#Araweelo_News_Network.

 

Washington (ANN)-Digniino ka digaya heerka kulka oo si weyn sare ugu kacay Maraykanka, ayaa looga digay in ka badan 113 milyan oo Maraykan ah, kuwaas ayaa ku hoos jira digniino kulayl aad u daran, iyadoo heerkul aan kala joogsi lahayn uu sii socdo.

Qalalaasaha cimilada sii xumaanay, ayaa lala xidhiidhiyay innay sababta kaxaynaysa, isla markaana gubinayso ay tahay maadada ku shidaalka ee (fossil fuels), taas oo khuburadu ay sheegeen innay samaynayso kulayl waara, shan jeer ka baddan, waxaana meelaha si weyn looga dareemay ka mid ah gobolo ay ka mid yihiin Texas, Arizona, iyo Mexico, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen waaxda falanqaynta Cimilada ee Maraykanka.

 

Warbixinaha lagu dabaacay boggaga hore ee warbaahinta Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Digniinaha In ka badan 113 milyan oo Maraykan ah khamiistii iyo Jimcihii lagu soo wargeliyay kulaylka iyada oo ay jiraan heerkul naf-gooyo ah oo ka dhacay qaybo badan oo dalka ah.

 

Meelaha ugu daran ayaa ah Koonfurta iyo koonfur-bari, kuwaas oo kulaylka khatarta ah ee aan joogsiga lahayn la saadaaliyay inuu sii socdo ugu yaraan toddobaad kale ka dib heerkul saddex-god oo joogto ah bishii la soo dhaafay ee Jun 2023.

 

Khuburada ayaa saadaaliyay in aagga ballaadhan uu la kulmi doono heerkul dhan 110 darajo Fahrenheit (43.3 Celsius), marka la isku daro kulaylka iyo huurka, sida ay sheegtay waaxda adeegga Cimilada Qaranka ee Maraykanka.

 

Waxaana jira nasasho yar oo habeenkii ah maadaama kulaylku ba’an ee Gacanka Mexico iyo Badweynta Atlaantiga ay ka qayb qaadanayaan qoyaan dheer. Qabow la’aanta habeenkii waxay kordhisaa halista caafimaadka, sida ay ku sheegeen digniinta saraakiisha caafimaadka oo dadweynaha farriimo digniino ah u diraya.

 

Sidoo kale Kulayl aad u daran ayaa ka sii socda dhanka galbeed, waxayna u baddan tahay in la arko diiwaanada heerkulku hoos u dhacay usbuucan, sida ay sheegtay Adeegga Cimilada Qaranka ee loo soo gaabiyo (NWS).

 

Laakiin qaybo ka mid ah California ayaa looga digay innay u diyaar garoobaan heerkul aad kulul oo noqonaya kan ugu kulul sannadka illaa hadda, sida ay soo werisay waaxda NWS.

 

Gobollada ugu khatarta baddan, ayaa lagu sheegay warbixinaha innay noqnayaan Dooxada Dhexe ee California, gobollada lamadegaanka Mojave iyo Sonoran, iyo Koonfurta California, Nevada, iyo Arizona oo ay ku jiraan magaalooyinka Las Vegas, Phoenix, Bakersfield iyo Fresno.

 

 

 

Heerarka sare xilliga duhurnimada ayaa inta baddan la filayaa inay ka sarreeyaan 100F (37.7 C), iyo meelaha saxaraha ah, kuwaas oo la saadaaliyay innay gaadhi karaan 120F (48.8 C), sida ay sheegeen saadaaliyayaash oo yidhi.

“Kulaylku wuxuu noqon doonnaa mid aad khatar u ah oo keeni kara dhimasho,  iyadoo ay ugu wacan tahay xoogga, cimri dhererka, iyo bilawga xagaaga ee qabow,  taasoo laga yaabo inay xaddiddo awoodda dadka si ay ula qabsadaan cimilada xagaaga ee caadiga ah ee gobolkan,” saadaaliyayaashu ayaa dadweynaha u diray digniin ay ku yidhaahdeen, sidan:-

“Fadlan sida ku habboon u qorshayso, xilligan maaha waqtigii aad lugayn lahayd,  ama aad dibadda joogi lahayd muddo dheer,” sidaa waxa bartiisa twitterka soo dhigay Xafiiska NWS ee Los Angeles.

 

“Haddii aad u baahan tahay innaad dibadda ka shaqayso, saacadaha u beddel subaxda hore, nasasho baddan qaado oo ha fuuq bixin”ayaa lagu yidhi, digniinta.

 

Calafornia gudaheeda, gobolku wuxuu xasuusiyay loo shaqeeyaha xeerarka caafimaadka iyo badbaadada, taas oo macnaheedu yahay shaqaallaha bannaanka ka shaqaynaya loo baahanyahay in la siiyo biyo, hadh iyo nasasho joogto ah, si ay u qaboojiyaan.

Sidoo kale, waxaa jira dhawr arrimood oo ilaalin ah oo loogu talagalay shaqaalaha bannaanka ee qaybaha kale ee koonfurta oo ay ku jirto Texas.

 

Kulaylka aadka u ba’an iyo xaaladaha qalalan ayaa sidoo kale sii kordhinayay khatarta dabka duurjoogta ah ee Gobolka Dahabka ah ee leh wakaaladda dab-damiska, (Cal Fire), taas oo soo tebisay tiro dab ah oo la shiday tan iyo bilowgii July 2023.

Xilligan dalalka Yurub waxay ku jiraan kulayl aad u daran, oo lagu magacaabo Cerberus, iyada oo diiwaanka heerkulku uu jabay dalalka France, Switzerland, Germany iyo Spain.

 

Khuburada ayaa sheegtay in 11 July 2023, heerkulka oogada dhulku wuxuu dhaafay 140F (60C) meelaha qaar ee (Extremadura), Spain halka 13 dal ay weli ku jiraan khatarta heerkulka oo dhaafay 40C (104F).

 

Tusaale ahaan toddobaadkan, Giriiggu wuxuu soo bandhigay shaqo joojin khasab ah galabtii, iyadoo heerkulku kor u kacay 40C (104F).

 

Marka la eego Caalamka, Jun 2023, wuxuu jebiyay Kulaylku rikoodhka xad weyn, iyadoo toddobaadkii labaad ee July uu ahaa kii ugu kululaa ee abid la diiwaan geliyo. Sidoo kale, waxaa lagu daray heerkul sare oo Badda ah oo aan horay loo arag waxaana la diiwaan geliyay barafka Antarctica oo hooseeya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com