#Araweelo_News_Network.

Ankara(ANN)-Dhulgariir, ayaa mar kale ku dhuftay Turkiga, iyadoo uu jiro khasaare aan si dhab ah looga warhayn oo baaxad leh, waxayna warar hordhaca ah sheegayaan in dhulgariirku ku dhuftay gobolka xadka u dhexeeya Turkiga iyo Suuriya, halkaas oo laba toddobaad ka hor uu dhulgariir aad u weyn oo sababay dhimmashada tobanaan kun ku dhuftay.

Dhulgariirka ayaa cabirkiisu dhan yahay 6.3, wuxuuna ku dhuftay gobolka Hatay ee dalka Turkiga Isniintii, kaas oo daba soday dhugariirkii gobolkaa burburiyay oo ahaa mid xooggan oo isdaba joog ah, isla markaana dhaawacay kumanaan qof, halka uu kuwo kale ku xannibay dhismayaasha burburay hoostooda.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen, halka 213 kalena ay ku dhaawacmeen, balse wuuxuu sheegay in ay jiraan dadaalo baadigoob iyo samatabbixin ah oo ka socda saddex dhisme oo dumay, kuwaas oo la rumeysan yahay in lix qof ay ku xayiran yihiin.

 

Magaalada Hatay, Booliiska ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen hal qof oo ku go’doonsanaa dhisme saddex dabaq ah, waxayna xuseen inay ku hawlan yihiin weli sidii ay usoo samatabixin lahaayeen saddex kale oo gudaha ku jira, sida uu sheegay telefishinka HaberTurk.

Sidoo kale, waxay sheegeen in dadka ku go’doonsan ay ku jiraan hawlwadeeno mutadawaciin ah oo dadka ka caawinayay in ay ka beddelaan agabka guryaha iyo agabka kale ee dhismmayaasha ku waxyeeloobay dhulgariirkii weynaa.

Dhulgariirka, ayaa xuduntiisu ahayd Koonfurta Turkiga, meel u dhow magaalada Defne, halkaas oo laga soo sheegayo warar naxdin leh, iyadoo  laga dareemay dhulgariirka meelo ka fog  Turkiga, sida dalalka Lubnaan iyo Masar.

Magaalada Antakya ee ku dhow xudunta dhulgariirka, dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in dadku ay ku miyir beeleen waddooyinka, iyadoo uu jiro burbur soo gaadhay dhismayaasha.

Shaqaalaha samatabbixinta ayaa sheegaya in dadka deggan Teendhooyinka malaayiin ka mid ah ay noqdeen hoy la’aan, kuwaas pp Teendhooyinka ay deganayeen ka cararay dhulgariirkii laba toddobaad ka hor. Sidoo kale, Magaalooyinka kale ee Turkiga iyo Suuriya ayaa laga soo sheegay dhaawacyo iyo dhismayaal dumay.

Magaalada Adana ee dalka Turkiga qof goob jooge ah, ayaa sheegay in dadku ay ka soo baxeen guryaha oo ay ku wajahnaayeen waddooyinka, iyagoo bustayaal ku sita baabuurtooda. qof walba wuxuu runtii waahay cabsi weyn oo “qofna ma doonayo inuu ku laabto guryahooda.” Ayuu yidhi, ayuu yidhi, Malaver oo ku sugan deegaanka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqday gobolka horaantii Isniintii. Erdogan ayaa sheegay in ku dhawaad 1.6 milyan oo qof ay hadda ku jiraan guryo ku meel gaadh ah, halka  ay ku naf waayeen 41,000.

 

Dhinaca kale, Hay’adda maaraynta musiibooyinka Turkiga, AFAD, ayaa sheegtay in dhulgariirka uu xuddun u ahaa agagaarka magaalada Defne ee gobolka Hatay. Balse uu xigay gariir labaad oo cabirkiisu ahaa 5.8.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com