#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Garaadada Sool, ayaa ka hadlay Ergada u qalab qaadatay xalinta mushkilada Laascaanood, iyagoo ku dooday in aannay jirin cid lasoo xidhiidhay, balse waxay sheegeen in aannay xabad joojinta dhankooda waxba iska beddelin.

ALt: "Madaxdhaqameedka Sool" Araweelo News Network. 5 Feb 2023, Laascaanood.

Madaxdhaqameedka Sool, Araweelo News Network. 5 Feb 2023, Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa sheegay in Ergada aan weli gaadhin Laascaanood ee dhinaca Magaalada Hargeysa ka anbabaxay aannay jirin meel ay kula soo xidhiidheen iyo cid ay lasoo hadleen. Sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay in ay iska laabtaan, isagoo ku tilmaamay Ergo fashilantay.

“Annagu waxaanu leenahay ma jirto cid nala soo xidhiidhay, ama aannu wada hadlay, sidaa awgeed waxaanu leenahay iska noqda, maadaama aannay jirin cid nala soo xidhiidhay iyo cid aannu la xidhiidhnay, sidee ayaad Ergo u noqonaysaa haddii aad ka been sheegaysaan idinkoo nala soo xidhiidhin.” Ayuu yidhi, Garaad Jaamac Garaad ismaaciil.

 

Muuqaalkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com