Hargeysa (ANN)- Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa lagu soo gunaanaday shirka nabadaynta si loo soo afjaro Collaada muddada dagaalka sanadood ka jirtay deegaanka ee u dhaxaysay laba qoys oo wallalo, ehel iyo Ood-wadaag ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah usoo afmeeray Shirweynihii Nabadaynta Beelaha walaalaha ah uga socday deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag kaas oo ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad taariikhi ah.
Shirweynahan Qaran ee nabadda Ceel-Afweyn ayaa waxa Madaxweyne-ku-xigeenka kala qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, maamulka Gobolka Sanaag, Culimaa’udiin dalka, hoggaannada Axsaabta Siyaasadda Qaranka, Xildhibaanno, wax-garad, Salaadiin, garaaddo iyo Aqoonyahanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo lagu soo saaray go’aamo wax ku ool ah oo si hufan looga baaraan degay.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa gunaanadkii Shirka ka jeediyey khudbad qiimo badan oo dhinac-yo badan taabanaysa, isaga oo u mahad-naqay reer Ceel-Afweyn iyo cid walba oo ka shaqaysay nabadda la soo xidhay ee Ceel-Afweyn, waxana uu yidhi:
https://www.facebook.com/share/v/1EX5ZzvwQm/
“Waxa aan doonnaynaa CeeL-Afweyn isku dan ah, isku dareen ah oo isku duruuf ah, balse aan kala dano iyo kalla doodo ahayn. Waxa aan jecelahay Ceel-Afweyn aan dhexdeeda dagaal iyo dil ka dhicin, waxa aanu doonnayaa in la arko Ceel-Afweyn oo la dagaalamaysa colaadda iyo dirirta tolka, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.”
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in sababta loo doortay ay tahay isaga iyo Madaxweynaha in ay Bulshada u horseedaan nolol iyo horumarka oo ay saldhig u tahay nabaddu. Waxa xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah in aniga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan, sababta dadkayagu codka noo siiyeen ay tahay in aan dadkayaga aannu nolol u samayno, noloshana waxa saldhig u ah nabad, nabaddana waxa adkaynayaa waa dawladnimo iyo sharciga.”
Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenka JSL ayaa dar-daaran dhaxal-gal ah u guntay reer Ceel-Afweyn, isaga oo yidhi:
“Dardaraankaygu waa in aan la arkin mar dambe oo aanay dhicin Ceel-Afweyn oo ay curadadeedu is dilayaan, oo aanay dhallinyaradu hubka isku urursan, haweenkuna waa in aanay asay madaxa saarin mar dambe, waa in aad gacmaha isku qabsataan nabada iyo horumarka Ceel-afweyn.”
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.