Araweelo News Network

Wasiirka Wersheddaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse

Wasiirka Wersheddaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse


Hargeysa (ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in la bilaabayo sidii loo kicin lahaa, loogana shaqaysiin lahaa warshaddii Sibidhka ee Berbera oo tan iyo intii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanida la soo noqotayba fadhiday.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in xukuumadda iyo ganacsatadu isla garteen in laga shaqaysiiyo Warshadda Sibidhka, kadib kulamo laga yeeshay arrintan, isla markaana si degdeg ah arrintaasi loo gudogali doono.
“Xukuumadda waxa ka go’an in warshadii Sibidhka la dhaqaajiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo hirgeliyo, wax khilaaf ama isku haysata oo dhibaato ahina iminka ma jirto, sidoo kalena ganacsatadana way ka go’antahay in la kiciyo warshadda, markaa dawlad iyo ganacsataba way isku raacsan yihiin hirgelinta warshadda,” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb oo khadka telefoonka ugu warramay telefishanka la yidhaa Soomaali News xafiiska uu ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirka oo la waydiiyey inay jirto cid ilaa hadda la siiyey maalgashiga Warshadda Sibidhka, waxa uu ku jawaabay, “Wax saamiyo ah oo cid la kala siiyey ma jirto weli, laakiin waxaannu haynaa iminka lix ilaa toddoba hindise (proposal) dadka doonaya inay maalgashadaan ah, wixii faahfaahin ah ee arrimahaas la xidhiidhana waxa la waydiin Wasaaradda Warshadda. Waxase la isla gartay in la kiciyo oo cid walba ka go’an oo ganacsatada iyo shacabkuba way doonayaan.”
“Markaa arrintu waxa weeye yaa wax inoo qabanaya ama kambanigee ugu fiican, taas ayaanu ku jirnaa iminka ee weli cid la siiyey ma jirto, laakiin sida ugu dhakhsaha badan baynu doonaynaa in loo dhammaystiro arrintan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Ganacsiga Somaliland.