Araweelo News Netwok

Hargeysa(ANN)-Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi Daba-gale, ayaa ku hanjabay in ay Booliska is waajahayaan cid walba oo khal-khal nabadgelyo ka wada dalka, maadaama ay masuuliyad ka saarantahay amniga qof walba oo muwaadin ah.

Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi, oo ka hadlayay dhawaaqyo kasoo baxay mucaaradka oo ay kaga jawaabayaan mawqifkooda ku waajahan dhammaadka muddada Madaxweyne Muuse Biixi oo ay sheegeen in aannay u aqoonsanayn Madaxweyne wixii ka danbeeya 13 November 2022.

 

Hase yeeshee, Taliye Maxamed Sanqadhi, oo ka hadlayay xaaladda cusub ee mucaaradku ka dhawaajiyeen, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Somaliland masuul ka yihiin nabadgelyada qof walba oo muwaadin ah, sidaa awgeed aannay aqbalayn wax qalalaase iyo amnidaro dalka ka dhacda.

Taliyaha, ayaa xusay in aannay Boolisku cidna dhibaato u geysan, isla markaana ay mushahar u qaataan lacagta cashuurta ah ee laga soo qaado Hooyada Cadceedda fadhida iyo qof walba oo cashuur bixiye ah, sidaa awgeed ay masuuliyad ka saaranatahay sugista amniga iyo ilaalinta sharciga oo aannay qofna ku dhaafayn madax iyo minjo cidii sharciga ku xadgudubta.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa shacbiga Somaliland ka codsaday inay kala shaqeeyaan nabadgelyada sidii ay horeba ugala shaqayn jireen.

Muuqalkan Hoose ka Daawo Taliyaha Oo Ka Hadlaya Arrimahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com