Hargeysa (ANN)- Mudanayaasha Gollaha Wakiilada Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa qorshaynaya   mooshin lagu doonayo in si rasmi ah loo joojiyo wadahadada u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, wallow ay sannadii u danbeeyay ku jireen hakad.

 

Hase yeeshee xilligan Xukuumadda cusub ee Somaliland qorshaynaysay inay dib u bilawdo wadahadalada, balse booqashada ra”iisal wasaaraha Somalia ee dawladda Federaalka Xamse Khayre ku yimi Laascaanood oo ka tirsan Soamaliland, isagoo sheegay innay maamul goboleed u Aqoonsayaan maamulka SSC ee Khaatumo, taas oo Somaliland u aragtay mid xad-gudub ku ah qaranimada madaxbanaanida dhuleed ee Somaliland. iyadoo xukuunadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) kaga jawaabay in xukuumaddii joojinay wadahadaladii Soomaaliya.

 

Mooshinka ay xilligan qirshaynayaa gollaha Wakiiladda Somaliland waxa  soo gudbiyay xubno ka tirsan Gollaha Wakiilada, waxaana loo  gudbiyay la taliyaha sharciga ee Gollaha Wakiiladda si uu u waafajiyo sharciga iyo habraacyada mooshinkan ka hor inta aan loo gudbin golle weynaha si ay go’aan uga gaadhaan.

Dhinaca kale, xukuumadda Federaalka ee Villa Somalia ayaa kulan ay ugu yeedhay wadatashi qaran ku qabatay Muqdisho , iyadoo aannay ka qaybgelin. Maamul goboleedyada Puntland  iyo Juba lanad oo aan ka xaadirin shirka. Iyadoo maamulka Muqdisho ee Villa Somalia lagu canbaareeyay qaabka ay u maamuleen kulanka ay ku magcaabeen wadatashiga qaran , waxayna dawladda Maraykamku si cad u sheegtay in wixii kasoo baxay Shirka aannu ahayn mid shaqaynaya oo ay dalalka dhaqaalaha ku bixiya taageerada dawladda Soomaaliya aannay aqoonsanayn..

 

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/