Hargeysa (ANN)-Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagu soo qaaday xaaladda amniga, dhaqaallaha iyo marxalada xilligan lagu jiro iyo weliba diyaargarawga munaasibada maalinta
18 May ee sannad-guuradii
35aad ee xuska maalinta ay Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda 18 May 1991 shirkii Burco.
Shirka oo maantaย ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay arrimo baddan, ayaa ahaa mid aannay saxaafaddu goob joog ka ahayn, balse Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland yaa markii uu dhamamaday fadhigu kasoo saartay war-saxaafadeed.
“Fadhigan ayaa ahaa mid si weyn loogaga arrinsaday Xuska iyo Weynaynta
18-ka May oo ah Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL, gudaha dalka iyo daafaha caalamkaba.
Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada waxa hoosta laga xarriiqay in
18-ka May ay ku suntan tahay Maalinta Dareen-wadareedka Midnimo iyo Wadajirka Shacabka qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba.
Ajendaha Fadhigii 20-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL qodobada maanta mudnaanta lahaa waxa ka mid ahaa:
๐) ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Golaha Wasiirrada JSL waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo
shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.
๐. ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta
cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐ก, ๐๐๐๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ-๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฐ๐๐๐ง๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mudane Maxamed Yuusuf Cali (oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL) ayaa Golaha Wasiirrada JSL warbixin waafiya ka siiyey marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen saddex arrimood ee kala ahaa: Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, Nabadaynta Ceel-Afweyn iyo Diwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada; arrimahan oo run ahaantii ahaa kuwo Qaranka JSL u lahaa muhimmad gaar ah. Wasiirku waxa uu sheegay in ay jireen caqabado door ah oo ka horyimid, hawlahaasina ay ahaayeen kuwo u baahnaa ku dhac iyo geesinnimo. Wasiirku waxa uu sheegay, gargaarka Allah SWT ka sokow, in Madaxweynaha JSL uu ahaa ka mar walba la garab taagnaa go’aan adag iyo wax kasta oo ay hawlahaasi ku hirgeleyaanba.
๐) ๐๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey xanuunka Jadeecada oo ka dillaacay qaar ka mid ah Gobollada dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay juhdi iyo dedaal badanba gelinayaan sidii xanuunka Jadeecada loo xakamayn lahaa. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay bilaabayso wacyigelinta bulshada iyo dar-dar gelinta tallaalka carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5 sannadood.
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Mudane Saciid Maxamuud Buraale ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay safar shaqo oo isaga iyo team-kiisu ay ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Dubai, kadib casuumad rasmi ah oo ay u fidisay Shirkadda Caalamiga ah ee
Maamulka Dekedaha DP World. Wasiirku waxa uu sheegay in uu halkaa ku soo arkay arrimo cashar iyo waayo-aragnimo laga baran karo oo la xidhiidha qaabka uu dal u horumari karo.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ฎ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐ ๐๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐-๐ค๐ ๐๐๐ฒ:
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha siiyey warbixin la xidhiidha hab-sami-u-socodka u diyaargarowga Xuska Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-raacyada iyo hab-maamuuska sannadkan loo qorsheeyey Xuska Maalinta Qaran. Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan Wasaaradda Waxbarashadu ay door muhiim ah ku leedahay u diyaargarowga 18-ka May, iyaga oo ardayda Dugsiyada dalka si weyn ugu baraarujiyey
Xuska 18-ka May.
๐) ๐๐ข๐๐๐๐ฆ๐ค๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ-๐๐๐๐๐๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐:
Golaha Wasiirrada JSL waxa ay mar kale
Fadhigii 20-aad kaga doodeen Nidaamka Maamul-daadejinta Dawliga ah (decentralization) ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan: 1) Maamul-daadejin Siyaasadeed; 2) Maamul-daadejin xagga Maamulka ah; iyo 3) Maamul-daadejin Miisaaniyadeed.
Dooddii Golaha Wasiirradu waxa ay dhammaantood hoosta ka xarriiqeen in Maamul-daadejintu ay awoodaynayso goโaan-qaadashada heer deegaan, isla markaana ay xoojinayso isla-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta bixinta adeegyada bulshada ku habboon.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa doodii Golaha Wasiirrada fadhiyadii
19-aad iyo 20-aad, waxa uu Golaha faray in arrinta Maamul-daadejinta loo baahan yahay in loo saaro Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada iyo khubaro aqoon u leh mawduucan, iyadoo lagu salaynayo tilmaamaha Dastuurka Qaranka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us onย Twitter@Araweelonews
Follow us onย /instagram@araweelonews
Follow us on TikTokย /ย Tiktok.com/@araweelonews
Follow us onย /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channelย https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos:ย https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
@araweelonews
Araweelo News Network.
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channelย AraweeloTvย To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
Araweelo News Network.
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ย