#Araweelo_News_Network.

 

 

Muqdisho(ANN)-Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa dhegeystay dacwaddo la xidhiidha masuulyiin lagu eeddeeyay musuq-maasuq, iyadoo maxkamaddu maanta bilawday maxkamadaynta qaar ka mid ah saraakiil hoose oo u shaqaysa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dawladda federaalka, kuwaas oo loo xidhay musuq-maasuq.

Sidoo kale, dhegeysiga Maxkaamadda oo ahaa mid furan waxa ka qaybgalay ehelada iyo saaxiibada saraakiisha la xidhay, iyadoo warbaahinta oo si toos ah u duubanaysaya dacwaddaha ka socday Maxkaamadda gobolka Banaadir ay goob joog ka ahayeen si ay bulshadda ugu gudbiyaan.

Toddobaadkii hore ayaa xeer ilaalinta Soomaaliya waxay eedo musuq-maasuq ah usoo jeedisay 18 ka tirsan saraakiisha dawladda ee ka shaqeeya maaliyadda, canshuuraha iyo socdaalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud, ayaa akhriyay eeddaha xeer-ilalaintu kusoo oogtay Afarta masuul oo ka mid ahaa saraakiisha laanta Socdaalka, kuwaas oo eeddaha loo soo jeediyay ahayeen musuq-maasuq iyo ku takrifal.

Hase yeeshee Looyarada difaacayay eeddaysanayaasha ayaa ganafka ku dhuftay eeddahaa, iyagoo ku dooday in aannay eeddaha xeer-ilaalintu ahayn kuwo waafaqsan sharciga, isla markaana qodobada ay cuskatay aannay ahayn kuwo khuseeya dacwaddaha loo haysto eeddaysanayaasha.

Markaa kaddib guddoomiyaha maxkaamadda ayaa sheegay in aannay waxba ka jirin doodda looyarada difaacayay eeddaysanayaasha, wuxuuna muddeeyay mar kale dhegeysiga dacwadda la xidhiidha musuq-maasuqa ee loo haysto masuuliyiinta Laanta Socdaalka.

Todobaadyadii u danbeyay Xeer-ilaalinta Qaranka, ayaa sheegtay inay eeddaymo musuq-maasuq u haysso masuulyiin sare oo dawladda Federaalka ka tirsan kuwaas oo qaarkood dalka ka maqan yihiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com