaro. Nebiga SCW ayaa u tegay oo ku yidhi: bal dhinac uga istaag si aan kuu tuso sida ugu haboon ee aad haraga uga saari karto. Markaas ayaa nebigu gacantiisa dhex galiyay haraga iyo cadka laxdii la qalay ilaa uu gaadhay garabka. Waxuu ku yidhi wiilkii: sidan ayaa haraga looga saaraawiil-yahow. Markaas ayuu ka tegay.

Waxaynu arkaynaa sida nebigu ugu han waynaa inuu bulshada la sameeyo hab wada sheekaysi ay ku jirto kalsooni ka turjumaysa run ahaanta waxa loo soo diray oo ahayd inuu dadka wax ka baro diintooda iyo dhaqanka wanaagsan. Nebigu SCW waxuu ahaa mid tusaya dadka dareenka uu u hayo iyo miisaanka ay xagiisa ku leeyihiin bini-aadamku guud ahaan.

Mar nebigu SCW waxuu la joogay guriga mid ka mid ah asxaabtiisa, markaas ayaa Bilaal u sheegay in ay tahay waqtigii salaada.  Wuu istaagay oo u kacay dhinaca masaajidka. Waxuu sii maray nin la taagan weel wayn oo cunto uu karinayay ku jirto. Nebiga ayaa waydiiyay ninkii isagoo ku yidhi: karintaadii ma dhamaystirtay?  Ninkii ayaa ku yidhi: waa diyaar. Markaas ayuu nebigu wax ka qaatay oo afka geliyay, waxaanu masaajidka galay isaga oo weli calaalinaya waxii uu afka geliyay.

Waxaynu halkana ka arkaynaa sida nolasha nebigu u ahayd mid fudud oo hadana miisaan dhamaystiran leh. Sidaas ayaanu nebigu ula noolaa, oo ula dhaqmayay asxaabtiisa iyo dadka aan asxaabtiisa ahayn labadaba.

Nebigu SCW marka uu qof gurigiisa ku soo booqdo muu ahayn mid toos albaabka isu taaga. Sababtuna waxay ahayd guryaha oo gudahooda waxa ku jiraa la arki karayay aadna u yaryaraa. Sidaas darteed, marka uu nebigu istaago albaabka, ugu horayn waxuu salaami jiray ehelka guriga isaga oo leh: assalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaat. Hadii loo jawaabi waayo, sadex jeer markuu salaantaas ku celiyo wuu ka tegi jiray.

Maalin ayuu nebigu SCW booqday Sacad Ibnu Cubaadah, markuu albaabka guriga istaagay ayuu salaamay. Sacad ayaa maqlay salaanta balse hadal hoose ayuu ku yidhi: Wa caleykum wa salaam. Markaas ayaa nebigu maqli waayay oo ku celiyay sadex jeer. Sacadna mar walba uga jawaab celinayay cod hoose. Sidaas ayaa nebigu ku tegay, markaas ayaa Sacad ka daba tegay una yeedhay nebiga isaga oo leh: Ilaahii kula soo diray fariinta runta ah ayaan ku dhaartee, rasuulkii ilaahayow markasta oo aad I salaanto aniguna waan kuu jawaabayay, waxa keliya aan doonayay in aad marar badan na salaanto kaliya doonista naxariista Allaah.

 

Soo Booqashada Saaxiibada iyo Qaraabada

Nebigu SCW, waxuu saacadaha subaxii marar soo booqan jiray saaxiibadii ama qaar ka mid ah qaraabadiisa. Tusaale; mar ayuu u baxay si uu u soo booqdo inantiisii Faadumo gurigeeda si uu u soo arko caruurteeda uu awowga u ahaa gaar ahaan Xasan Ibnu Cali. Abu Hurayra ayaa weriyay in subax isaga oo jooga masaajidka nebigu SCW gacanta qabtay oo raacay. Gacantayda ayuu hoos u xejistay oo lugaynay, iyadoo midkaayana midka kale la hadal. Markii ugu horaysay waxaanu tagnay suuqa qabiilkii yuhuuda ee reer Qaynuqaac.  Waxaanu kusoo wareegnay suuqa isaga oo nebigu eegaya waxa ka socda. Waanu ka tagnay isaga oo gacanta i haysta, waxaanu gaadhnay wajahada gurigii Faadumo, halkaas ayuu nebigu fadhiistay isaga oo leh: mee wiilkii yaraa? U yeedha xassan Ibnu Cali ha ii yimaadee. Looma jawaabin nebiga. Faadumo ayaa Xassan haysay waxogaa aan u malaynay in ay u maydhayso ama maryaha ugu hagaajinayso. Markaas ayuu nebigu kacay oo dhaqaaqay aniguna aan raacay oo sidaas ku tegnay masaajidkii oo nebigu jiifsaday oo huwaday maro. Waxaanu lahaa mee wiilkii yaraa?  Markiiba Xassan ayaa soo cararay oo dusha ka fuulay Nebiga, markaas ayuu Nebiguna SCW kacay oo labaduba is dhunkadeen. Nebiguna wuu dhunkaday oo laabta ku qaaday. Hassan ayaa gacantiisa ku qabtay gadhka nebiga. Nebigu afkiisa ayuu furay markaas ayaa Xassan afka geliyay. Nebiga ayaa yidhi: Rabbiyow, waan jeclahay ee adiguna jeclow, jeclowna qofkasta oo jecel. Nebigu saddex jeer ayuu ducadaas ku celiyay.Abu Hurayra RC waxuu yidhi: markasta oo aan Xassan arko ilmo ayaa indhayga ka soo burqan jirtay.

 

Maalin ayaa nebigu tegay guriga inantiisa Faadumo. Waxaanu weydiiyay mee Cali? Waxay ku tidhi waanu is yara qabanay oo sidaas ku baxay. Nebigu SCW waxuu diray qof si loo soo sheego Cali halka uu joogo, waxaana loo sheegay inuu masaajidka jiifo. Sidaas ayuu nebigu SCW ku tegay masaajidka oo arkay cali oo jiifa dhulka isagoo maradii dusha ka saarayd ka dhacday. Nebigu SCW waxuu bilaabay inuu boodhka ka tumo jidhkii Cali isaga oo leh: Toos, Abu Turaab, Toos Abu-Turaab.

 

Waxuu Nebigu SCW mararka qaar booqasho ugu tegi jiray Ummu Ayman, oo ahayd daryeelihiisii caruurnimo. Maalin ayuu booqday markaas ayay cunto ama cabitaan u keentay. Nebiguna xilligaas waxa loo maleeyaa inuu soomanaa ama aanu rabin inuu wax cuno ama cabo. Markaas ayuu ka soo jeestay isaga oo aan waxba ka cunin/cabin. Ummu Ayman waxay u jeedsatay nebiga iyada oo dagaalaysa oo codkeeda kor u qaadaysa si ay u tuso dareenkeeda in ay ka niyad xun tahay in aanu cuntadeeda wax ka cunin.Ummu Ayman way yeeli karaysay sidaas sababta oo ah waxay ahayd dadkii soo barbaariyay/ soo korisay ee xanaanayn jirtay nebiga yaraantiisii. Dareenkeeduna waxa uu ka turjumayay sida ay u jeceshahay Nebiga oo la mida sida hooyo ilmaheeda cunto siinaysa ay ula hadasho. Nabagalyo iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaato Nebiga oo ahaa mid waxyaalahaas oo dhan kaga jawaaba dhoola cadayn.

Waxuu booqan jiray asxaabtiisa iyo saaxiibadii gaar ahaan kuwa buka ama itaal darradu hayso. Waxuu aqbali jiray yeedhmadooda isaga oo mararka qaarkood u tegi jiray keligii. Tusaale: waxuu aqbalay nebigu martiqaad uga yimi Mulaykha, Anis Ibnu Maalik ayeydii taas oo ka codsatay nebiga inuu la cuno casuumad ay u diyaarisay. Nebigu SCW wuu u tegay oo la soo cunay cuntadii. Markaas ayuu ku yidhi: imika aan isu taagno salaad. Anis Ibnu Maalik ayaa yidhi: waxaan soo qaaday caw la madoobaatay gabow iyo mudo dheer oo la isticmaalayay awgeed. Markaas ayuu waa Anise biyo ku shubay cawdii oo nebigu isku dul taagay, aniguna aan is daba taagay iyo will yar oo agoon ahaa. Ummu Aymana way isa sii daba taagtay sidaas ayaa nebigu SCW nagu tujiyay salaad laba rakcadood ah oo tegay.

Nebigu SCW, wuu aqbali jiray martiqaadka dadka ehelkiisa iyo jaarkaba. Anis Ibnu Malik ayaa weriyay in nebigu SCW uu la jaar ahaa nin beershiya u dhashay oo caan ku ahaa cunto karinta, oo cuntada uu kariyaa urteeda cajiib ahayd. Markaas ayaa ninkaasi nebiga marti qaad u fidiyay si nebigu ula cunteeyo, nebiguna waxuu weydiistay in Caasha oo xaaskiisa ahayd soo raacdo, Ninkii wuu ka diiday Nebiga sidaa si la mid ah ayuu nebiguna u diiday. Maalin kale ayuu ninkii Nebiga cunto u sameeyay. Nebiguna SCW, waxuu mar kale ka codsaday in Caasha soo raacdo. Ninkiina waxuu yidhi maya Nebiguna waxuu yidhi maya. Maalin sadexaad ayaa ninkii Nebiga martiqaaday, Nebiguna waxuu waydiistay codsigii hore mid la mid ah. markan ayaa ninkii ogolaaday in Caasha soo raacdo, sidaas ayaanay ku aqbaleen casuumadiisii.

 

Maalin kale ayaa Nebiga SCW, waxa casuumay nin ka tirsanaa qabiilooyinkii islaamka heshiiska kula jiray. Anis Ibnu Maalik ayaa leh sidan; waxaan u raacay nebiga casuumadaas. Markii aanu fadhiisanay ayaa Nebiga CSW, waxa uu ninkii soo hordhigay roodhiiyo weel ay ku jirto aaraadube iyo hilib la qalajiyay. Nebigu SCW waxuu aad u jeclaystay aaradubaha oo uu cunay. Markaan arkay nebiga oo xiisaynaya aaradubaha ayaan waxii xagayaga yaalayna xagiisa u riixay. Aniguna waxba kamaan cunin, balse waxii maalintaas ka danbeeyay waan jeclaaday cunista aaraadubaha.

Nebiga SCW marka casuumad loogu yeedho waxuu ahaa mid sii kaxaysta qaar ka mid asxaabtiisa tusaale; mar waxa codsi u soo dirtay Idbaan Ibnu Maalik oo ka codsaday inuu soo booqdo gurigiisa uguna tukado. Waxaanu codsigiisa ku soo yidhi: Rasuulkii ilaahayow waan indha dareeyay, dadkayaga anigaa salaada tujiya. Marka roobku da’ayo waxa soo rogmata si xoogan dooxo aniga iyo iyaga u dhaxaysa, markaa way igu adag tahay in aan ka talaabo si aan u tujiyo salaada. Sababtaas awgeed, waxaan jeclaystay in aad gurigayga meel ka mid kaga tukato, si aan uga dhigto meel aan ku tukado. Nebigu SCW waxuu ku yidhi, waan kuu imanayaa Insha Allaah. Maalintii xigtay ayuu nebigu u tegay barqadii, waxaana la socday Abu-bakar,Cumar Ibnu Khadaab iyo xubno kale oo asxaabta ka mid ahaa. Nebigu SCW waxuu ku yidhi Cidbaanow, halkeed jecesahay gurigaaga dhexdiisa in aan ku tukado? Cidbaan waxuu tilmaamay meel ka mid gurigiisa oo uu dhigay caw uu dhinacyada biyo kaga shubay. Halkaas ayuu nebigu SCW ku tukiyay laba rakcadood. Markii salaadii ay dhameeyeen ayaa Cidbaan ka codsaday nebiga inuu la joogo oo cunto loo diyaariyay wax ka cuno. Nebiguna SCW wuu la joogay oo wax ka cunay cuntadii.

Nebigu SCW,aad ayuu ugu han waynaa oo u ixtiraami jiray qofka marti geliya. Wuu u ducayn jiray iyaga iyo caruurtoodaba. Anis Ibnu Maalik ayaa sifaynaya oo yidhi: nebigu waxuu ahaa midka ugu debci iyo dhaqan wanaagsan. Waxuu noogu iman jiray si uu noola sheekaysto. Waxaan lahaa wiil yar oo aan walaalo nahay oo sadex sano kaliya jira. waxaana loogu yeedhi jidhay Abu Cumayr. Marka nebigu noo yimaado wuu la sheekaysan jiray oo la ciyaari jiray. Maalin ayaa nebigu noo yimi isagoo Abu Cumayr cadhoonayo. Markaas ayaa nebigu SCW hooyaday waydiiyay isagoo leh; Ummu Sulaym maxaa ku dhacay Abu Cumayr, wuu cadhoodaye?waxay ugu jawaabtay;Rasuulkii Ilaahayow shimbirtiisii yarayd (naghayr) uu la ciyaari jiray ayaa ka dhimatay. Nebigu SCW wuxuu u tegay wiilkii yaraa isagoo madaxiisa masaxaya ayuu ku yidhi; Abu Cumayr maxaa ku dhacay Naghayr? Abu Cumayr Maxaa ku dhacay Naghayr?

 

Nebigu SCW, markuu booqdo mid ka mid asxaabtiisa oo wax ka soo cuno gurigiisa, wuu la tukan jirayb oo u ducayn jiray. Mar ayuu Nebigu SCW booqday Sacad Ibnu Cibaada oo ku sooryeeyay una keenay roodhi iyo subag. Nebigu wuu cunay, markaas ayuu yidhi:  dadka soomani ha kuu jebiyeen soonkooda gurigaaga, oo wax ka cuneen cuntaada, malaa’igtuna ha soo gasho gurigaaga.

Mar kale nebigu SCW, waxuu booqday Busra Ibnu Abul Busra, markuu soo gaadhay gurigii. Busra iyo xaaskiisii ayaa nebiga debeda kaga hor yimi si ay u soo dhoweeyaan. Waxay u dhigeen gogol qurux badan si uu ugu fadhiisto. Markaas ayaa Busra ku yidhi xaaskiisii la kaalay cuntadii. Waxay keentay sabaayad oo ah daqiiq lagu sameeyay biyo, saliid iyo milix. Waxay hor dhigtay nebiga SCW. Wax ayuu ka cunay, iyaguna way la cuneen. Waxogaa cunto ah ayaa ku hadhay weelkii. Nebigu markaas ayuu u duceeyay, isaga oo leh: Ilaahayow u denbi dhaaf oo naxariistaada sii, una barakee oo sii arsaaq badan.

Maalin kale nebigu SCW waxuu booqday Jaabir Ibnu Cabdulaah. Markaas ayaa Jaabir ku yidhi xaaskiisii. Waxa inoo imanaya Rasuulkii Ilaahay maalinta badhtankeeda. Ha samaynin waxuu dhibsado nebigu, hana la hadlin sidoo kale wax su’aal ah ha waydiin. Markaas ayuu u qalay ri’i. markuu hilibkii soo hor dhigay Nebiga, ayaa Nebigu eegay oo ku yidhi: Jaabirow waxaad ogtahay in aan hilibka jecelnahay. Markaas ayay dhamaantood wax ka cuneen. Markii nebigu SCW damcay inuu tago, ayay gabadhii jaabir oo guriga gudihiisa ku qarsoonayd u dhawaaqday, iyada oo leh: Rasuulkii Ilaahayow noo barri Allaah aniga iyo ninkayga. Nebiguna SCW waxuu yidhi: nabadgalyo iyo naxariista Allaah korkiina ha yeelo. Markii nebigii tegay ayuu Jaabir xaaskiisii ku yidhi: miyaanan ku odhan nebiga ha la hadlin?  Waxay ugu jawaabtay: miyaanad ka fekerin iyadoo Ilaahay Nebigiisa gurigeena keenay oo aanan waxba weydiisan aniga iyo adigu oo uu iska tego!?

NebiguSCW booqashada uu asxaabtiisa ugu tegayay guryahoodu keliya may ahayn qiimayn iyo rajo gelin dhinaca ducada ah ee waxa kale oo ay ahayd hab gaar ah oo wax bariseed iyo tilmaam cad oo ka turjumaysa dhaqanka nebiga ee cid la wadaagtaa dhaqankaas oo kale aanay jirin.Cabdullaahi Ibnu Caamir Ibn Rabiicah ayaa weriyay:  Rasuuulka Ilaahay ayaa na soo booqday aniguna xilligaas waxaan ahaa wiil yar. Markaas ayaan doonay in aan iska soo ciyaaro oo debeda u baxo. Hooyaday ayaa igu tidhi Cabdullahi kaalay wax ayaan kuu hayaa oo ku siinayaaye. Nebiga ayaa weydiiyay oo ku yidhi: maxaad siinaysaa? Waxay tidhi: waxaan siinayaa waxoogaa timir ah. markaas ayuu nebigu yidhi: hadii aanad siinan, kelmedahaasi waxay kuu galayaan diiwaankaaga oo laguugu qorayo beenaale. Taasi waxay ina tusaysaa sida Nebigu SCW wax u barayay ilaa xaasaska iyo hooyooyinka asxaabtiisa si ay runta u laasimaan una ogaadaan khatarta beentu leedahay. Dhinaca kalena wiilkii yaraa oo ah midkan xadiiska warinaya waxuu ogaaday faa’iidada ay sheegista runtu leedahay aduun iyo aakhiro labadaba iyo isaga oo mujtamaca muslimka ah uga tegay xadiiskan uu uga faa’iidaynayo waxii uu maalintaas nebiga ka bartay.

Nebigu SCW, waxuu booqday Sacad Ibnu Cubaadah.isagoo nebigu la fadhiya oo asxaab kalena ay la joogaan ayuu Bashiir Ibnu Sacad ku yidhi Nebiga: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay waxuu na amray in aan kugu salino ee sidee kuugu salinaa? Nebigu wuu aamusay waqti waxogaa ah oo dadka qaar ay jeclaysteenba in aan su’aashaas nebiga la waydiin. Nebigu SCW markaas ayuu yidhi waxaad tidhaahdaan: Alaahu Massali Calaa Muxamed wacalaa aalihi Muxamed Kamaa salayta Calaa Ibraahim, wabaarik Calaa Muxamed Kamaa Baarak ta Calaa Ibraahim Fil Caalamiina Inaka Xamiid Al Majiid.

 

Markii nebigu SCW booqday Idban Ibnu Maalik, dad badan ayaa gurigiisa isugu yimi. Nin ayaa yidhi: Maxaa ku dhacay Maalik Ibnu al- Dukhshum?  Mudo maan arage. Nin kale ayaa yidhi: waa munaafaq waayo ma jecla Ilaahay iyo Nebigiisa. Nebiga ayaa u jawaabay isaga oo leh: ha odhanin sidaas. Miyaanad maqal isaga oo leh: Alaah mooyee Ilaah kale ma jiro, kaliya isagoo doonaya inuu helo raalida Rabigiis? Ninkii ayaa ku jawaabay: Allaah iyo rasuulkiisa ayaa u ogaal badan. Laakiin anagu waxaanu aragnay isaga oo saaxiib ka dhigtay oo la sheekaysanaya munaaqfiqiinta. Nebiga ayaa yidhi;Ilaahay qof kasta oo qira in Allah mooyee ilaah kale jirin wuu ka xaaraan yeelay inuu cadaab geliyo.

Halkan waxaa laga faa’iidaysanayaa in qof kasta oo muslim ah ay waajib saaran ku tahay inuu ilaaliyo qof kale ee muslimka ah sharaftiisa. In aanay marka ay ka maqan yihiin ka sheekayn xumaantooda. Nebiga SCW jawaabaha uu bixiyay waxay iftiiminayaan in qofka muslimka ah mar walba laga hadlo dhiniciisa wanaagsan oo aan la soo qaadan ama laga sheekayn xumaantiisa.

 

Soo Booqashada Bukaanka

Nebigu SCW, si joogto ah ayuu u soo booqan jiray dadka xanuunsanaya. Nebigu SCW waxuu rajo gelin jiray qofka buka, isagoo kala talin jiray ama u sheegi jiray waxyaalo xanuunka ka fududeeya una ducayn jiray.

Tusaale: nebigu waxuu booqday Sacad Ibn Cibaada oo markaa xanuun u jiifay. Xilligaas waxaa nebiga la socday Cabdulraxmaan Ibnu Coof, Sacad Ibnu Abu Waqaas iyo Cabdulaahi Ibnu Mascuud. Markii nebigu SCW soo galay qolkii Sacad jiifay, waxuu arkay in Sacad uu miyir doorsoomay oo kooma ku jiro. Xiligaas Sacad waxa dul joogay ehelkiisii. Nebigu waxuu su’aalay dadkii dul joogay isaga oo leh: miyuu geeriyooday? Waxay yidhaahdeen Maya Rasuulkii Ilaahayow. Nebigu wuu ilmeeyay. Markay dadkii goobta joogay arkeen nebigii oo ilamaynayna iyaguna way wada ilmeeyeen. Dabadeed nebiga ayaa yidhi: miyaydaan maqal? Ilaahay ma cadaabo qof kasta oo cabsida allaah u ooya ama leh qalbi murugooda Ilaahay dartiis.

Tani waxay tusaale qiime wayn u tahay sida nebigu SCW uu asxaabtiisa ula wadaagayay duruufaha noloshooda soo waajaha. Maxaad u malaynaysaa Sacad oo soo miiraaba ama miyirku ku soo noqda oo ogaada in nebiga Allaah u ilmeeyay xanuunka haya awgiis. Maxaadse ka filaysaa ehelka Sacad ee dul joogay goob joogna u ahaa markii nebigu ilmada iska biinayay sababta xanuunka aabahood. Dhaqanka nebiguna xaqiiqdii waxuu ahaa sifihii Rabi Quraanka ku sheegay isagoo leh:waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu’miniinta. al tawba (9:128)

Jaabir cabdullah ayaa yidhi; waan xanuunsaday, markaas ayaa nebigu i soo booqday isaga iyo Abu-bakar Sidiiq, waxay ii soo galeen iyadoo la igu dawaynayo xaruntii qabiilkayga reer Salamah. Waxuu i arkay aniga oo miyir doorsoomay mana ogayn waxa socda, sababtuna waa miyirka oo iga tagay. Nebigu SCW, wuu waysaystay markaas ayuu biyihii uu ku waysaystay uu dusha igaga shubay, markaas ayaa miyirkii ii soo noqday. Ugu horayn, waxaan arkay nebigii Ilaahay SCW oo dhinacayga fadhiya waxaanan waydiiyay rasuulkii Ilaahayow sideen idhaahdaa hantidayda maadaama aanan caruur iyo ehal lahayn. Rasuulku iigama jawaabin ilaa Aayadaha quraanka ah ee dhaxalku soo degeen.

Waxaynu ka baranaynaa Jaabir oo markaa ka cabsi qabay geeri xanuunkiisa awgii, una waydiiyay rasuulka sida hantidiisa loo maamulayo hadiiba uu dhinto waxa la xaqiijiyay inuu Jaabir sii noolaa 70 sanadood geeridii Rasuulka ka dib.

 

Duleedka Madiina

Safarada lugta ee magaalada Madiina Nebigu SCW, waxuu marar tegi jiray beeraha magaalada Madiina si uu ugu nasto ugana cabo biyo macaan. Waxaanu halkaas kula kulmi jiray qaar ka mid asxaabtiisa. Beerta Bayraxa ayaa ka mid ahayd beeraha uu tegi jiray oo uu lahaa asxaabiga Abu Dalxa Al Ansaari. Bayraxa waxayMasaajidka ka soo eegaysay dhinaca waqooyi waxbana kamay fogayn maadaama ay markii danbe ka mid noqotay dhulka masaajidku ku soo fiday.

Nebigu SCW marar kalena waxuu tegi jiray beer uu lahaa nin Ansaari ah. Abu Hurayra ayaa wariyay; waxaanu la fadhinay nebiga SCW iyadoo ay nala fadhiyaan Abubakar, Cumar iyo asxaab kale. Nebiga ayaa naga tegay markaas ayuu raagay oo anaguna ka werweray in wax ku dhaceen. Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee u kaca baadi doonka Nebiga. Waan lugeeyay, markaan gaadhay beer uu lahaa nin Ansaari ah oo aan ku wareegay si albaabka aan u helo, balse waanwaayay meel aan ka galo ilaa aan arkay iliilad ka timaada beerta oo tagta ceel duleedka kaga yaal. Waxaan isku dayay si aan iliilada raaco oo cidhiidhi ahayd oo u galo sida dacawadu ay u gashoo kale. Markaan galay ayaan arkay nebigii SCW oo halkaas jooga. Markaas ayuu igu yidhi: Abu Hurayra oo aan ugu jawaabay haa rasuulkii ilaahayow. Waxuu yidhi: kabahayga qaado oo qof kasta oo aad debeda kula kulanto oo qirsan in aan Allaahkeligiis mooyee Ilaah kale jirin ugu bushaaree jannada.

Nebigu marka uu masaajidka Quba tago, waxuu tegi jiray ceelka Cariis oo kaga beegnaa masaajidka dhinaca galbeed.Ceelka Cariis, waxuu ahaa halkuu ku dhacay fargalkii nebiga xilligii khaliifadii sadexaad ee Cusmaan Ibnu Cafaan waana lagu waayay baadi doon fargalka sidiibaana ku maqan yahay. Sababtaas ayaanu ummada muslimiintu muddo dheer ceelka u ilaalin jireen laakiin waxaa la aasay xiliyadii danbe ee casriga ahaa.

Abu Muusa Al ashcari ayaa weriyay:  Nebigu SCW waxuu tegay goobta ceelka Cariis, markaas ayaan aniguna fadhiistay kadinka Ceelka oo ka samaysnaa laamaha geedka timirta oo qalalay. Waxaanan fadhiyay halkaas ilaa uu soo dahaaro qaatay oo waysaytay. Waxaan tegay gudaha oo aan arkay isaga oo ku dul fadhiya Ceelka Cariis qarqarkiisa dusha sare ee afka. Waxaanu lugihiisa ku laalaadiyay gudaha ceelka. Nebigu SCW waxuu gacanta ku haystay ul uu biyaha ku walaaqayay. Markaas ayaan salaamay oo ka noqday si aan albaabka ugu fadhiisto una waardiyeeyo, inkasta oo aanu nebigu amar igu siin hawshaas balse aniga ayaa isu xil saaray. Waxa albaabka soo garaacay Abu-bakar oo ogolaansho waydiistay si uu u soo galo. Markaas ayaan nebiga u sheegay oo isaguna yidhi; soo daa oo ugu bushaaree inuu jannada galayo. Abubakarna wuu salaamay nebiga oo Ilaahay u mahad celiyay intaanu soo gelin gudaha. Waxaanu midigta ka fadhiistay nebiga. Haddana waxa soo istaagay albaabka Cumar oo isna codsaday inuu soo galo. Aniguna nebiga ayaan u sheegay, waxaanu iigu jawaabay soo daa oo ugu bushaaree Jannada. Cumarna sidoo kale ayuu Nebiga u salaamay oo ilaahay u mahad celiyay. Markaas ayuu ka fadhiistay Nebiga dhinaca bidix. Haddana waxa isa soo taagay Cusmaan oo isna codsaday inuu soo galo gudaha. Markaan nebiga sidaas u sheegay, ayuu yidhi u soo daa gudaha una sheeg inuu dhibaato adag la kulmayo balse jannada galayo. Waan u tegay Cusmaan oo ku idhi soo soco. Nebigii ilaahayna waxuuku yidhi: dhibaato adag ayaa kula kulmaysa balse jannada ayaad galaysaa. Cusmaana wuxuu yidhi: Ilaahay ayaan kaalmo waydiistay, Rabbiyow iiga gargaar si aan uga gudbo dhibkaas. Wuu soo galay Cusmaan, waxaanu ka waayay meel uu ka fadhiisto markaas ayuu ka soo horjeedka nebiga soo fadhiistay.

Ujeedada nebiga SCW ee inuu beeraha Madiina tago waxay ahayd inuu ku nasto sidaan hore u sheegnay ugana hadhgalo kulaylka cimilada Madiina, sidoo kalena biyo macaan uga cabo. Waxaanay hadhgalka beerahaasi nebiga siin jireen dardar iyo xoojin si uu u sii wado hawlaha dacwada iyo fidinta diinta. Dhinaca kalena dadka beerahaas leh ayaa iyaguna aad u jeclaysan jiray inuu nebigu SCW soo booqdo si ay duco uga helaan.

 

Hurdada Maalintii

Marka subaxu ka soo soocmayo duhurka ee badhtanka maalintuna soo fool yeesho, nebigu SCW waxuu tegi jiray mid ka mid guryaha xaasaskiisa ee uu maalintaa yahay. Marka uu albaabka gaadho wuu cadayan jiray waxaanu salaami jiray ehelka guriga jooga. Markaas ayuu salaada sunaha ah ee xilligaas (Salaat Al –Duxaa) ku tukan jiray oo afar rakcadood ama wuu ka badin jiray ilaa lix ama todoba rakcadood.

Hadii uu guriga ka helo wax cunto ah wuu cuni jiray hadii aanu subaxii quraac cunin. Hadii cunto loo keeno isaga oo soon sunne ah sooman wuu jebin jiray, cuntada ayaanu wax ka cuni jiray.Caasha ayaa laga weriyay in ay maalin nebiga u sheegtay in cunto qof u keenay markaas ay wax uga hayso si uu u cuno. Nebigu wuu waydiiyay isaga oo leh: waa noocma? Waxay ku tidhi: waa Hays oo ah (cunto laga sameeyay timir, subag iyo caano la qalajiyay oo la isku dhiiday). Nebigu SCW waxuu ku yidhi: bal ii keen. Caasha way u keentay oo uu cunay. Markaas ayuu yidhi waxaan bilaabay soonkaygii.

Inta badan marka nebigu uu gurigiisa la joogo xaaskiisa, waxa u iman jiray dumarka oo doonaya inuu wax uga sheego diintooda maadaama waqtiga masaajidka ay ka xishoon jireen oo ay kaga faa’iidaysan jireen in ay xaasaskiisa su’aalaha u mariyaan markuu guriga joogo. Waxa maalin u timi gabadh ansaar ah isaga oo jooga guriga Caasha.waxay nebiga waydiisay sida ay isaga nadiifinayso ee uga maydhanayso dhiiga caadada marka uu ka joogsado. Markaas ayuu nebigu ku yidhi: gabadhu waa in biyo qaadataa iyo wax ay isku nadiifiso. Ugu horayna waa inay si fiican u waysaysataa. Waa in ay waxogaa biyo ah madaxeeda ku shubtaa oo timaha faraha dhex gelisaa si biyuhu u gaadhaan jidhka. Markaas ayay biyaha ku shubaysa jidhkeeda inta kale. Intaas ka dib, waxay qaadanaysaa waxogaa suuf ah ama maro cudbi ah oo ay isku nadiifinaysaa. Markaas ayay gabadhii tidhi: side la isugu nadiifinayaa?  Nebigu SCW markan wuu xishoodayoo yidhi: subxaanalaah waad isku nadiifinaysaa. Markaas ayuu jeestay isagoo xishood ka muuqdo. Caasha waxay leedahay markaan arkay nebiga oo xishooday ayaan anigu hadalkii qaatay oo gabadhii ku idhi: waxaad ku masaxaysaa meelaha jidhkaaga dhiigu gaadhay. Wuu u maqlayay igumana diidin hadalkaas.

Ummu Salaym ayaa u timi mar isaga oo gurigiisa la jooga xaaskiisa ummu salama.Ummu Salaym waxay waydiisay: nebigii ilaahayow haddii gabadhi ku riyooto iyadoo ninkeeda ay isu galmoonayaan ma maydhasho ayaa ku waajibtay?Ummu Salama ayaa gabadhii ku tidhi: waa maxay waxaad waydiisay Rasuulka Ilaahay? waxaad kaga hadashay arin nebiga hortiisa. Ummu Sulaym ayaa tidhi: Ilaahay kama xishoodo in la sheego runta. Waxaana wanaagsan in aanu waydiino nebiga waxii dhib nagu ah halkii aanu iska aamusi lahayn. Nebigu SCW waxuu taageeray hadalkii Ummu salaym isagoo leh; Ummu Salama adigaa yidhi waa maxay la yaabkan aad nebiga waydiinaysaa. Qofka idiinku fiicani waa qofka i waydiiya wax isaga noloshiisa saamayn ku leh. Haa, Ummu sulaym wuu maydhanayaa hadii gabadhu heshay biyaheeda. Markaas ayay Ummu salaym waydiisay: dumarku ma biyo (mani) ayay leeyihiin? Nebiguna waxuu ugu jawaabay: haddaa maxaa caruurtooda u ekaysiiya. Dumarku waa walaalaha asalka ah ee raga.

Dumarka ansaarta ayaa inta badan ahaa kuwa su’aalaha waydiiya Nebiga. Caasha Bintu Abubakarna waxay tidhi: dumarka waxa ugu wanaagsana kuwa ansaarta: xishoodku kama uu hor istaagi jirin in ay suaal waydiiyaan Nebiga si ay wax uga bartaan diintooda.

Nebiga SCW waxa gurigiisa ku soo booqan jiray asxaabta. Inta badana waxay ahayd marka wax soo kordhaan. Mar uu nebigu joogay guriga xaaskiisa Caasha. Isaga oo dul jiifa sariirtiisa, xidhana maro ay caasha lahayd oo lugihiisana marada ka faydan tahay. Waxa u yimi Abu-bakar markaas ayuu waydiistay inuu u soo galo oo loo ogolaaday isaga oo nebigu sidii uu u jiifay isaga jiifa. Markaas ayay nebiga ka wada hadleen arinkuu ugu yimi oo Abubakar sidaas ku tegay. Hadana waxa yimi Cumar oo codsaday inuu soo galo sidaasna nebigu ugu idmay inuu soo galo isaga oo sidiisii isaga jiifa. Markii cumar soo galay ee ay ka wada hadleen waxii uu u socday ayuu isna sidaas ku tegay. Hadana waxa yimi Cusmaan oo codsaday inuu soo galo. Nebigu markan kor ayuu u soo kacay oo is hagaajiyay. Markaas ayuu Cusmaan soo galay oo arinkuu u socday ka wada hadleen oo noqday. Caasha waxay leedahay: waxaan waydiiyay Rasuulka Ilaahay aniga oo leh: Rasuulkii Ilaahayow markii Abubakar iyo Cumar soo galeen sidaadii ayaad isaga jiiftay, balse markii Cusmaan soo galay kor ayaad u kacday oo hubisay in maryahaagu hagaagsan yihiin. Waxuu ugu jawaabay:Waxaan ka xishooday in aan is hor taago nin malaa’iigtu ka xishooto. Cusmaan waa nin xishood badan markaa waxaan ka baqay in hadiiba anigoo sidaas ah ii soo geli lahaa in ay ku adkaan lahayn inuu igala hadlo arimaha uu iila socday.

 

Caasha bintu Abubakar Ilaahay raali ha ka noqdee oo ah xaaskii nebiga SCW, waxay sharaxaday dhaqanka rasuulka markuu guriga joogo waxaanay tidhi: waxuu ahaa mid marka uu gurigiisa jooga ah midka idiinku degenuguna deeqsisan.Waxuu ahaa qof caadi ah oo aan waxba raga kale ka duwanayn, kaliya waxuu dheeraa inuu inta badan farxad badnaa oo qosli jiray. Kama uu duwanayn qof Ibnu-aadam ah oo caadi ah. Markuu guriga nala joogo waxuu nagala qayb qaadan jiray hawlaha guriga iyo waxii aanu u baahano. Waxuu hagaajisan/toli jiray kabihiisa iyo maryihiisa ama maali/lisan jiray adhiga ama uu naftiisa wax u qabsan jiray. Waxuu guriga qaban jiray waxa nin raggi sameeyo. Halkaas waxaan ka fahmi karaa dhaqank nebiga SCW ee la yaabka ah iyo sida noloshiisu u fududayd unaahayn mid la buunbuuniyo ama kibir ku jiro. Gurigiisu waxuu ka koobnaa qol yar. Markasta oo xaas ka mid xaasaskiisu uga baahato gacan siin dhinaca shaqada guriga ah wuu kala qayb qaadan jiray. Taasina waxay ka turjumaysaa miisaanka nolosha nebiga iyo qiimaha ay u lahaayeen tixgelinta iyo raalin gelinta xaasaskiisa isaga oo caalamka oo dhan loo soo saaray si uu u gaadhsiiyo diinta Allaah. Waxuu tusay xaasaskiisa iyo inaga oo imika ka baranay halkan dhaqankiisaba in nolosha guriga ee nin iyo xaaskiisa ay tahay in dhinac kasta la qaybsado oo la wadaago si noloshu dhadhan iyo jacayl u yeelato. Nabadgalyo iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaato nebigeena Muxamed oo inooga tegay wax ku dayasho mudan hadii aan kaga dayayana aynu ku liibaanayno aduun iyo aakhiro labadaba.

Markuu nebigu SCW gurgiisa joogo waxa ay goobtaasi ahayd meel farxadeed, jacaly iyo weliba madadaalo. Maalin ayaa nebiga SCW oo jooga guriga Caasha ayaa waxa soo booqatay Sawda oo xaasaskiisa kale ka mid ahayd. Nebigu waxuu dhex fadhiyay labadiisa xaas isaga oo labadiisa lugood midna dhabta Caasha saaray mida kelana dhabta Sawda saaray. Caasha xiligaas waxay karinaysay Xariirah oo ah cunto ka samaysan maraq la adkeeyay oo lagu daray daqiiq. Caasha waxay ka codsatay Sawda in ay wax ka cunto, laakiin Sawda ayaa tidhi ma cuni karayo. Caasha ayaa tidhi: waa inaad cuntaa hadii kale wajiga ayaan kaa marin. Sawda way diiday, markaas ayay Caasha wejiga ka marisay Sawda. Nebigu SCW wuu qoslay oo lugtii ka qaaday sawdah si ay uga aarsato. Nebigu waxuu ka soo qaaday waxogaa cunto ah weelkii oo u dhiibay Sawda si ay iyaduna wejiga uga mariso Caasha. Nebiga SCW ayaa yidhi wejiga ka mari, markaas ayay Sawda inta ay qaaday wejiga ka marisay Caasha. Nebiga aad ayuu u qoslay. Waxa dhagahooda ku soo dhacay dhawaaqa Cumar Ibnu Khadaab oo u yeedhaya wiilkiisa Cabdullahi Ibnu Cumar. Nebigu waxuu dareemay in Cumar u imanayo oo ku soo socdo.  Waxuu labadiisii xaas ku yidhi: orda oo wejiyadiina maydha waxaa inagu soo socda Cumare. Cumar ayaa albaabka isa soo taagay oo salaamay nebiga waydiistayna inuu soo galo. Markaas ayaa nebiguna u ogolaaday inuu socdo.

Hadaba farxada, ciyaarta iyo qosolka ay wadaageen xaasaskiisu waxay ka mid ahaayeen sida nebigu SCW ugu furfuraa uguna raali gelin badnaa xaasaskiisa marka uu joogo guriga. Nebigu wuu yara seexan jiray hurdo gaaban in yar ka hor salaada duhur. Waxaanu inta badan seexan jiray guryaha xaasaskiisa oo kaliya iyo guriga Umm Sulaym. Umm Sulaym wuu tegi jiray gurigeeda oo seexan jiray. Waxaana jirtay in xidhiidh xaga qaraabo ama ilaahay amarkii ah in aan loo ogolayn in uu guursado nebigu Ummu sulaym.Waana la waydiiyay nebiga arinkaas markaas ayuu yidhi;waan raali geliyaa maadama walaalkeed lagu dilay isagoo aniga ila socda oo la dagaalamaya gaalada.

Hurdada Maalintii

Nebigu SCW isaga oo maalin hurda qolkii Ummu Sulaym iyaduna guriga ay ka maqan tahay ayay u soo gashay Umu sulaym markaas ayay aragtay nebiga oo kulayka xagaaga ee jira awgeed aad u dhididay oo dhididka ka socday uu ku ururay harag uu ku jiifay. Markaas ayay quraarad soo qaadatay si ay u ururiso oo ugu shubto dhididka quraarada. Nebiga ayaa toosay oo ku yidhi maxaad samaynaysaa? Markaas ayay tidhi: dhididkaaga ayaan ururinayaa oo quraarada ku shubayaa, waxaanan siinayaa caruurtayada si ay u noqoto barako. Nebigu waxuu u sheegay in ay sax tahay oo u duceeyay.

 

Booqashada Masaajidka Quba

Sabti kasta, nebigu SCW waxuu maalinta dhexdeeda gaar ah barqada uu tegi jiray masaajidka Quba isaga oo gaadiid saaran ama lugaynaya. Wuu ku tukan jiray masaajidka. Dadka quba deganaa oo u badnaa qabiilka Awf Ibnu Xaaris ayaa ugu iman jiray masaajidka. Iyagoo ku faraxsan ayay salaami jireen xataa isagoo tukanaya ayay salaanta u qadimi jireen markaas ayuu nebiguna SCW ishaaro ugu jawaabi jiray.

Inta uu nebigu joogo Quba waxuu yara seexan jiray guriga Ummu Xaram Bintu Milhaan oo ay walaalo ahaayeen Ummu Sulayma. Ummu Xaram waxay ay ahayd xaaska Cubaada Ibnu Al Samit. Waxaanay xidhiidh qaraabo ahaayeen Nebiga, taas oo ka dhigtay in aan nebiga loo ogolayn in uu guursado. Maalin ayuu booqday gurigeeda, markaasay cunto siisay oo timaha u feedhay. Iyadoo u feedhaysa ayuu nebiga SCW yara gam’ay, oo soo kacay isaga oo qoslaya. Markaas ayay ku tidhi: rasuulkii ilaahayow maxaa kaa qosliyay, waxuu ku yidhi: waxa la i tusay dad ka mid ah ummadayda oo jihad u baxaya Ilaahay dartiis iyaga oo baddaha dul gooshaya sida boqorada maraakiibtooda wata. Markaas ayay ku tidhi: rasuulkii ilaahayow iigu ducee inaan kuwaa ka mid noqdo. Nebiguna wuu ugu duceeyay. Markaas ayuu haddana yara gam’ay oo soo toosay markale isagoo qoslaya. Markaas ayay waydiisay waxa mar kale ka qosliyay. Markaas ayuu nebigu SCW ku yidhi; waxa la i tusay dad ka mid ummadayda oo jihaad u baxaya ilaahay dartiis. Mar kale ayay ka codsatay inuu ugu duceeyo inay ka mid noqoto, nebiguna wuu ugu duceeyay isaga oo leh kuwa ugu horeeya ayaad ka mid tahay. Ummu Xaram waxay xilligii Mucaawiyah ka mid ahayd koox muslimiin ah oo u shiraaqday Qabrus iyagoo badda ka gooshaya. Waxaanay ka dhacday gaadiidkii badda ay kaga gudbayeen dhaawacaas ayaanay u dhimatay. Waxay tanina ina tusaysaa sida nebigu SCW uu asxaabtiisa wax uga sii sheegayay arimaha mustqabalka la kulmaya iyao halka diintu gaadhayso mustaqbalka.

 

Hawlaha Duhurkii

Marka Bilaal uu eedaamo salaada duhur oo ah salaada maalinta badhtankeeda. Rasuulku wuu ka kici jiray hurdadiisa hadii uu markaa weli hurdo. Wuu ka jawaab celin jiray eedaanka isagoo odhanayo kelmadaha uu Mu’adinku ku dhawaaqayo. Markaas ayuu waysaysan jiray hadii u baahdo inta aanu afarta rakcadood ee sunnaha ka horeeya duhurka tukan. Waxaanu odhan jiray: waa saacada albaabada janooyinka la furo, waxaanan jeclahay in xilligaas la horumarsado shaqo fiican.

Nebigu SCW waxuu ku nagaan jiray guriga ilaa loo istaago salaada. Waxaana la joogi jiray guriga xiligaas uu salaada iqaamisteeda sugayo inamada yaryar ee uu awowga u ahaa Xasan iyo Xuseen oo inantiisa faadumo dhashay ama Ummamah oo ay dhashay inantiisa Saynab. Waanu la ciyaari jiray caruurta xilligaas. Marka Bilaal ugu yimaado si uu ugu war geliyo in la gaadhay xilligii salaada uu tujin lahaa. Nebigu SCW intaanu soo bixin waxuu sii dhunkan jiray xaasaskiisa. Markuu soo baxo ayaa Bilaal iqaami jiray si salaada la isugu taago gudashadeeda. Markay asxaabtu arkaan nebigii Allah oo soo socda ayay isu taagi jireen salaada.

Waxay la yaabi jireen nebiga SCW oo marar garabkiisa ku sida Xasan ama Xusayn ama Umaamah oo uu awoow u ahaa.  Markuu salaada galayo waxuu ilmaha dhigi jiray dhinaciisa si uu salaada u tujiyo. Waqti gaar ahaa, nebigu waxuu soo baxay isaga oo Xasan ama Xusayn sida, markaas ayuu dhinaciisa dhigay oo salaada guda galay. Salaada intuu ku jiray ayuu nebigu SCW raajiyay mid ka mid sujuudaha salaada dhexdeeda. Mid ka mid ah asxaabta Shadaad Ibnu Al Xaad ayaa madaxiisa kor u yara qaaday oo hoosta ka eegay, waxaanu arkay ilmihii nebigu uu awowga u ahaa oo dusha ka korsan dhabarka nebiga. Markii salaadii dhamaatay ayay asxaabtii nebiga waydiiyeen: rasuulkii ilaahayow waxaad ku dheeraatay mid ka mid ah sujuudaha salaada, anaguna waxaanu is nidhi ma waxbaa ku dhacay nebigii mise waxyi ayaa samada kaga soo degaya. Waxuu ugu jawaabay maya ee waxba may dhicin ee wiilkayga ayaa dhabarka iga koray, markaas ayaan dhibsaday in aan ku dirqiyo in aan dejiyo ilaa uu isagu dego. Nebigu SCW garabka ayuu ku hayn jiray ilmaha markuu tukanayo xiliyada qaar, marka uu sujuudana wuu dhigi jiray sidaas ayaanu marka uu soo kaco dib kor ugu qaadi jiray. Sidaana waxuu yeelay mar uu siday inanta uu awoowga u ahaa ee Ummamah oo ay dhashay inantiisii Saynab.

Nebigu SCW salaada duhur waxuu tujin jiray waqtiga hore ee ka mid waqtiga loogu talo galay in la tukado. Waxaanu akhiriyi jiray rakcad kasta ilaa 30 sadar quraan ah,waxaanu dheerayn jiray rakcada hore, halka ay rakcada danbe ka gaabnayd, sidoo kale labada rakcadood ee danbe ayaa iyagana uu ku akhriyi jiray nuska inta uu akhriyay labada rakcadood ee hore. Wuu dheerayn jiray salaada duhur ilaa qofka marka iqaamada la yeedhiyo ogaa ee xabaalaha baqiic tagaa, gurigiisana soo mara si uu uga soo waysaysto uu soo geli jiray masaajidka isaga oo nebigu SCW weli taagan oo ku jira rakcadii koowaad. Quraanka hoos ayuu u akhriyi jiray, laakiin dadka la tukanayaa waxay ka dareemi jireen quraanka uu akhriyayo nebigu SCW gadhkiisa dhaqdhaqaaqa uu samaynayo. Mararka qaarkoodna waxaaabay maqli jireen isagoo quraanka qaybo kor u yara qaadaya.

Marka salaadu dhamaato, nebigu waxuu ku soo jeedsan jiray asxaabta ku daba tukanaysa. Markaa hadiiba ay jirto wax daruuri ay tahay in laga hadlo inta badan waxuu ka hadli jiraysalaada duhur ka tukashadeeda ka dib. Xilligaasna waxuu ahaa marka dadka intiisa badani joogto. Waxaanay dhacday oo nebigu khudbad jeediyay mar ay wafti ka socda reer Mudar ay yimaadeen. Nebiguna uu dareemay duruufta ka muuqata dushooda oo markaas ka damqday faqriga iyo gaajada ka muuqata. Markaas ayuu istaagay minbarka oo la hadlay asxaabta salaadii Duhur ka dib. Waxaanu ku bilaabay mahadnaqa Allaah iyo waynayntiisa, markaas ayuu yidhi: Ilaahay waxuu kitaabkiisa quraanka ah ku soo dejiyay isaga oo leh:Dadow ka Dhawrsada Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye (Nisaa 4:1).Sidoo kale waxuu nebigu SCW yidhi:Kuwa xaqa rumeeyey waa inay Eebe ka dhawrsadaan, Nafwalbana waa inay eegtaa waxay u hormarsatay barri (qiyaamaha) Eebena ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye (Al Xashr 59:18).waxa laga yaabaa in qofkiin uu bixiyo lacag oo ay yar tahay ama bixiyo wax ka mid ah dharkiisa iyo waxa uu cuntoahaan u haysto ee daqiiq iyo timir ah. wuu waday nebigu SCW ilaa uu yidhi: waxaad ku deeqdaan haba yaraatee sida xabad timir ah jeexeed, isagoo uga jeeday inuu asxaabta ku dhiiri geliyo in ay waxay haystaan haba yaraadee wax ka bixiyaan.

Tusale kale; Markii Ibnu Lutbiyah ku soo noqday nebiga, isaga oo soo dhameeyay hawshii sako soo ururinta ee nebigu u diray waxuu nebiga ku yidhi: “rasuulkii ilaahayow xoolahaas waa sakadii la ii soo dhiibay, kuwana anigaa la ii soo siiyay hadyad ahaan”. Salaadii duhurka ka dib ayuu nebigu SCW dadka la hadlay. Waxuu ku bilaabay ilaahay mahadnaqiisa iyo qiraalka kelinimadiisa, markaas ayuu yidhi; imika waxa laga yaabaa in aan mid idinka mid ah u diro shaqo oo markaasu baxo si uu u soo qabto hawsha loo diray oo soo noqdo isaga oo leh: Tan adigaa leh midana aniga ayaa hadyad ahaan la ii soo siiyay. Maxaa isagoo gurigiisa fadhiya oo sugaya hadyadu ugu iman wayday. Midka nafta Muxamed gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye, qof kasta oo wax ka qaata wax aan xaqiisa ahayn waxuu iman doonaa maalinta qiyaamaha isagoo dhabarka ku sida.  Qaar ayaa iman doona iyagoo awr qaylinaya dhabarka ku sida, ama sac ama neef adhiya oo ciya’ya. Markaas ayuu nebigu SCW gacmihiisa kor u qaaday iyadoo la arkayay cadaanka kilinkilooyinkiisa hoostooda isaga oo leh: Ilaahayow, waan gaadhsiiyay fariintaadii waxaanu sidaas ku celiyay sadex jeer.

Maalin kale salaadii duhur ka dib, ayuu istaagay minbarka masaajidka markaas ayuu ka hadlay saaacada ugu danbaysa ee maalintaqiyaamaha. Waxaanu ka sheegay arimo murugo leh maalintaas isaga oo leh; mid kasta oo idinka mid ah oo jecel inuu wax I waydiiyo halkan ha yimaado.Ilaahay ayaan ku dhaartee, su’aal kasta oo aad I waydiisaan waan idiinka jawaabayaa inta aan taagnahay halkan. Dadku way ooyayeen, nebiguna dhawr jeer ayuu sidaas ku celiyay dalabkiisa ah in waxii su’aal ah ee la hayo la waydiiyo. Nin la yidhaa Cabdullah Ibnu Xudafa oo ka tirsanaa qabiilka Saham ayaa istaagay oo yidhi;Rasuulkii Ilaahayow, waa kuma aabahay?   Sababtu u waydiiyayna waxay ahayd dad ayaa ku doodi jiray in Cabdullahi aanu dhalin Xudafa.  Nebigu SCW waxuu ugu jawaabay: Aabahaa waa Xudafa. Markii nebigu ku celceliyay i waydiiya waxii su’aal aad haysaan.Cumar ayaa fadhiistay isaga oo leh; waxaanu ku faraxsanay in Allaah keliya uu yahay Ilaahayaga iyo in islaamku yahay diintayada, nebi muxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Markaas ayuu nebigu joojiyay su’aashii oo yidhi; Awla (carabi ahaan waa dhib ayaad arki doontaan) midka nafta Muxamed gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartee. Goor dhowayd ayaa gidaarkan la iga tusay cadaabta iyo jannada. Ma aan arag wax ka xun iyo wax ka wanaagsan sida la ii tusay maanta.  Hadii aad ogtihiin waxaan ogahay in yar ayaad qosli lahaydeen, in badana waad ooyi lahaydeen. Maalintaasi waxay ka mid ahayd maalmihii ugu adkaa asxaabta. Waxay maryahodooda ku dabooleen wejiyadooda qayllada oohintooda darteed.

Maalin kale nebigu SCW, waxuu salaad duhur ka dib la hadlay asxaabta ka dib markii qisaasta dhilaysiga lagu fuliyay Maacis (Allah ha u naxariistee). Mahadnaq iyo waynaynta Allaah ka dib, nebigu SCW waxuu yidhi; ma waxay noqonaysaa markaan u baxno Ilaahay dartiis, in mid ku hadho xaga danbe oo la joogo dumarka iyo caruurta isagoo u qaylinaya sida ri dhukan, isaga oo siinaya dumarka waxaan qiimo lahayn.Allaah ayaan ku dhaartee midkiina la ii keeno isaga oo sidaas sameeyay, ogaada in aan hubaashii ciqaabi doono. Nebigu umuu ducayn Maacis xumaana kuma soo qaadin xagiisa.

Nebigu SCW, wuxuu u dhaqaaqay dhinaca gurigiisa oo ku tukaday laba rakcadood oo sunaha ahaa ee salaada Duhur ka danbeeya, oo ku soo noqday masaajidka halkaas oo isaga iyo asxaabtii joogeen ilaa salaadii Casar. Sidan oo kale waxuu sameeyay mar ay la joogeen waftiga ka socday reer Cabdi qays oo uu la joogay duhur iyo casar inta u dhaxaysay.

Nebigu xilliyada loo soo sheego arimo muhiim ah oo bulshadiisa la xidhiidha wuu soo bixi jiray xilli aan looga baran.  Waxa ka mid ahaa mar loo sheegay in dadka reer Quba qabiilka Camir Ibn Coof ay is hayaan oo khilaaf ka dhaxeeyo kaas oo keenay in ay dhagxaan isku shiidaan. Nebigu SCW waxuu ku yidhi asxaabtiisii; ina wada aan heshiis ka dhex samaynee. Waxaanu ku yidhi Bilaal, hadii salaada casar soo gasho oo aan soo noqon waayo u sheeg Abubakar dadka ha tujiyee marka ay gaadho xilliga salaada. Markay waqtigii salaada gaadhay ee Bilaal iqaamay ayuu ku yidhi Abubakar;Nebiga ayaa ii sheegay in aan kugu war geliyo inaad salaada tujiso hadiiba uu ka soo gaadhi waayo. Markaas ayaa Abubakar dadka hor galay dadkii oo salaadii bilaabay. Nebiga SCW ayaa soo galay masaajidka oo hore u socday ilaa uu safka ugu horeeya galay. Dadkiina sacabka ayay garaaceen, laakiin Abubakar ma soo jeedsan. Markii sacab garaaca dadku sii siyaaday ayuu soo yara qooraansaday oo arkayNebiga, markaas ayuu Abubakar doonay inuu dib u soo baxo laakiin nebiga ayaa u ishaaray inuu joogo halkiisa. Abubakar gacmihiisa ayuu kor u taagay isagoo Ilaahay mahadinaya sidii Rasuulku ka filayay.  Markaas ayuu dib u soo baxay, Nebiguna SCW hore u baxay oo sidaas salaadii ku tujiyay. Markii saladii la tukaday ayuu nebigu SCW ku soo jeestay asxaabtii sidii caadadiisu ahayd oo yidhi: maxaad gacmaha u garaacdeen marka wax dhacaan idinka oo salaada ku jira? sacabka waxa loo ogol yahay dumarka oo kalliya. Hadii salaada idinka oo ku jira wax dhacaan,waxaad tidhaahdaan Subxaanallaahqof kasta oo taas maqlaa wejigiisa ha soo jeediyo. Markaas ayuu Abubakar ku yidhi: hadii aan ku ishaaray in aad salaada sii wado maxaad u tujin wayday? Abubakar ayaa yidhi: iguma haboona in aan tujiyo marka Rasuulka Ilaahay joogo.

Tusaale kale: Nebigu waxuu tegay Al-Aswaf, oo ahayd bariga Baqiic si uu soo siyaarto hablaha uu ka tegay Sacad Ibnu Rabiica si uu ugu soo dhaxlo xoolaha aabahood uga tegay. Hablahaasi waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee loo dhaxlo xoolo ay ka dhaxleen aabahood xilligii islaamka. Nebigu SCW, waxuu u baxay si uu ugu tego waqti barqo ah. markuu halkaas gaadhay waxa loo keenay cunto oo ka koobnayd roodhi iyo hilib ay habluhu ugu sii talo galeen Nebiga iyo asxaabta. Nebigu SCW, waxbuu ka cunay isaga iyo asxaabtii kaleba. Markaas ayuu waysaytay sidoo kale asxaabtiina way waysaysteen. Waxaanu tujiyay salaadii duhur. Salaadii ka dibna waxuu gudagalay qaybintii dhaxalka xoolaha ilaa ay gaadhay salaadii casar oo uu dhameeyay qaybintii xoolaha dhaxalka ah ee hablaha. Waxay u keeneen nebiga waxogaa cunto ah oo ay u dhigeen. Nebiguna SCW wax ayuu ka cunay isaga iyo asxaabtiisii, markaas ayuu isu taagay si uu salaada casar u tujiyo. Nebiga mar kale uma waysaysan isaga iyo asxaabtuba ee sidaas ayay ku tukadeen casar.

 

Casarka: Duhurka waqtiga ka dambeeya

Marka salaada Casar la gaadho ee eedaanka Bilaal ku dhawaaqo, Nebigu xiligaas waxuu ku sugan yahay gurigiisa isagoo sugaya inta dadku isugu soo ururo masaajidka. Waxaanu nebigu SCW dadka ku dhiiri gelin jiray in ay tukadaan afar rakcadood oo sunne ah salaada casar ka hor. Waxaanu odhan jiray: Allahayow naxariistaada sii qofka afar rakcadood casar ka hor tukada. Marka waqtiga salaadu la tukanayaa la gaadho ee dadku isugu yimaado masaajidka ayuu guriga ka soo bixi jiray, sidaas ayaanu Bilaal ku aqiimi jiray nebiguna salaada ku tujin jiray.  Sida Anis Ibnu Maalik werinayo; qofna kama dhakhso badnayn Nebiga marka uu tujinayo salaada casar. Casarka quraanka uu salaada dhexdeeda akhriyaa waxuu ahaa mid qayb ahaan marka loo eego midka uu akhriyo salaada duhur.

Marka uu tukashada salaada dhameeyo, Nebigu SCW wuxuu ku soo jeedsan jiray asxaabtiisa, markaa hadii wax uu yidhaa uu u hayo wuu odhan jiray, hadii kalena waxuu odhan jiray: ma hubo in aan wax idiin hayo aan idin idhaah iyo in kale. Iyaguna waxay odhan jireen: Rasuulkii ilaahayow hadii ay wax khayr noogu jiro tahay noo sheeg hadii aanay ahayn Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa u cilmi leh. Markaay ayuu yidhi: “qof kasta oo muslim ah oo si fiican u wayso qaata oo shanta salaadood tukada,markaas salaadahaasi waxay ka tirayaan waxii denbi ah ee ka dhacay salaadaha dhexdooda.

Maalin ayaa nebigu SCW isu taagay si uu salaada Casar u tujiyo. Hadalkiisii ayuu ku daray: qof kasta oo waysada salaada si fiican u guta oo yidhaahda: waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee ilaah kale jirin muxamedna yahay nebigii iyo rasuulkii ilaahay, waxaa loo furaa sideeda albaab ee jannada. Waxaanu ka galaa midka uu doono. Qof kasta oo muslim ah oo si fiican oo dhamaystiran u wayso-qaata oo isu taaga laba rakcadood oo qalbigiisa iyo masxkadiisuba goob joog yihiin, waxaa loo ogolaadaa inuu ka mid noqda dadka gelaya jannada.

Hadalka Nebiga SCW ee salaada Casar waxuu ahaa mid ka kooban kana gaaban marka loo eego hadalkiisa Salaada duhur ka dib. Waxaana jira dareen ah in dadku iska daalan yihiin salaada casar ama ay danaynayaan in ay arimaha u gaarka ah in ay soo dhamaystaan intaan habeenku madoobaan iyo in ay cuntadooda (cashada) soo diyaarsadaan. Markuu nebigu SCW dhameeyo salaada casar, waxuu soo booqan jiray xaasaskiisa dhamaantood. Mid kastana waxogaa ayuu la fadhiisan jiray qolkeeda oo dhunkan jiray lana sheekaysan jiray laakiin lama samayn jirin wax galmo midkoodna. Markaas ayuu booqshadiisa ku soo gebagebayn jiray guriga xaaska uu habeenka u hoyanayo. Habeenkaasna gurigaas ayuu u hoyan jiray.

Mararka qaarkood, dhamaan xaasaskiisu ayaa isugu iman jiray guriga habeenkaas uu hoyashada u leeyahay, waxaanu ahaa guriga Caasha. Saynab ayay kadinka ku kulmeen nebiga oo isna soo galaya guriga Caasha. Markaas ayuu gacantiisa saaray garabkeeda.Caashaayaa tidhi tanina waa Saynab, markaas ayuu nebigu gacantiisii ka qaaday garabkeeda. Labadoodii ayaa murmay markaas ayay hadalka kor u qaadeen. Xilligaas waxay ahayd waqtigiis salaada, Abubakarna wuu ag marayay isaga oo maqlay murankooda. Waxaanu si dheer u yidhi: Rasuulkii Ilaahayow kaalay iska tuko oo boodh ku shub afkooda. Nebiguna SCW salaada ayuu u soo baxay. Caasha ayaa markaa tidhi: Marka Nebigu dhameeyo salaada, Abubakar wuu ii imanayaa isagoo si adag iila hadlaya.Markii Nebigu SCW dhameeyay tukashada salaadii, ayuu Abubakar u yimi Caasha oo ahayd Inantiisii isaga oo ku leh: Sideed waxaas u samayn kartaa?

Nebigu SCW, markuu tago gurigiisa salaada casar ka dib waxuu tukan jiray laba rakcadood oo sunne ah. Inkasta oo aan la ogolayn salaada Casar ka dib in sunne la tukado ilaa maqrib la gaadho, waxayse dhacday mar nebiga ay u yimaadeen wafti ka socda reer Cabdi Al-Qays oo u sheegay nebiga in dhamaan qabiilkooda oo dhami diinta islaamka galeen. Nebigu waxuu waftiga la kulmay salaad Duhur ka dib, markaas ayaanu tukan labadii rakcadood ee salaada Duhur ka dambeeyay oo uu kaga mashquulay waftiga soo dhowayntiisa. Markaas ayuu labadiisii rakcadood tukaday casarka ka dib. Intii danbana sidaas ayuu casar ka dib u tukan jiray ilaa uu ka geeriyooday. Nebigu SCW, hadii uu salaad sunne ah meel ku tukado waxuu ka dhigi jiray mid joogto ah. Caasha ayaa tidhi: Ilaahay naftayda oofsanaya ayaan ku dhaartee, nebigu kama tegin labadaas rakcadood uu salaada casar ka dambaysiiyay ilaa uu la kulmay rabbigiis. Inta badana waxuu ku tukan jiray gurigiisa isagoo la jooga xaasaskiisa.

Xilliga uu nebigu SCW joogo guryaha mid ka mid xaasaskiisa, waxay ahayd goob xiiso iyo jacayl qoys ay ka muuqato. Waxa kale oo uu gurigiisa uu joogaa ahaa goob cilmi iyo aqooneed la iskuna waydaarsado su’aalo iyo rayi ku aadan duruufaha xilligaas. Nebiguna su’aalahaas iyo wada sheekaysiigaas waxuu ahaa mid si aad ah u soo dhoweeya.

Caasha ayaa nebiga maalin waydiisay inuu wax uga sheego maalmihii ugu adkaa noloshiisa intii uu dadka ugu yeedhayay diinta ilaahay. Waxaanay raacisay: rasuulkii ilaahayow, miyaad la kulantay duruuf ka adag maalintii dagaalkii Uxud? Waxuu ugu jawaabay:Waxaan si ka xun iyo duruuf adag kala kulmay dadkiina. Waxaanan dhib fara badan la kulmay maalintii Caqabah.markaan diinta ugu yeedhay Ibnu Cabdi Yaliil Ibnu Kulal, waanu iska diiday yeedhmadaydii. Waan iskaga tegay aniga oo murug dareemaya oo aan garanayn meel aan u socdo. Waxaan is ogaaday markaan gaadhay meesha la yidhaa Qarnu Al Saclab, indhahayga ayaan kor u qaaday, waxaan arkay daruur dushayda taagan. Waan eegay, waa malakul Jibriil. Wuu ii dhawaaqay isaga oo leh: Ilaahay wuu maqlay waxay dadkaagu kugu yidhaahdeen iyo sida ay kuu diideen. Waxaanu kuu soo diray Malaga ka masuulka ah buuraha si aad u siiso amarada waxii aad rabto in lagu sameeyo. Malagii buuraha ayaa ii dhawaaqay isaga oo leh: Muxamed, ilaahay wuu maqlay waxay dadkaagu kugu yidhaahdeen. Waxaan ahay Malaga buuraha ka masuulka ah. Rabbigaa waxuu ii soo diray in aan fuliyo amaradaada. Waxaad i fartana waan fuilnayaa, hadii aad doonto waxaan dushooda ku dhufan labada buurood (waa labada maka dul saaran). Waxaan ku idhi maya. Waxaanku idhi ilaahay ayaan ka rajaynayaa inuu kuwa dhabarkooda ku jira ka soo saaro qaar ilaahay kelliya caabuda cidna aan la wadaajin cibaadadiisa.

Sheekada dhex martay Caasha iyo Nebiga SCW waxay ina tusaysaa sida Caasha lafteedu u xiisaynaysay ogaalka waxyaalo badan oo cilmi ah iyo arrimaha la xidhiidhaha nolosha nebiga ee waqtigii iyada ka horeeyay. Waxa kale oo ay ina tusinaysaa sida ay Xaasaskiisu u jeclaayeen in ay wax ka ogaadaan nebiga xilliyadii adkaa ee uu soo maray si ay ula wadaagaan dareenkooda in ay garab taagan yihiin.

Waxa kale oo ay ina tusaysaa sida nebigu u lahaa dhaqan uu ku tababaray Allaha u doortay inuu yahay nebigiisa kuna lamaaneeyay magaca nebiga magaciisa wayn subxaanuhuye. Intaanay nebiga noloshiisii qaaliga ahayd dhamaanin, waxa u rumowday aragtidiisaas uu la wadaagay Malaga buuraha oo ahayad in qaar ilaahay caabuda oo aan cidna la wadaajin cibaadadiisa oo u jihaada diinta Allah ay dhabarkooda ka soo baxaan, taasina way dhacday.

Maalin ayaaa Caasha waxay maqashay nebiga SCW oo leh; qof kasta oo la xisaabiyo maalinta qiyaame waa la ciqaabayaa. Caashana had iyo jeer waxyaalaha aanay fahmin nebiga way kala doodi jirtay si ay u fahamto, markaas ayay ku tidhi: Rasuulkii Ilaahayow miyaan ilaahay Quraankiisa ku odhan:Ruuxiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu’minkee). Waxaa la xisaabin xisaab fudud (Inshiqaq 84: 7-8).Markaas ayuu yidhi: suuradu ma khusayso xisaabta lafteeda, waxay sheegaysaa sida loo siinayo xisaabtooda, ee qof kasta oo camalkiisa la waydiiyo maalinta qiyaame waa la ciqaaabay

Maalin isaga oo la hadlaya Xaaskiisa Xafsah ayuu nebigu yidhi: waxaan rajaynayaa qof kasta oo ka qayb qaatay dagaalkii Uxud iyo Xudaybiya in aanu cadaab gelin. Haa, way gelayaan cadaan rasuulkii ilaahayow ayay tidhi. Wuu ku celiyay laakiin waxay tidhi: miyaan ilaahay quraanka ku odhan:cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa agtiis wax go’an oo xukuman.Waxuu ku yidhi: miyaanad maqal ilaahay oo leh:Markaaswaxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya (Maryam 19:72)

Ilaahay ayaa mahad leh Rasuulkiiisa siiyay dulqaadka, xikmada iyo weliba aqoonta ka dhigtay mid loo saaray inuu bini-aadamka oo dhan ugu yeedho nolosha iftiinka iyo badhaadhaha ee dunida korkeeda iyo mida waarista janno dhexdeed ee aakhiro.

Asxaabtiisa ayaa iyaguna Nebiga SCW ugu yeedhi jiray martiqaad si uu ugala qayb qaato munaasibadahooda. Waanay ku farxi jireen marka uu u yimaado una waydiisan jireen inuu u duceeyo. Maalin salaadii casar ka dib nin ayaa masaajidka uga yimi reer Binu Salamah ah, waxaanu ku yidhi; Rasuulkii Ilaahayow waxaanu qalanaynaa awr, markaa waxaan jeclaanay inaad noo timaado oo nagala qayb qaadato. Asxaabtana munaasabadaas oo kale waxay u ahayd mid ahmiyad gaar ah leh, maadaama hilibku cuntada ay cunaan ku yaraa xilligaas. Nebigu SCW wuu ka aqbalay waanu u tegay isaga iyo asxaabtii. Markiiay gaadheen halkaas, waxay arkeen in aan weli awrkii la qalin. Markaas ayaa la qalay oo hilibkii qaybo laga dhigay. Qaybo ka mid ah hilibkii ayaa la kariyay oo ay wax ka cuneen nebiga SCW iyo asxaabtii la socotay ka hor intaan cadceedu dhicin.

Bal xaaladaas u fiirso: Nebigii Ilaahay ayaa u tegay maalin xagaa kulul ah isagoo ka jawaabaya martiqaadkaa uga yimi reer Binu Salamah oo degen waqooyiga ay Madiina ku dhamaato oo aad uga fog masaajidka, si uu ugala qayb qaato awrka ay qasheen. Waxaan qiyaasi karaa in uu ugu tegay, si uu u raali geliyo dadka Ilaahay u soo diray oo ula wadaago farxadooda. Reer Binu salamah laftooduna mudo dheer ayay ka sheekayn jireen dhaqanka suuban ee Nebiga SCW.

 

 

Cadceedu marka ay godkeeda sii gelayso

Marka salaada maqrib la eedaamo, nebigu SCW waxuu joogi jiray gurigiisa waqti kooban, kadibna wuu soo bixi jiray si uu salaada u tujiyo. Waxuu soo geli jiray masaajidka, isaga oo indhihiisu arkayaan asxaabta oo tiirarka masaajidka ku tukanaya labada rakcadood sunaha ah ee maqribka ka horeeya. Kuwaasoo uu isagu baray kuna dhiiri geliyay. Waxaanu odhan jiray: Tukada laba rakcadood maqribka ka hor. Arintaas waxuu ku celiyay saddex jeer, waxaanu ku daray mar afraad oo ka hadlay isaga oo leh:  hadii aad rabtaan waxaad ka dhigaysaan laba rakcadood oo fudud, sababtuna waa eedaanka iyo aqiimka ayaa salaada maqrib aad isugu dhow.

Marka uu nebigu SCW soo galo masaajidka, Mu’adin Bilaal salaada ayuu aqiimi jiray, markaas ayuu hore ka bilaabi jiray tukashadeeda. Maqribka waxa la tukan jiray waqtigiisa oo ah fiidka waxaana la dhamayn jiray ka hor intaan cadceedu dhicin ee mugdiga habeenku daboolin dhulka. Waxaana la sheegay in maqribka qofka ka baxaa uu wax ku arkayay iftiinka maalinta ee sii dhamaanaya, sida hadii uu tuuro leeb uu arkayo meesha uu ku dhacayo.

Akhrinta Quraanka ee salaada makhrib, nebigu SCW wuu soo koobi jiray isaga oo salaadana inta badan soo gaabin jiray. Marar wuu akhriyi jiray suurado dheer balse waxay ahayd waqtiyo faro ku tiris ah. mar waxuu akhriyay salaad makhrib suurada; Al Acraaf mar kalena waxuu akhriyay suurada; Al-Dur. Saalada maqrib waxay ahayd salaadii Nebiga ugu danbaysay noloshiisa ee uu asxaabta tujiyo, waxaanu akhriyay suurada; Al-Mursalaat.

Nebigu SCW, wax khudbad ah ma geli jirin iyo hadal dheer midna salaada maqrib ka dib. Sababtuna waxa loo qaadan karaa, iyadoo dadku ay guryaha ku yara noqon jireen si ay u nastaan ama danahooda aduunyo isugu soo duba ridaan intaan habeenka madowgiisu dhulka daboolin iyo in ay cashadooda soo diyaarsadaan ama soo cunaan. Nebiguna markuu salaada maqrib dhameeyo gurigiisa ayuu tegi jiray oo laba rakcadood oo sunne ah ku tukan jiray. Markaas ayuu casho hadii ay taal cuni jiray maadaama xilligaasi ahaa waqtiga cashada la cuno. Waxaana la cashayn jiray salaada maqrib ka hor kaliya marka la sooman yahay.nebiguna waxuu yidhi: hadii Cuntada la soo dhigo iyadoo salaada la eedaamay, horaysiiya cunista cuntada intaydaan maqrib tukan, hana ka dhigina salaada mid ka horaysa cuntada.

Nebigu SCW, waxuu asxaabtiisa ku dhiiri gelin jiray isagoo u sheegaya in dadka faqiirka ah ee aan wax ay cunaan haysan ay marti geliyaan oo u kaxeeyaan guryahooda. Isaga laftiisuna waxuu sii kaxayn jiray 10 qof si ay ula wadaagaan hadii cuntada loo diyaariyay ay tahay mid badan. Marar ayaa dhacday uu gurigiisa tegay oo ka waayay wax la cuno,kaliya ay taalo timir iyo biyo. Maalmo ayaa soo mari jiray aan guryihiisa qofna haysan wax uu cuno. Maalin ayaa nin aad u diifaysan oo gaajo darani haysaa u yimi nebiga SCW, markaas ayuu wejigiisa ka arkay in gaajo daran iyo diif ay hayso. Ninkii ayaa muuqaal iyo hadal labadaba ku muujiyay isaga oo leh: Rasuulkii Ilaahayow gaajo daran ayaa i haysa. Nebiguna waxuu u cid diray xaasaskiisii mid ka mid ah bal inay hayaan wax cunto ah oo la cuno si ay u marti geliyaan ninkan martida ah. jawaabteediina waxay noqotay: Allaha kula soo diray kelmada xaqa ah ayaan ku dhaartee ma hayo waxaan ahayn biyo. Mid kale oo xaasaskiisa ka mid ah ayuu u cid diray, iyana sidii si la mid ayay ugu soo jawaabtay. Markaas ayuu dhamaantood u cid diray oo isku si u soo jawaabeen. Markaas ayuu asxaabtiisii waydiistay bal in mid ka mid ahi uu marti galiyo ninkan martida ah ee diifaysan caawa. Abu Dalxa Al Ansari ayaa yidhi: Rasuulkii Ilaahayow aniga ayaa marti galinaya markaas ayuu gurigiisii geeyay.

Nebiga cuntadiisa weelka ay ku jirto dhulka ayaa la dhigi jiray, weligiina miis dushiisa wax kuma dul cunin. Marka cuntada loo keenana waxuu odhan jiray: Bismilaah, markaas ayuu dhinaca soo xiga weelka cuntadu ku jirto ka cuni jiray mana dhaafin jirin farihiisa waxa soo xiga si uu wax uga cunoweelka dhinaciisa kale. Waxaanu wax ku cuni jiray saddex farood oo kalliya.Waxaanu baray asxaabtiisa in ay aanay dhexda ka bilaabin cunista sababtuna waa barakada ayaa ku degta markaa waxuu fari jiray in qof weliba dhinaca xigta ka cuno.

Nebi Muxamed SCW cuntadiisu may ahayn wax gaar u ah ama si gaar ah noocyo cunto gaar ah loogu diyaariee waxuu ahaa mid hadba waxii la helo wax ka cuna. Waxuu waydiin jiray xaasaskiisa hadba guriga uu joogo isaga oo leh:  wax ma haysaan? Markaas ayay odhan jireen: may waxba ma hayno.  Maalin ayuu ku yidhi maxaa haysaan? Markaasay tidhi: waxba ma hayno kaliya waxaanu haynaa khal. Waxuu yidhi: cuntada dhamaystiran khalku waa in roodhi ay la socotaa. Nebigu SCW cunta loo keenay weligii wax xumaan ah ama uu dhibsado kama sheegin. Haduu cuntadaas jeclaado wuu cuni jiray hadii kalena wuu iska dhaafi jiray.

Cumar Ibnu Abu Salamah oo ay dhashay xaaskii nebiga ee umm Salamah kuna soo koray guriga nebiga, ayaa waxuu ahaa mid la cuna nebiga cuntada. Waxaanu ahaa xilligaas wiil yar. Markaas ayuu hadba gacantiisa meel geeyaa oo dhan kasta ka cunaa. Nebiga ayaa dareemay markaas ayuu ku yidhi;wiilyahow dheh bismilaah, kuna cun midigtaada kana cun dhanka ku soo xigta. Cumar ayaa yidhi: waxii maalintaas ka danbeeyay habkaas nebigu ii sheegay ayaan wax u cunaa.

Maalin ayaa nebiga la soo hordhigay weel uu ku jiro cunto (Ta’riid iyo hilib), waxuu ka qaatay garab oo ka mid ah hilibka adhiga wuu jeclaystay oo goostay. Markaas ayuu yidhi: maalinta qiyaamaha waxaan ahay midka hogaaminaya bini-aadamka oo dhan. Markaas ayuu markale goostay oo ku celiyay hadalkii hore balse qofna wax kama waydiin. Markaas ayuu yidhi: miyaydaan i waydiinayn sababta? markaas ayay yidhaahdeen, sidee arinkaasi yahay Rasuulkii Ilaahayow? waxuu yidhi; maalinta qiyaamaha Ilaahay ayaa isugu soo ururinaya dadka oo dhan meel kalliya, si ay u maqlaan ka dhawaaqaya, indhahoodana wax ugu arkaan. Cadceeda ayaa loo soo dhowaynayaa madaxooda, markaas ayaa qof kastaa dareemayaa kulayl. Marka loo soo dhoweeyo way cabanayaan oo waxay la kulmayaan dhib.qaar ayaa odhanaya: miyaydaan dareemayn sida dhibku inoo taabtay? Maxaad uga fekeri waydeen cid Ilaahay inooga shafeeco qaada? Qaar ayaa odhanaya ina keena aan Nebi aadam u tagnee ilaa aakhirka xadiiska.

Markuu cuntadii dhameeyay, ayuu farihiisa muudsaday, asxaabtiisana waxuu faray in ay weelka faraha ku murdiyaan, isaga oo leh; ma garanaysaan qaybta cuntada ka mid ee la barakeeyay. Markii cunistii la dhamaystayna waxuu mahadiyay Allaah, waxaanu yidhi; Mahad oo dhan idilkeed waxa iska leh Allaah ah kan na quudiyay ee na waraabiyay ilaa dhamaadka xadiiska.

Nebigu SCW, markuu xaasaskiisa wax la cunayo waxay iswaydaarsan jireen sheekaysi la yaab leh oo kalgacal iyo jacaylba ka muuqdo. Caasha ayaa tidhi: Rasuulka Ilaahay wuu ii yeedhi jiray markaan dhiiga caadada leeyahay si aan wax ula cuno. Laf hilib leh ayuu soo qaadi jiray oo ku dhaaran jirayin aan wax ka cuno. Markaas ayaan wax ka goosan jiray oo iska dhigi jiray. Inta uu qaato ayuu wax ka cuni jiray, isagoo halkii aan afkayga saaray isna ka goosanaya hilibka. Markaas ayuu cabitaan na waydiin jiray, markaan u keeno ayuu ku dhaaran jiray in aan ka hor cabo. Markaan wax ka cabo ayaan iska dhigi jiray oo isna qaadan jiray isagoo afkiisa saaraya halkaan afkayga saaray.

 

 

 

 

Salaada Habeenkii (Cishaha)

Nebigu SCW, waxuu ku nagaan jiray gurigiisa ilaa salaada cishaha la eedaamo. Salaadan markaaba sooma bixi jirin si uu u tujiyo. Waxuu sugi jiray inta dadku soo wada gaadhayaan masaajidka. Hadii ay dib dhacaan, salaada dib ayuu u yara dhigi jiray. Salaada cishaa’iga waxuu dib ugu dhigayay si dadku waqti wanaagsan ugu helaan waxii danahooda ah ee gacanta ay ku hayaan xilligaas, ugana soo gaadhaan jamaca.

Habeen ayaa Bilaal aqiimay salaadii cishe. Nin ayaa istaagay oo ku yidhi nebiga. Rasuulkii Ilaahay waxaan rabaa in aan kula hadlo. Markaas ayuu nebigu SCW istaagay oo la hadlay ninkii.  Dadkii ayaa sugay iyagoo taagan oo yara dareemay daal. Nebiguna salaadii ayuu ka dhigay mid fudud balse waxba kama bedelin tartiibteedii iyo tayadeedii.

Habeen kale ayuu dib u dhigay salaadii cishe. Markaas ayaa Cumar u yimi isaga oo leh: Rasuulkii Ilaahayow dumarkii iyo caruurtiiba way seexdeen. Nebigu wuu soo baxay isaga oo madaxiisa biyo ka da’yaan. Biyihii ayuu dhinac isaga duway isaga oo leh: waa waqtigii ku haboonaa ee miyaydaan ka baqayn in aan arimaha idinku adkeeyo, oo aan idin faro in cishaha xilligan la tukado.

Anis Ibnu Malik ayaa yidhi:  kuma daba tukan iimaam ay salaadiisu u fududayd sida rasuulka ilaahay una tayo badnaynd. Markuu salaada ku jiro, waxa laga yaabaa inuu maqlo ilmo ooyaya oo hooyadiina ay salaada ku jirto markaas ayuu akhriyi jiray suurad gaaban, si aanay hooyadu ugu dhibtoon. Waxaanu yidhi: waxaan doonayay in aan salaada dheereeyo balse waxaan maqlay wiil yar oo ooyaya markaas ayaan soo gaabiyay, anigoo dareen u leh sida ay u warwar gelinayso hooyadii markay maqasho oohintiisa iyadoo salaada ku jirta.

 

Qaybta Hore ee Habeenkii (in the first half of the night)

Salaada Cishe ka dib nebigu SCW waxuu ku noqon jiray guriga oo sida caadadiisu ahayd ku tukan jiray labada rakcadood ee sunnaha cishaa’iga ka danbeeya. Waxogaa ayuu guriga iska fadhi jiray isagoo la sheekaysanaya xaaskiisa. waxaanay ahayd waqti qiime leh oo uu xaaskiisa la wadaago. Habeenada qaar ayuu u tegi jiray Ansaar si uu waqti ula soo joogo ama u tegi jiray Abubakar iyo Cumar, iyagoo jooga guriga Abubakar, waxaanay si dheer uga sheekaysan jireen arrimaha islaamka iyo baahidiisa. Markuu ka soo baxo way soo raaci jireen iyagoo ixtiraamaya ilaa dariiqa gurigiisa ayay soo dhowayn jireen ilaa uu soo gaadhi masaajidka.

Marka nebigu dariiqiisa soo socdo, waxuu maqli jiray qaar ka mid ah asxaabta oo akhriyaya Quraanka habeenka dhexdiisa isaga oo cod la yaab leh ku akhriyaya. Markaas ayuu inta istaago dhegaysan jiray.Habeen ayuu soo maray Abu Musa Al Ashcari oo Quraanka akhriyaya, markaas ayuu nebigu SCW istaagay oo dhageystay. Subaxdii ayuu la kulmay Abu Musa oo ku yidhi: Abu Muusoow xalay aad ayaad ugu farxi lahayd hadaad arki lahayd sidaan u dhegaysanayay quraanka adigoo akhriyaya, waxaad leedahay cod la yaab leh oo midkii Nebi Daa’uud oo kale ah.

Habeen ayuu tegay masaajidka si uu u arko Cabdulaahi Ibnu Mascuud oo u taagan salaad habeenka dhexdiisa. Waxaanu akhriyay xilligaas suurada Al Nisaa. Markaas ayuu nebigu istaagay oo dhegaystay.Abubakar iyo Cumar ayuu ku yidhi; qofkii doonaya inuu quraanka u akhriyo sidii uu ku soo degay, ha u akhriyo sida Ibn Umm Cabdi oo kale (waa Ibnu Mascuud). Markuu masaajidka soo gaadhay ayuu si diiran u salaamay cod qof soo jeedaa maqli karo balse qof hurdaaku toosin. Inta badan masaajidka waxa seexan jiray dad faqiir ah, nebigana waxaa caado u ahayd inuu salaamo marka uu masaajidka soo galo.

Marka uu ka tago guriga si uu u seexdo, waxuu soo qaadi jiray go oo ku gogli jiray meesha uu seexanayo dusheeda, dabadeedna lugaha la geli jiray si uu u huwado. Maryahiisa oo ahaa laba shay (mid sare iyo mid hoose) wuu iska saari jiray isaga oo meel saari jiray. Halkaas ayuu kula seexan jiray xaaskiisa. Sariirtiisu waxay ahayd furaash ka samaysan harag gudahana laga buuxiyay walxo, sidoo kale barkimadiisa uu la wadaago xaaskiisa iyaduna isku walxo ayay ka samaynaayeen furaashka.Cadaygiisa waxuu dhigi jiray barkimadiisa hoosteeda si uu u isticmaalo marka uu soo tooso. Markuu soo tooso, waxa ugu horaysa ee uu samayn jiray waa isaga oo cadayda. Markuu cadayga dhamaysto ayuu Caasha siin jiray cadaygiisa oo intay iyaduna ku cadayato haday ku dhamaysto way maydhi jirtay oo siin jirtay. Had iyo jeer, cadaygu waxuu ahaa waxa ugu dhow ee mar walba u wehelka ah si uu ugu cadaydo. Nebigu SCW waxuu sheegay, inuu ka baqayo in uu ilkihiisa qaar ka soo dhacaan sababtuna tahay cadaygiisa oo badan. Nebigu SCW waxuu jeclaa in mar walba ilkihiisu nadiif ahaadaan, maadaama uu Malaa’iigta la hadli jiray. Nebigu SCW, muu cuni jirin midhaha diirka leh iyo khudrada sababtuna waxay leeyihiin ur xoogan. Hadii wax laga waydiiyo waxuu odhan jiray: waxaan ka xishoodaa Malaa’iigta Ilaahay ee ma aha cunto la ii diiday ee kaliya waxaan isaga joojiyay waxaan la hadlaa qaar aydaan idinku la hadlin.

Nebigu SCW habeenkii marka uu waxoogaa u sheekeeyo xaaskiisa si kalgacal leh isuna waydaarsadaan sheekada, hadiiba u baahdo xaal rag way isu tegi jireen, hadii xaaskiisu caadada heshayna, taasi may sababi jirin inuu iska fogeeyo ee way la seexan jirtay, keliya waxuu fari jiray xaaskiisa in ay maro isku nadiifiso.Umm Salamah ayaa tidhi: Waxaan ahaa mid la jiifta nebiga sariirtiisa, markaas ayaan helay dhiigii caadada, waxaan ka soo baxay go’ii dusha naga saaraa oo kacay. Markaas ayuu nebigu i waydiiyay? Ma xilligii ayaad ku jirtaa? Waxaan idhi; haa, waxaan ku jiraa xilligii dumarku ay lahaayeen. Waxuu yidhi; taasi waa mid Ilaahay dumar oo dhan ka simay. Waan kacay oo waxii igu waajibka ahaa sameeyay oo ku soo noqday. Nebiga ayaa yidhi: soo dhowow oo go’a hoostiisa soo gal.

Nebigu intaanu seexan wuu sii maydhan jiray sidaas oo kalena wuu wayso qaadan jiray oo sidaas ku seexan jiray. Markuu jiisfsado waxuu odhan jiray; Ilaahay ayaa mahad leh na siiyay cuntada badan iyo cabitaanka, sidoo kalena na siiyay hoyga. Dad badan ayaan haysan cunto ku filan iyo hoy midna. Markay xaaskiisa isu tagaana habeenkaas, markuu tooso wuu maydhan jiray. Waxaanay isaga iyo xaaskiisu ku maydhan jireen biyo keliya oo gacmaha la gelinayo. Waxay xaaskiisu ku odhan jiray; wax biyaha ka mid ah ii reeb, isna sidaas oo kale ayuu ku odhan jiray. Taasina waxay ina tusaysaa qiimaha xidhiidh ee ka dhaxeeyay xaasaskiisa. Markaasayuu hurdo isu diyaarin jiray oo gacmihiisa intuu isu keeno ku akhiriyi jirayaayaadka soo socda oo ah aayat Kurs, laba macuudatayn iyo ikhlaas, waxaanu marin jiray jidhkiisa isaga oo ka bilaabaya madaxiisa. Saddex jeer ayaanu sidaas samayn jiray.

Nebigu SCW ducooyin kale ayuu akhriyi jiray inta uu jiifo. Waxa ka mid ahaa: Ilaahayow adigaa ah rabbiga samooyinka todobada ah, dhulka iyo rabbiga carshiga wayn leh. Rabbiga wax kasta.Allaah midka kala dhambala xabada qamadiga ah iyo khudrada. Allaah midka soo dejiyay towraad, injiil iyo quraanka. Ilaahayow waxaan kaa magan galay shar dhamaantii, foodayduna gacantaada ayay ku jirtaa. Allow waxaad tahay midka u horeeyay wax kaa horeeyayna ma jirin. Waxaad tahay midka u danbeeya wax kaa danbaynayaa majiro. Waxaad tahay midka muuqda wax kaa sareeyaa ma jiro. Waxaad tahay midka qarsoon wax kaa shisheeyaana ma jiro.naga bixi daynta, nagana nabadgali faqriga.Waxa kale oo nebigu SCW akhiriyi jiray suuradaha:Al-Sajdah,Al-Mulk, Al-zumar, Al-isra. Markaas ayuu seexan jiray. Markuu hurdo dheer ku jiro, neeftiisa waa la maqli jiray. Hadii habeenka dhexdiisa uu u kaco xaajo, markuu soo noqdo ayuu cadaygiisa la soo bixi jiray oo ilkihiisa cadayi jiray, waxaanu hurdi jiray ilaa habeen badhka, xilligaasina waxay ahayd waqtiga ugu dheer ee nebigu hurdo seexdo.

 

Habeenka badhtankiisa

Marka la gaadho habeenka badhtankiisa, in yar ka hor ama in yar ka dib, nebigu SCW wuu kici jiray oo soo fadhiisan jiray isaga oo wejigiisa ku masaxaya gacantiisa si uu isaga kiciyo raadkii hurdada. Waxuu soo qaadan jiray cadaygiisa oo ilkihiisa iyo afkiisa ku nadiifin jiray. Markaas ayuu indhihiisa cirka ku eegi jiray isagoo aamusan una kuur galaya abuurta Ilaahay ee samooyinka iyo quruxda ka muuqata,isaga oo daymada kaga boganaya ayuu akhriyi jiray Aayaadka Quraanka ah ee soo socda ee Alla Cimraan;

(190)Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh. (191)   Ee ah kuwa ku Xusa Ilaahay Taagni iyo Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo odhanaya) Rabiyow Umaad Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay Ee naga kor yeel Cadaabka Naarta. (192)   Rabiyow adigu ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin Gargaar. (193) Rabiyow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Rabiyow noo dhaaf Dambiyadayada Asturna Xumaantayada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican). (194)Rabiyow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane. (195)   Wuxuu ku Ajiibay Rabigood Anagu Ma dayacno Camal Mid Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal waana Abaal marin Rabigaa Xagiisa ah, Rabigaa agtiisaana Abaalmarin Wanaagsani tahay.(196) Yeyna ku Dhagrin ka Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka). (197)   Waa Raaxo Yar kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol.  (198)   Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Rabigood waxay mudan Jannooyin ay dureeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khayr roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan). (199)   Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Ilaahay iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuci Eebe kumana Gataan aayaadka Ilaahay Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajrigooda Rabigood Agtiis, Ilaahayna waa Deg degtaa Xisaabtiisu. (200)   Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo Samirtama kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Rabigiin waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane.

Nebigu SCW markaas ayuu soo qaaday qarbad ay biyo ku jiraan oo inta weel waxogaa kaga shubay ku waysaystay isaga oo biyaha aad u beekhaaminaya, waxaanu soo qaatay labadiisii maro oo xidhay isaga oo iska qaaday maraduu huwanaa. Sidaas ayaanu ku bilaabi jiray salaadii habeenimo (Salaatu Al-leyl)

Waxuu salaada habeenkii ee sunnaha ah ka horaysiin jiray waxogaa ah waynayn Ilaahay iyo duco ah. Caasha RC ayaa werisay; marka nebigu kaco habeenkii waxuu toban jeer ku celin jiray odhaahda ereyadan; Allaahu Akbar, Al xamdlilaah, Subxaanallah wabixamdihi.Subxaanamalik Al Quduus, Astaqfurilaah, laa ilaaha ila Allaah, markaas ayuu toban jeer odhan jiray;Ilaahayow waxaan kaa magan galay cidhiidhiga aduunka iyo adayga maalinta qiyaame. Markaas ayuu salaadiisa bilaabi jiray.

Salaada habeenka dhexdiisa waxuu ku bilaabi jiray laba rakcadood aad u fudud soona gaabiyo, taasina waxay ahayd markuu cid tujinayo balse marka uu keligii tukanayo waxay ahaayeen qaar aad u dhaadheer oo cid kula mid ahi aanay jirin. Salaadaha habeenkii ee sunnaha ah waxay ahaayeen qaar uu aad ugu fogaado akhrinta quraanka iyo taagnidaba. Taasina waxay ka turjumaysay sida ilaahay ugu sheegay quraanka dhexiisa inuu habeenka niska danbe ugu cibaadaysto.(Nabiga) Isduuduubayow. Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee. Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar. Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican, (Al-Muzamil 73 1-4).

Markaynu milcisano habka tukashadiisa habeenkii, waxay ahayd qaab la yaab leh oo uu dhamaan maskaxdiisa, jidhkiisa, dareenkiisa iyo qalbigiisaba u jeediyo kuna foognaado la socodka salaada. Waxaad moodaysay inuu daalacanayo carshiga Ilaahay oo la hadlayo. Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato Nebigeena Muxamed SCW waa midka markii la dheelmiyay ay todobada janno albaabadoodu isu fureen.waxuu run ahaan u gaadhay malko iyo maqaam sare oo uu dareemo qalimaanta xukunka allaah markay qorayaan waxa markaas dhacaya.Nebi Muxamed waxuu ahaa midka ugu ogaal iyo aqoon badan awoodaha iyo jiritaanka Allaah.taasna si run ah ayuu uga hadlay markuu  nebigu SCW yidhi:Waxaan ahayn midka idiinku cabsi badan idiinkuna ogaal badan Ilaahay xagiisa.

 

 

Socodka habeenka intiisa danbe

Nebigu SCW waxuu bixi jiray habeenka niska u dambeeya si uu salaada subax ugu diyaar garoobo. waxuu mar tegay guriga inantiisa Faadumo iyo ninkeeda Cali Ibnu Abu Daalib. Markaas ayuu u dhawaaqi jiray isagoo leh: miyaydaan u toosayn salaada. Cali ayaa sheegay mar inuu ugu jawaabay: Rasuulkii Ilaahayow waxaan u tukanaynaa waxii nalagu faral yeelay. Naftayaduna gacanta Ilaahay ayay ku jirtaa oo haddii allaah doono inuu na soo nooleeyo, waa mid awood u leh. Cali ayaa sii waday oo yidhi: markaan sidaas idhi nebigu SCW ilama hadal ee wuu iska socday. Markaas ayaan maqlay nebiga oo sii socda isaga oo leh: Waxaan u tukanaynaa kuwa nalagu faral yeelay. Markaas ayuu raaciyay: dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan, Al-Kahf (18:54)

Geeridiisa ka hor, Nebigu SCW waxuu habeenkii soo booqan jiray xabaalaha Baqiic.waxaanu u ducayn jiray dadka xabaalaha ku aasan. Markii ugu horaysay uu sidaas yeelo waxay ahayd marka ay Caasha werinayso; habeen uu nebigu guriga ila joogay, ayuu maradii xaga sare ku xidhnaa iska qaaday, kabihiina aayar iska bixiyay oo jiifsaday. Markaas ayuu ila jiifay ilaa uu u maleeyay in aan seexday, markaas ayuu si qunyar ah u xidhay maryihiisii sidoo kale kabihiisii xidhay oo albaabka aayar furay oo baxay iina sii xidhay albaabka isagoon wax sanqadh ah samayn. Aniguna si degdeg ah ayaan uga daba kacay, anigoo xidhay maryahaygii oo madaxayga daboolay waanan daba galay. Nebigu SCW waxuu tegay xabaalaha Baqiic oo waxogaa taagnaa, markaas ayuu sadex jeer gacmihiisa kor u taagay oo soo jeestay. Aniguna waan soo jeestay oo socodka dedejiyay. Waxuu u socday dhakhso, aniguna dhakhso ayaan u socday,wuu gucleeyay, aniguna waan gucleeyay,xawaarihii ayuu kordhiyay, aniguna waan kordhiyay. Anigaa ka dheereeyay oo gurigii uga soo horeeyay. Waan neef tuuray markaan sariirta fuulay. Isna markuu soo galay ayuu dareemay, markaas ayuu yidhi: maxaa kugu dhacay, Caasha? Waxaad tahay qof neef tuuray? Waxaan ku idhi waxba ma jiraan. Waxuu yidhi: ii sheeg ama Ilaahay ayaa ii sheegi doona oo ah Ilaaha ogaalka ah ee u cilmi leh wax kasta.Waxaan ku idhi; rasuulkii ilaahayow waxaad iiga qaalisan tahay qof kasta oo leh. Markaan uga sheekeeyay warkii oo dhan ayuu yidhi, ma gudcurkii iga horeeyay ayaad raacaysay? Waxaan ku idhi haa. Markaas ayuu laabta iga gujiyay hal mar isaga oo leh:miyaanad ka baqayn in ilaahay iyo rasuulkiisu ka raali ahayn taas? Markaas ayaan idhi:  wax kasta oo dadku qariyo ilaahay ayaa og. Haa, sidaas ayaan sameeyay. Markaas ayuu yidhi: Jibriil ayaa ii yimi markaan kacay oo ii yeedhay, isagoo iskakaa qarinaya. Waan u jawaabay oo sidaas adigana kaaga qariyay.ma soo gelayo qolkaaga markaad maryaha dhigato. Waxaan filayay inaad seexatay, mana jeclaysan in aan ku toosiyo aniga oo ka baqay inaad keli dareento. Jibriil waxuu ii sheegay amarka Ilaahay in aan tago Baqiic oo u duceeyo dadka ku aasan.Caasha RC way sii waday: waxaan Nebiga waydiiyay, sideen ugu duceeyaa dadka xabaalah? Waxuu igu yidhi: waxaad tidhaa, Nabedgelyo Naxariista Ilaahay korkiina ha ahaato dadka muuminiinta iyo muslimiinta ee halkan ku jirow, idinku waad socoteen anaguna waan idin daba soconaa oo idiin iman doonaa. Waxii waqtigaa ka danbeeyay nebigu SCW habeen walba wuu tegi jiray xabaalaha Baqiic. Waxaanu odhan jiray; nabadeglyo korkiina ha ahaato dadka muumuniinta ahow, waxaad la kulanteed waxii la idiinku yaboohay, berri ayaad sugaysaan anaguna waa idiin imanaynaa Insha Allah. Ilaahayow u naxariiso dadka ku jira xabaalaha Al-Baqiic Al Jarqad.

Xilligaas waxay ahayd waqtigii geeridiisu soo dhowaatay oo islaamkuna ku baahay dunida meelo badan. Nebigu SCW waxa u iman jiray wafuud fara badan oo meelo fogfog uga iman jiray iyo careebiya oo dhan. Markaa waxa la yaab ahayd dhaqanka Nebigeena SCW ee iyadoo islaamkii guulo iyo furashooyin badan sameeyay aanay taasi haba yaraatee ilowsiin dadkii dhintay ee diinta u soo shahiiday ee ku jiray Xabaalaha Al-Baqiic. Taasina waxay marag cad u tahay in nebigu cadaalad iyo si siman u ixtiraamayay asxaabtiisa mid nool iyo mid dhintay.

 

Hurdada ka horaysa waaberiga

Inta badan saacadaha habeenku markay jeestaan ee qaybta ugu danbaysaa hadhoahna lix meelood marka habeenka loo qaybiyo meel ahaan, nebigu waxuu ku noqon jiray sariirta oo yara nasan jiray ka dib taagni dheer oo habeenka intiisa badan uu u tukanayay sidii Ilaahay faray.Nebigu SCW wuu yara seexan jiray hurdo gaaban si uu isugu diyaariyo salaada Subax. Saacada ka horaysa dilaaca waaga, nebigu SCW wuu yara seexan jiray sida ay Caasha sheegtay: Marka nebigu SCW ila joogo guriga habeenkaas, waxuu ahaa mid seexda saacada ka horaysa waaberiga. Waxaana nebiga kicin jiray eedaanka salaada subax.

 

Gebo-Gebo iyo Gunaanad

Waxaan aad ugu hanwaynay qof kasta oo akhriya kitaabkan oosi naxariis leh noogu soo gudbiya waxii qaladaad naga dhacay ee aanaan u badheedhin balse si farsamo ahaan ah aan u galay si aan u saxno. Qof kastaana talo ayuu u baahan yahay. Markasta oo aan helo toosin iyo aqoon dheeraad ahna waxay inoo sahlaysaa in aan xusuusano aayadaha quraanka ah ee ilaahay ku suntay kitaabkiisa:Hadii ay wax kaa waydiiyaan ruuxda (nafta nebiyow), ku dheh “ruuxdu waa arrimaha Rabigay. Dadkana lama siin cilmi in yar mooyee”(Isra 17:85)

Qoraalka lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp