Tirada Maraykanku U Adeegsay Voto Power Qaraarada Gollaha Amaanka Ee La Doonayay In Lagu Xakameeyo Israel

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

#Araweelo_News_Network.

Middle East (ANN)- Maraykanka oo si badheedh ah ugu taageeraya Israel xasuuqa ay ka wado Qaza ee loo geysanayo shacabka Falastiin, ayaa ciyaaraya siyaasad laba wejiilayn ah.

Iyadoo goor sii horaysay Maraykanku ku hor istaagay codka diidmada qayaxan qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  ku dalbanayay in xabad joojin laga sameeyo Qaza, balse wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken saacado kaddib bilaabay dhaqdhaaq dublamaasiyadeed oo gobolka ah.

Antony Blinken, wuxuu dalkiisa Maraykanku ahaa midka kaliya ee lagaga soo horjeedo mooshinka ay soo dhigtay dawladda Imaaraadka Carabta ee xabdad joojinta si looga ansixiyo xubnaha gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

13 xubnood ayaa u codeeyay baaqa ah in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka. Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka aamustay Codbixinta, taas oo la qabtay  Maraykanka kaddib markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Guterres uu ka digay colaadda Qaza oo khatar ku ah ammaanka caalamiga ah, xasiloonida iyo dhaqaallaha aduunka.

 

Saacadihii lasoo dhaafay markii ay guuldaraysatay soo jeedinta qaraarka xabbad joojinta Qaza, Antony Blinken Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka oo safar ku maraya gobolka ayaa kulamo la yeeshay  wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Fidan.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X “Twitter” wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen dhigiisa Arrimaha Dibadda Turkiga  dadaallo sida uu sheegay lagu hubinayo in colaadda Qaza aannay kusii faafin gobolka iyo wuxuu ugu yeeshay bixinta gargaarka bini’aadantinimo.

“Unkara waxay xooga saartay muhiimada ay leedahay in la ansixiyo ku biiritaanka Iswedan ee NATO iyada oo aan dib loo dhigin.” ayuu yidhi, Antony Blinken.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo ay ku jiraan 57 xubnood, oo 56 ka mid ah sidoo kale ay yihiin dowladdaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, iyadoo 48 dowladood ay yihiin wadamada aqlabiyadda muslimka ah.

Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee uu la kulmay Blinken, wuxuu ku xusay bariisa “X” innay ka mid yihiin,  Masar, Jordan, Qatar, Saudi Arabia, Turkiye, iyo Maamulka Falastiin, balse Imaaraadka Carabta oo ahaa dalka dabada ka waday qaraarka uu Maraykanku adhaxda ka jebiyay ee gollaha Amaanka ayaan ku jirin dalalka uu xusay ee  la kulmay Blinken, wuxuuna ku tilmamay kulanka mid ay kaga wada hadalneen dadaallo uu sheegay in lagu daboolayo baahiyaha bini’aadantinimo ee Qaza.

“Waxaan ka wada hadalnay yoolkayaga aan wadaagno ee ah in la dhiso dawlad mustaqbalka Falastiiniyiinta ah oo garab istaagta Israel.” ayuu yidhi, Blinken, iyadoo dhammaan kulamadan kusoo beegmeen saacado kaddib markii Maraykanku diiday qaraarka gollaha amaanka ee la doonayay in lagu joojiyo dagaalka iyo xasuuqa ay Israel ka wado Qaza ee shacabka Falastiin. Sidaa awgeed waxay dhadhaaqyada Maraykanka ee gobolku noqdeen kuwo uu ku mashuulinayo dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta ee daawanaya xasuuqa ka socda Qaza, kuwaas oo Maraykanku bilawgiiba ku taageeyay Israel, isla markaana taageero Millateri iyo hub ku siiyay Israel.

Ka sokow kaalmada dhaqaale iyo Millateriga, Maraykanku siiyo Israel, wuxuu sidoo kale siiyaa taageero siyaasadeed oo aad u ballaadhan, isagoo adeegsanaya codka diidmada qayaxan ee (Veto power), wuxuuna qaraarka u danbeeyay Jimcihii uu hor istaagay ee gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee la doonayay in lagu jiijiyo dagaalka Qaza ee Israel iyo Xamaas.

Codka qayaxan, ayuu ku hor istaagay Maraykanku  43 jeer oo ay Gollaha Amaanka ee Qaramada ku cambaareeyeen Israel, kaas oo noqonaya wadarta guud 83 jeer oo ay abid intii uu jiray gollaha Amaanku ee ay jireen Qaramada Midoobay Maraykanku adeegsaday.

Russia USSR, ayaa sidoo kale, waxay isticmaashay codka diidmada qayaxan 121 jeer, Boqortooyada UK, ayaa adeegsatay 29 jeer codka diidmada qayaxan, China 17 jeer, halka Faransiisku adeegsaday 16 jeer. 26 April 2022, Gollaha Guud wuxuu qaatay qaraar lagu xallnayo oo la xidhiidha dood ku saabsan arrintaa markii Qaraarada Gollaha Amaanku noqdeen kuwo aan waxba ka socon oo lagu jebiyo codka diidmada qayaxan ee (Veto power) oo ay dalalka awoodda u leh ku dhex tuuraan Gollaha Amaanka, taas oo noqotay caqabad weyn oo biyo col dhaanshay ka dhigtay qaraarada la doonayo in ay ka dhalata ciqaab marka ay dalalka lagu soo saaraa u hoggaansami waayan.

lease share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com