#Araweelo_News_Network

Tehran(ANN)-Xuukuumadda Dalka Iran ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa xayiraada dhanka dal ku galka Fiisaha ka qaaday in ka baddan 33 dal oo dunnida ah, kuwaas oo aannay hore u ogolayn innay dalkeeda kusoo galaan safaro, marka laga reebo shaqsiyaad la mariyay shuruudo addag oo Ilaallada Kacaanka iyo laamaha amnigu ay xaqiijiyeen.

 

Warbixin lagu daabacay Khamiistii Wakaaladda Wararka ee Ardayda Iran  ayaa sheegtay inay  Iran qaadayso shuruudihii fiisaha ee 33 waddan, oo ay ku jiraan waddamada Khaliijka sida Sacuudi Carabiya oo dhowaan lasoo celiyay cilaaqaadkii labada dal ee xummaaday sannadihii u danbeeyay.

Xukuumadda Tehraan iyo Riyadh waxa u dhexeeyay xidhiidh aan wanaagsanayn sannado baddan, laakiin xilligii uu qarxay dagaalka Yemen iyo duullaankii Sacuudiga iyo dalalka xulluda la ahaa ayuu sii xummaaday xidhiidhka labada dal, iyadoo 2016, la deldelau Nimr al-Nimr iyo 46 culimo ah oo ku jiray xabsiyada dalka Sacuudiga.16016

markii Sacuudigu dedelaad ku fuliyay mid ka mid ah Sheekh Nimr iyo  Culimo kale oo  waaweyn oo u dhashay dalka  Sacuudigu, isla markaana  loo xidhay arrimo siyaasadeed Boqortooyadu u aragtay innay kasoo horjeedaan waxay arrintaasi sii murgisay xidiidhka labada dal oo si dhab ah u go’ay 2016.

Tehran ayaa si weyn uga cadhootay tallaabada oo ay ku tilmaantay mid sharcidaro iyo dulmi ah, taas oo noqotay mid Xiiisadda  sii korodhisay markii Boqortooyadu dedeshay Sheikh Nimir oo ahaa caalin Sacuudi ah oo mad-habta Shiicada haystay,  laakiin xilliyadii u danbeeyay waxa soo laabtay cilaaqaadka labada dal sida ay muujisay booqashadii Hoggaamiyaha Iran dhowaan ku tegey Riyadh oo ka dhalatay heshiis dalka China ka dhex sameeyay labada dal ee Sacuudiga iyo Iran.

 

“Wasaaradda dalxiisku waxay aaminsan tahay in siyaasad albaabadu u furan tahay ay muujin doonto go’aanka Iran ee ah innay la macaamilto dalal kala duwan oo adduunka ah,” ISNA ayaa sidaas sheegtay.

 

Go’aanka ayaa lagu sheegay in uu kordhin doono ilaa 45 dal ama dhul muwaadiniintooda ay booqan karaan Iran iyaga oo aan u baahnayn fiisaha.

Muwaadiniinta Sacuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa lagu daray go’aanka ah in laga tanaasulo shuruudihii dal ku galka, marka laga reebo Baxrayn, oo Tehran aannay weli xidhidh buuxa la yeelan.

 

Wakaaladda ISNA waxay baahisay  liis buuxa oo ah wadamada, oo ay ku jiraan Lubnaan, Tunisia, Hindiya iyo dhowr waddan oo ku yaal badhtamaha Aasiya iyo Afrika. Croatia oo iyadu xubin yar oo ka tirsan Midowga Yurub ah iyo NATO, taas oo ahayd xubinta keliya ee Yurub ee xulafada reer galbeedka ah

Talaabadan ayaa ah mid dhanka horumarka ah oo lagu qaboojinayo xidhiidha Iran iyo Sacuudiga oo muddo dheer xiisad siyaasadeed  u dhaxeysay labada dal oo ah kuwo ku loolamaya Shidaalka Khaliijka iyo awoodda hoggaaminta Islaamka, wallow xilligan ay si cad u muuqatay in iran baarqab ka noqotay gobolka oo ka midha dhalisay halgankeedii mudada dheer qaatay ee dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo Millateri ahaan innay tahay awood aan la dheelsan karin oo ahmiyad weyn u leh duniida.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com