#Araweelo_News_Network.

 

Kyiv(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah oo aan hore loo shaacin ku tegey Magaalada dagaaladu burburiyeen ee Kyiv.

 

Mr. Biden, ayaa ballan qaaday in uu sare u qaadi doono hubka uu doonayo inuu soo gaadhsiinayo dalka Ukraine, isagoo sheegay in NATO, ku midaysan tahay in aan taako dhulka Ukraine ah laga aqbalin inuu ruushku qaato.

 

Booqashadiisa oo ahayd mid si lama filaan ah u dhacday, ayuu kaga hadlay ujeedada ugu weyn, isagoo xusay in ay doonayaan sidii ay taageero ugu muujin lahaayeen Ukraine.

 

Madaxweyne Biden oo amaankiisa si weyn loo ilaalinayo, ayaa hadal uu ka jeediyay halkaa intii uu ku sugnaa Kyiv, isagoo uu dhinac joogo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy wuxuu u sheegay in Mareykanka uu usoo diri doono 500 oo milyan oo kalexidhmooyin gargaar Milateri ah oo ay ku jiraan rasaas, radaaro iyo qalab kale.

 

Dhankiisa, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadii Biden ku tilmaamay calaamad muhiim ah oo taageero u ah dhammaan dadka reer Ukraine.

 

Booqashada Biden, ayaa noqonay tii ugu horreysay ee uu ku tago caasimadda Ukraine tan iyo markii Ruushku uu billaabay duullaankiisa muddo haatan laga joogo hal sano, wallow uu marar kala duwan oo hore booqday Kyiv xilligii uu Madaxweyne ku xigeenka ahaa.

Dhinaca kale waxay booqashadiisu farriin cad u tahay sida ay Maraykanka iyo xulufadiisa uga go’antahay inay cagaha dhulka ugu xejiyaan Volodymir Zelenskyy. Sidoo  kale, waxay booqashadiisu markhaati u tahay in dagaalkii saddexaad ka socdo  gobolka oo ay Ukraine tahay goobta lagu dagaalamayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com