Sidee Buu Madaxweyne Cirro U Tafsiiray Safarkiisa Nairobi Iyo Socdaaladii Dublamaasiyadeed Ee Gobolka?
 
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayay ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland  Maxamed Cali Aw Cabdi, Wasiirro, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Masuuliyiin kale.
Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa markii ay soo gaadheen Qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey, Shirguddoonka labada Aqal, Xildhibaanno, xubno kamid ah Gollaha Wasiirrada, Madax-dhaqameed, Ganacsato, haween iyo mudan kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
(Cirro), ayaa ka hadlay guullaha safarkiisa iyo waxybaanaha looga baahanyahay bulshada, isagoo tilmaamay in shaqooyin baddan u yaaliin Somaliland, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo hawlaha baddan ee sugaya qaranka, taas oo uu sheegay innay tahay sida keliya ee lagu gaadhi karo aqoonsiga ay Somaliland doonaysay 34-kii sanadood ee u danbeeyay.
Madaxweyne Cirro, wuxuu  hoosta ka xarriiqay in safarkii Nairobi oo ay marti ugu ahaayeen Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, laga soo hooyey guul weyn oo Taariikhi ah, taas oo kor u qaadday meeqaamkii Somaliland, isla markaana ay heleen saaxad ay dunida inteeda kale ugu soo bandhigaan horumarka, Dawladnimada iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale, ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo mudda
xileedkiisa la doortay, isagoo tilmaamay in aannu diyaar u ahayn wax aan ahayn doorashada uu ku yimi kursiga.
“Wax baddan ayaynu ka qabanay guddaha, laakiin waxa ka baddan hawsha inoo taal, waxaynu kaga gudbi karaa inaynu u midawno qadiyadeena si aynu inagoo midaysan u raadino aqoonsiga.” ayuu yidhi, Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha oo ka hadlay safarkiisa, wuxuu sheegay in ujeedada ay isaga wediga uu hoggaamiyanayaa safarkaa Kenya ay ka lahaayeen suurtagalay , muadadii ay ku sugnaayeen, wuxuu tilmaamay in hawlaha ugu waaweyn ee ay qabteen ay ahayd in Nairobi laga furo xafiiska Somaliland.
Mar uu ka hadlayay madaxdii ay la kulmeen wuxuu soo qaatay kulanka dhexmaray Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ay ka wada hadleen arrimo baddan, “Kulanka Madaxweynaha Kenya William Ruto,  wixii aanu ka wada hadalay waanu isku afgaranay.” ayuu yidhi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka warbixiyay safarkiisa markii uu maanta kusoo laabtay dalka.
Waxa ugu mudnaa hay’addaha kale ee dalka Kenya ee aanu la kulanay Baarlamaanka Kenya labada aqal, isagoo si gaar ah Madaxweynuhu u xusay kulanka Nairobi ku dhexmaray beesha caalamka, wuxuuna tilmaamay in waxyaabaha sida weyn dunidu ugu soo joogsanay ay ugu danbeeyeen doorashooyiinkii Nov 2024, iyo weliba tallaabooyinka dhanka amniga ee ay xukuumaddiisu qaaday sida heshiiskii ceel-afweyn iyo in hubka laga dhigo ciidamadii mediga ahaa iyo weliba tirakoobkii ciidamada qaranka oo dunidu wax weyn u aragto in xukuumadda Somaliland wax baddan qabatay oo sumcad ay kaga kasbatay beesha caalamka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)), wuxuu sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo aqoonsiga Somaliland, wuxuuna xusay innay booqashadiisa dalalka gobolka uu hore u booqday Djibouti iyo safarkiisa ugu danbeeyay ee Kenya, balse ay qorshaha ugu jirto inuu booqdo Ethiopia oo ah wadan sida uu sheegay Somaliland u leh ahmiyad weyn.
“Guddaha waxaynu ka qabanay wax yar, waxa inoo dhiman wax baddan, waxa inaga dhiman waxaynu ku qaban karaa midnimada iyo nabada, Somaliland waxay ku iibsamaysaa labadaa, shacbiga waxan uga mahad naqayaa innaynu dalka nabad kusoo celinay inagoo gamcaha is haysana, ictiraafkana insha Allah inagoo gamcaha is haysana ayuu imanayaa. laakiin xukuumaddu keligeed kuma filna ee qof walba oo muwaadin ah waa inuu ka hawlgalaa Ictiraafka Somaliland, ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna isagoo ka hadlaya mudda-xileedka dastuuriga ah ee la doortay,  yidhi, “shacbigayga waan uga mahad celinayaa inay Madaxweyne ii doortaan, waxaanse u sheegayaa waxa i doorateen shan sanadood ee maalin laygu dari maayo.”
Muuqaalkan Ka Daawo Hadalka Madaxweynaha 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo waftigii uu hogaaminaayey ka hor intii aannay kasoo boqoolin dalka Kenya, wuxuu Madaxweynaha Somaliland kulan la yeeshay Siyaasiga Caanka ah Raila Amolo Odinga, kaas oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya, isla matkaana tiraba u tartamay Madaxweynaha Kenya Afar doorasho.


Raila Amolo Odinga ayaa hoyga uu ka deggen yahay Nairobi kulan sharafeed sagootin ah ugu sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey.
Sida uu ku sheegay qoraal kooban oo Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Aadan Cigge (Deyr), Intii uu socday kulanka ayaa labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Kenya iyo sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen xagga dhaqaallaha, isku socodka, aqoonta iyo arrimaha isteraatejiga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhankiisa waxa uu si mug leh ugu mahad naqay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee uu Siyaasiga Ruug-cadaaga ah ee Raila Odinga, kaas oo xidhiidh taariikhi ah iyo saaxiibtinimo la leh dadka iyo dalka Somaliland, isagoo marar baddan taageeradiisa mabda’a ku dhisan ee uu muddada dheer la garab taaganaa rabitaanka ummadda Somaliland, isla markaana ah siyaasi faham weyn u leh  qadiyada iyo mawqifka gaarka ah ee Somaliland.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Raila Odinga u xaqiijiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay adkaynta amniga iyo xasilloonida, iskaashiga iyo is-dhexgalka nabadeed ee Gobolka Geeska Afrika.


Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Khayraadka badda (Ministry of Mining, Blue Economy and Maritime affairs) ee dalka Kenya Hon. Hassal Ali Joho. ayaa madaarka Magaalada Nairobi kasoo sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayey oo maanta soo gabo gabeeyey safar shaqo oo ay ku joogeen dalka Kenya waxaa madaarka diyaaradaha ee Nairobi ku soo sagootiyay. 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/