Hargeysa(ANN)- Fadhigii Shirka Gollaha Wasiirada Somaliland ee 21-aad ee shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Ajendaha Fadhigii 21-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL qodobada maanta mudnaanta lahaa waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ) ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Golaha Wasiirrada JSL waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.

๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca
Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa. Wasiirradu waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradaha Maaliyadda iyo Macdanta iyo Tamarta ay si wadajir ah u dejiyeen Hagaha Dakhliga Khayraadka, si loo ogaada xaddiga Dakhliga ka soo xerooda macdanaha kala duwan ee dalka.

๐Ÿ‘) ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฃ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ฎ๐ฃ๐š๐š๐ฃ๐๐š

War bixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Xujaajda Somaliland ee Sannadkan, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Wadaiirku waxa uu Golaha u sheegay hab-sami-u-socodka arrimaha Xajka iyo Xujaajta reer Somaliland ee sannadkan Xajka tagay, isaga oo sheegay in ay jiraan caqabado door ah oo Qaran ahaan inaga haysta xagga qoondada Xajka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay ku hawlan tahay qorshayaal hor leh oo u sahli doona in ay JSL gebi ahaanba maamusho arrimaha Xajka iyo Xujaajda.

๐Ÿ’) ๐ƒ๐ก๐จ๐จ๐Ÿ๐ค๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐จ๐ฅ;

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyey hab-sami-u-socodka Dhoofka Xoolaha isaga oo sheegay in dhaq-dhaqaaqa Dhoofka xooluhu uu si wanaagsan u socdo, Sayladaha Xoolaha ee Burco iyo Hargeysana uu iibka Xooluhu si xawli ah u socdo. Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xooluhu
waxa uu guud mar ku sameeyey tirada Xoolaha Nool ee ka Dhoofka Dekadda Berbera (Adhi, Lo’ iyo Geel) iyada oo aanay haba yaraatee jirin xoolo dib u soo noqday. Wasiirku waxa uu Golaha u soo jeediyey in la wanaajiyo oo la tayeeyo guud ahaanba nolosha Xoolaheena nool, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.

๐Ÿ“) ๐” ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ฌ๐š๐ง๐ง๐š๐-๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“-๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa Golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan dadaalladii ugu dambeeyey ee Diyaargarowga Imtixaannada Shahaadiga ah fasallada 8-daad (Hoose/Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiyada Sare) ee sannad-dugsiyeedka 2025-ka, isaga oo sheegay in waqtiga loo muddeeyey Imtixaannada gadaal laga soo sheegi doono. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu ay qaaday olole ballaadhan oo Ardayda lagaga wac-yigelinayo waxa loo yaqaano “QISHKA”. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in QISHKU uu halis ku yahay tayada Waxbarashada dalkeena, sidoo kalena uu dilo kalsoonida Ardayga. Sidaa darteed, Wasiirku waxa uu sheegay in aa loo dul qaadan doonin gebi ahaanba Qishka. Wasiirku waxa uu ka codsaday Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Warbaahinta in kala hawl galaan Wacyi-gelinta cidhib-tirka Qishka.

๐Ÿ”) ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š:

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Golaha warbixin ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee Tallaalka carruurta yar yar, iyada oo laga tallaalayo saddexda cudur ee kala ah: Jadeecada (Measles)
Dabaysha (Polio)iyo Oof-wareenka (Pneumonia). Wasiirku waxa uu sheegay in hawlahaasi ay wanaagsan u socdaan, isaga oo ka codsaday Wasaaradaha Waxbarashada, Warfaafinta iyo Diinta iyo Awqaafta in ay ka gacan siiyaan Wacyi-gelinta Bulshada ee faaโ€™iidada Tallaalku uu u leeyahay koritaanka iyo feyo-qabka carruurteena.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Fadhigii 21-aad ku soo afmeeray hadallo dardaaran ah oo la xidhiidha in Wasaarad walba ay xil iska saarto gudashada hawlaha muhiimka ah ee ay Qaranka uga masuulka yihiin.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

 

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us onย Twitter@Araweelonews

Follow us onย /instagram@araweelonews

Follow us on TikTokย /ย Tiktok.com/@araweelonews

Follow us onย /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channelย https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos:ย https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channelย AraweeloTvย To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/