Nairobi (ANN)-Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa Qasrigiisa madaxtooyadda ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) iyo wefdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya.

War-saxaafadeed kooban oo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cigge (Deyr) soo saaray wuxuu ku tilmaamay kulanka mid muhiim ah, oo labada hoggaamiye isla qaateen arrimo baddan.

Labada hoggaamiye Madaxweynaha Kenya Dr. William Ruto iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ), ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, isagoo intaa ku daray in labada dhinac waxyaabaha ay ka wada hadleen  ay ka mid ahaayeen kuwan hoos ku qoran.

Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto oo Qasrigiisa madaxtooyadda ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) 29 May 2025

𝟏. Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.

𝟐. Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

𝟑. Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda Hay’addaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfaddaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.



Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku qotoma taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Aadan Cigge (Deyr) .

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/