Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Odayasha dhaqanka, waxgaradka aqoonyahanka iyo dhalinyarada, ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa soo dhoweeyay masuulka cusub ee Madaxweyne Bixii  Badhasaabka ugu magcaabay gobolka Sanaag.

Badhasaabka cusub Axmed Cabdi Muuse Warsame  oo caan ku ah (Axmed is-deber), ayaa xilkaa loo magcaabay, akddib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag, Maxamed  Cilmi Xuseen (ina Cilmi Huuno), kaas oo xilka ku magcawnaa dhawr bilood oo keliya.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka,”ayaa lagu yidhi, wareegtada lagu socodsiiyay masuulka xilka hore u hayay.

Dhinaca akle, Madaxweyne Bixii ayaa xilka Badhasaabka gobolka sanaag u magcaabay Axmed Cabdi Muuse Warsame  oo caan ku ah (Axmed is-de;del), isla markanaa ka mid ah dhalinyaradda aqoonyahanka gobolkaSanaag kuwa ugu firfircoon, waxaana munaasibad ballaadhan kusoo dhoweeyay Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haweenka gobolka Sanaag, kuwaa oo Madaxweynaha uga mahadceliyay magcaabista Badhsaabka cusub xmed Cabdi Muuse Warsame  oo caan ku ah (Axmed is-de;del).

Xilka qaadista badhasaabkii hore iyo badhsaabka cusub waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Bixii oo ku taariiikhaysan: 01/12/2021.

“Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 Sida ku xusan wareegtada madaxweynaha, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu go’aansaday in xilka guddoomiyaha Gobolka Sanaag u magacaabay Axmed Cabdi Muuse Warsame in maanta laga bilaabo uu ahaado Badhasaabka Gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxa wareegtada xilka lagaga qaaday masuulkii hore ee Badhasaabka gobolka Sanaag, Maxamed  Cilmi Xuseen (ina Cilmi Huuno) oo Madaxweyne xilkaa u magcaabay Sep 2021.

Badhasaablii hore, ayaa dalka dibadiisa ku maqnaa markii xilka loo magcaabay, wuxuuna hore u ahaa  Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com