Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sat, Jan 25th, 2020

Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Oo Booqasho Ku Yimi Hargeysa Iyo Ujeedada Safarkiisa

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti Muumin Axmed Sheikh Sacad iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Xubnaha Wefdiga oo maanta madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa kasoo degay, waxa halkaa ku qaabilay oo soo dhoweeyey xubno ka mida golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale.

Ujeeddada socdaalkooda wefdiga, ayaa lagu sheegay in ay u yimaadeen howlo khaas ah oo la xidhiidha tacsida Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo khamiistii ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, marxuumkaa oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland. sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaashaan-dhiga  Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale oo Madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti Muumin Axmed Sheikh Sacad iyo Wefdi uu hoggaaminayo, 25 Jan 2020 Araweelo News Network.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale oo Madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti Muumin Axmed Sheikh Sacad iyo Wefdi uu hoggaaminayo, 25 Jan 2020 Araweelo News Network.


Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa tilmaamay in booqashada weftigu ku kooban tahay tacsida ay xubnaha weftigu soo gaadhsiiyeen Qoyska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ay Wasiirka reer Djibouti iyo Odayaasha la socday ay qaraabo dhow yihiin.
“maanta halkan waxaan ku soo dhaweynaynaa wefti ka socda Dalka Djibouti oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha oo socdaal gaar ah inoogu yimi, waxaanay u yimaadeen in ay ka soo qaybgalaan tacsida Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, xildhibaankeenii Alle ha naxariistee, markaa waa soo dhoweynaynaa waana ka tacsiyadaynaa geerida marxuumkaas qaranka ka baxay” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.


Xubnaha weftiga ayaan dhankooda ka hadalin safarka ay ku yimaadeen Somaliland, walw ay jiraan warar sheegaya in aanay ka maydhnayn arrimo siyaasadeed, dhawr bilood ka hor Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ay weheliyaan saraakiil xisbiga KULMIYE, ah ayaa booqasho ku tegey dalka Djiboti, waxayna la kulmeen Masuuliyiinta sare ee xukuumadda Djibouti oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Djibouti oo waqtigaa balan-qaaday inuu booqasho ku iman doono Magaalada Hargeysa, balse booqashadaa ayaa dib u dhacday sababo aan la ogayn, walaw lala xidhiidhiyay xaallado xilligaa taagnaa oo la xidhiidhay muran u dhexeeyay ganacsade Axmed Cismaan Geellle iyo Xukuumadda Djibouti.

AKHRI: Maxaa Kasoo Baxay Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Oo Kulan Albaabada Loo Xidhay La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Dhinaca kale, booqashada maanshiyaha weftigan, ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii u dambeeyey la hadal hayay mashruuca xadhig Cable Internet-ka xambaaran ee Cable-ka DARE1, oo ay Djibouti sheegtay inay u jiidayso dhinaca Soomaaliya, isla marlaana sii marinay Magaalada Berbera, sidoo kale ay u sii gudbin doonto Magaalada Boosaaso.

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp