sucidigaoo deldelay47Riyadh(ANN)Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga ayaa fulsiay deldelaad 47 xubnood oo ay ku jiraan Wadaado caan ah, kuwaas oo Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Sacuudiga ku dhawaaqday inay Xukun dil ah ay ku fulisay maanta 47-kaa qof oo muddo dhowr sanadood ah ku jiray xabsiyada, iyadoo Dowladdu ay ku eedeysay inay ku lug lahayeen weerarro iyo qaraxyo dalkaasi ka dhacay tobon sano ka hor.

Qoraal Bayaan ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa lagu sheegay in fulinta Xukunnadaasi ay ka dhaceen 12 goobood oo ku yaalla dalka Sacuudiga, waxaana dadka la dilay ku jira Sheykh Faaris Al-Zahraani oo ka mid ah Culimada sida looga weyn looga yaqaano dalkaasi, kaas oo Xukuumadda daba dhilifka ah ay sheegtay inuu ka tirsanaa Mujaahidiinta Al-Qaacidda.
sidoo kale waxa ku jiray Culimada la deldelay Nimr al-Nimr oo ahaa wadaad Mah’dabta Shiicada haystay oo aad loo yaqaan Mandaqada, kaas oo la xidhay sanadkii 2012kii, kaddib markii uu dhaliilay Boqortooyada Sacuudiga, balse taageerayaashiisu, waxay sheegeen in aanu marna taageerin dagaal, wuxuuna xadhigiisa horseeday dibadbaxyada Shiicada ee ka socda wadanka, gaar ahaan bobolka dhinaca bariga ee Saliida qaniga ku ah oo dadka deganu u baddan yihiin dadka haysta Mah’dabta Shiicada.

Bayaanka Wasaaradda, waxa kale oo lagu sheegay in 47-da qof ee la dilay ay ka qeyb galeen ama qorsheeyeen weerrro dalkaasi ka dhacay intii u dhaxeysay sanadihii 2003-2006, iyadoo Maxkamad Meliteri oo ku taall dalka Sacuudiga ay raggaasi ku eedeysay inay ka qeyb qaateen howl-gallo khasaare nafeed sababay oo ka dhacay gobollo kala duwan oo kuyaalla dalkaasi.
Al-Qaidada Jaziiratul Carab ayaa Bayaan ay soo saareen bishii dhowaan, waxay Xukuumadda Sacuudiga uga digeen inay ku dhaqaaqdo fulinta dil wadareed ay kula kacdo Maxaabiista Muslimiinta ah ee ku jira Xabsiyadeeda, waxayna Bayaankaas ku sheegeen in Xukuumadda Alla Sacuud ay ka shalleyn doono dhibaato kasta oo ay u geysato Maxaabiista Muslimiinta ah ee ku jira xabsiyadeeda.
Dawlada Sucuudiga, ayaa hore looga codsaday in aanay ku degdegin fulinta xukunkaa, iyadoo qaar baddan oo ka mid ah dalalka Islaamka, dunida kale iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadamuhu ka dalbadeen in aanay fulin, balse Xukuumadda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa dhega ka furaysatay dhawaaqyada iyo dalabka, waxayna go’aankeeda ku fulisay maanta 47 qof oo ay ku jiraan Culimo si weyn looga yaqaan gobolka.
Dalka Iran, ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabada dawlada Sucuuiga, waxayna ku hanjabeen inay la kulmi doonto Boqortooyadu cawaaqib xun oo ay qoyska Boqortooyadu ku waayi doonaan xukunka.
Wadaadka ugu weyn ee Ayatollah Axmed Khatami, ayaa ugu yeedhay dambi horseedaya burburka qoyska talada Sacuudiga haya tallaabada ay ku fuliyeen Sheekh Nimr al-Nimr oo ahaa wadaad Mah’dabta Shiicada haystay oo aad loo yaqaan Mandaqada.
Xabsiyada Sacuudiga waxaa ku jira Kumanaan Maxabiis Muslimiin ah, waxaana ka mid ah rag Culimo waaweyn iyo Daaciyiin, kuwaas oo intooda baddan denbiyada loo haystaa yihiin inay dhaliileen qoyska reer Boqor oo keliya.
Liiska magacyada culimada ay daldalaadda ku fulisay xukuumadda Alla Sacuud.

magacyadaculimadasucuudigu deldelay
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380