Araweelo News Network.

 “Waxaan siin doonaa Giriiga baabuurta dagaalka ee lugta Jarmalka,” Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz

Berlin (ANN)-Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, ayaa Khudbad uu u jeediyay Bundestag wuxuu ku sheegay in Jarmalku uu gaadhsiin doono Ukraine gantaalaha nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee loo yaqaan IRIS-T.

Olaf Scholz Hogaamiyaha Jarmalku, wuxuu sheegay in iyadoo la kaashanayo nidaamyadan, Ukraine ay noqon doonto  in ay hesho meel ay ka difaacdo magaalo weyn, wxuuna nidaamkan awood u siinaya in aannay weerarrada cirka ee Ruushku noqon kuwo guulaysta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Jarmalku uu wacad ku maray in uu Ukraine siin doono radaar-ka dabagalka ee awoodda u leh in lagu ogaado raadka cadawga, madaafiicda iyo gantaalaha.

Laxidhiidha: Midawga Yurub Oo Ku Kala Qaybsamay Qaadacaada Saliida Ruushka Iyo Go’aanka Durba Ragaadka Ku Eryay EU

“Berlin waxay diri doontaa gantaalo baddan oo Ukraine u baahantahay, iyada oo la kaashanaysa Maraykanka.” Ayuu yidhi, Olaf Scholz.

 Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in nidaamyadan aan loo isticmaali doonin in lagu beegsado dhulka Ruushka, balse ay noqonaayan kuwo ay ku difaacaan dhulkooda oo keliya.

Dhinaca kale, Wakaaladda wararka ee Jarmalka DPA,  ayaa ku warantay in Berlin ay qorshaynayso in ay u dirto Ukraine afar ka mid ah qalabka wax soo saara, iyada oo Maraykanku uu tababarayo askarta Ukraine si ay u isticmaalaan hababka casriga ah ee hubka iyo qalabka loo dirayo.

Hoggaamiyaha Jarmalku waxa kale oo uu ku dhawaaqay in Jarmalku u diri doono Giriiga Gawaadhida Jarmalka ee dagaalka, gaar ahaan kuwa lugta, isagoo xusay in tani ay u ogolaanayso dawladda Athens in ay markaas usoo dirto hubkii Soofiyeedka Ukrain.

 “Waxaan siin doonaa Giriiga baabuurta dagaalka ee lugta Jarmalka,” Scholz ayaa u sheegay suxufiyiinta. Wallow aannu caddeyn nooca gaadiidka ay Berlin u diri doonto Giriiga iyo nooca hubka loo gudbin doono Kyiv.

Dalalka Yurub, gaar aahan Jarmalka, ayaa lagu caddaadinayaa inuu Urkarine u diro hubka casriga ah, isagoo dhawr jeer ka dhawaajiyay, balse waxa muuqata in aannay weli waxba ka hirgelin, iyadoo ruushku ka digay in ay fuliyaan balanqaadka hubka Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub iyo weliba Maraykanku, isla markaana uu tallaabo cawaaqib xun uu ka dhasho ay noqon doonto.

Balanqaadka Jarmalka iyo Maraykanka oo marar baddan ay sheegeen in hub casri ah ay u dirayaan Ukraine, ayaa cabsi weyn abuuray, kaddib markii hanjabaado kulul iyo weliba dhoolatus gantaalo casri ah oo aannu weli isticmaalin uu sameeyay, kuwaas oo cabsi geliyay Maraykanka iyo xulufadiisa.

Dhinaca kale, waxa jiro dooddo ka taagan guddaha Maraykanka iyo Jarmalka oo la xidhiidha hubka  ay madaxda dalalkaasi sheegeen in loo diro Ukraine, iyadoo dooddaha iyo su’aalaha la xidhiidha arrimaasi yihiin kuwo aan laysku waafaqsanayn guddaha labada dal, isla markaana waxa sii kordhaya digniinaha ruushka eek u waajahan hubka Maraykanka iyo Jarmalku ku balanqaadayaan in ay usoo dirayaan Kyiv, iyadoo weli ruushku sii wado dagaalka oo guulo isdaba joog ah uu ka gaadhayo muddooyinkii u danbeeyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com