Minnesota, US, (ANN)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, isla markaana dhowaan ka mid noqotay mudanayaasha Golaha wakiiladda u metelaya Xisbiga Dumuqraadiga, ayaa jawaab ka bixisay baaq Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald John Trump usoo jeediyay oo ahaa inay is casisho.

 Donald  Trump oo khilaaf weyn u dhexeeyo golaha wakiiladda oo aqlabiyadiisa ay ku guulaysteen xisbiga Dumuqraadiga, markii doorashii dhexe ee November 2018, isla markaana lagaga adkaaday xisbigiisa Jamhuuriga, ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday Ilhan Cumar iyo Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeeda  Palestinian , kuwaas oo noqday labadii ugu horeeyay ee Haween Muslim ah ee ka mid noqda golaha wakiiladda ee Maraykanka.

Xildhibaan Ilhan Cumar, wuxuu Madaxweyne Trump ugu baaqay inay is-casisho amma ay iskaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee aqalkaa, balse waxay jawaab ka bixisay baaqa Mr Trump, iyadoo tidhi, “Waxaad la timi naceyb, waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimi Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeyga uu noolashoodu saameeyay ee adigu gormaad wax ka baran?”.

Ilhan, waxay weedhahaa kooban ee ay ugu jawaabtay Madaxweyne Trump, ku qortay barta ay ku leedahay Twitter-ka, waxayna sidoo kale aad uga soo hor jeedsatay Ergayga Madaxweyne Trump u magacaabay in uu noqdo Ergeyga u qaabilsan dalka Venazuela, iyadoo su’aal gelisay sida loo aamini karo Mr. Elliott Abrams oo loo magacaabay dalka Venazuela oo qalalaase siyaasadeed ay ka taagan yihiin.

Ergayga Madaxweyne Trump magcaabay, Mr. Elliott Abrams oo hor tegey guddiga arrimaha dibadda ee golaha Wakiiladda oo Ilhaan ay ka tirsan tahay,  waxay sheegtay in aannay garaneyn sababta guddigaasi iyo shacabka Mareykanka ba ay u aamini karaan ninkan, madaama bay tidhi, uu horay ugu lug lahaa dhibaatooyin ka dhacay dalka Elsalvador oo hore ay uga dhaceen dagaalo sokeeye iyo arrimo la xidhiidha dalka Iraan.

Elliott Abrams oo ah diblomaasi ruug cadaa ah, isla markaana laga ixtiraamo Mareykanka, wuxuu hore  na ula soo shaqeeyay madaxweynayaashii hore ee Ronald Reagan iyo George W. Bush, ayaa si weyn uga cadhooday hadaladii Ilhaan Cumar ku durtay magcaabistiisa.

“Sannadkii 1991 waxaad qiratay in laba goor aad aqalka Kongreska ka qarisay maclumaad la xidhiidhay ku lug lahaanshaha  fadeexaddii dalka Iraan, mana garanayo sababto caddeyn walba oo aad maanta bixiiso ay run ku noqon karto”. Ayay weydiisay Ilhaan Cumar  Mr. Elliott Abrams markii uu guddida hortegey.

Madaxweyne Trump, ayaa yidhi, “Ilhan Cumaar hadalkii ay tidhi, waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska,  ama ay ugu yaraan iskaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,”

Arrinta muranka xilligan ee Madaxweyne Trump iyo Ilhan, waxay sii xoogaysatay markii lhaan Cumar ay sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in gudoomiyaha Kongreska, Haweenayda Nancy Pelosi oo ay isku xisbi yihiin ka dalabtay Ilhan innay  raali geli ka bixiso, balse Madaxweyne Trump, ayaa sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay ahayd mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeedhay Ilhaan uu yahay mid ay si weyn ay u aaminsan tahay, waxayna sheekada muranka Madaxweyne Trump iyo Ilhan markaa kadib noqdeen mid si weyn warbaahinta dunida loogu qaadaa dhigo, balse lama ogga halka ay xiisadani u ku danbaynay.