Mundu / Heis/Xiis 1th – 5th century Ce

Magaalo Xeebeeda Xiis/Heis oo ku taal Bariga Somliland ee gobolka xadaarada iyo qadiimka Ataarta ee Sanaag, waxay ka mid tahay xeebaha ugu caansan ee kulaalaya Badda-cas, waxayna leedahay taariikh fac-weyn oo ku taxan Bugaag badab oo laga qoray Geeska Afrika,

Magaalada Xiis/Heis, waxa kasoo jeeda dad badan oo halgankii geyiga Soomaalida iyo Somaliland taariikh weyn kiu lahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Ahmedkeyse Haji Dualeh Abdalla, oo horraantii toddobaadkan ku geeriyooday Arizona of the United States, isagoo ahaa 98 jir, Michael Mariano, Mohamed Ali Farah and Dubbe Ali Yareh, isla markaana hoggaanka u qabtay halgankii gobanimadoonta Somaliland horraantii kontonaadkii, isla markaana si weyn magacyadoodu ugu faafeen geyiga Soomaalida iyo dunida kaleba.

Buurta ku xayndaaban Xiis

Marka la eego taariikhyanada aduunka ee wax ka qoray Magaalada Xiis/Heis, oo ay u yaqaaneen Roman kii iyo Greekgii hore Mundus (Μούνδος Ancient Greek } waxay bogcad mihiim ah u ahayd xidhiidhki ganacsi ee dhex mari jiray ( Roman Egypt iyo Africa ilaa Hindiya) lagasoo bilaabo badhtamihii qarnigii 1aad sida lagu sheegay buuga lagu Periplus of the Erythraean Sea.


Sida ku qoran buuga The Voyage around the Erythraean Sea socdaalada ganacsi ee kasoo bilaabmijiray Mussel Harbor [=Myos Hormos] ee ku wajahana xeebaha hindiya waxay wakhti ku sii qadan jireen magaalda heis iyagoo isricmaali jiray buurta (macajilayn) oo ah buur ku dhextaala badda ,taaso u sahlaysay inay kaga gabbadaan dabaylaha si fududna wax ugu dejiyaan ugana rar taan xeeliga badda . heis waxa ku yaala goobo taarikhi ah markhaatina u ah ilbaxnimada ganacsi ee bulshadii deganayd xiis waxana ka mid ah goobaha buurta SALWEYN oo ay ku wareegsanyihin dhagaxaan loo kooxeeyey xayn xayn.


Baadhitaan u sameeyey nin la odhan jiray Revoil (1882) oo u qoday midkamida dhagaxaanta la kooxeeyey waxa laga helay agab qadiimi oo ay ka mid ahayeen baquli lagu qiyaasay inay laheeyn Roman ki hore laguna qiyasay in la sameeyey qarnigi 1aad iyo jajab quraarado iyo agab kale oo lo tiriyey in lagu farsameeyey magaalada Samos ee carriga Greek ga, alaabta kale ee goobta laga helay waxa ka mid ahaa weel loomalaynayo in lagu farsameeyey Aswan (300-500 CE) iyo Nubia (500-600 CE) sida ku xusan buuga The Periplus Maris Erythraei iyo buuga Glass from Quseir Al-Qadim and indian ocean trade.


Mundus/Heis waxay qayb katahay taarikhda buuga tixraaca u ahaa socdaalada badda ee lagu magacaabo (Periblus) oo qiyaas ahan la qoray qarnigii 1aad kuna qoraa luuqada greek ga sida ay shegan taarikh yahanadu oo ay isticmaali jireen bad-maaxyada u kala gooshi jiray masar ilaa hindia.

Magaaladan oo ah mid Istiraatiiji ah, isla markaana taariikh facweyn oo leh deegaan hoddon ah, maaha mid maqaalo kooban lagaga sheekayn- karo taariikheedada, iyadoo dadka deegaankaa xadaaradii ay lahaayeen iyo dhaqankoodii ay si weyn u amaaneen sahamiyayaashii geeska Afrika, sida lagu xardhay Buuga uu qoray Richard Burton 1856 (First footsteps in East Africa) tallaabadii u horraysay ee Bariga Afrika.

Yasin Cali Shire