Cunaqabataynaha La Saaray Ruushka Iyo Putin Oo Dhegaha Ka Furaysatay

Araweelo News Network

Berlin(ANN)-Dalaka reer galbeedka, ayaa durba jawaabo ka bixiyay tallaabooyinka Ruushka ee ku waajahan Ukraine iyo heshiisyada uu la galay jamhuuriyaddaha Bariga dalkaa ee ka go’ay, kuwaas oo Madaxweyne Putin heshiisyo la galay.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa Salaasadii sheegay in Jarmalku uu qaaday tallaabo uu ku joojinayo hannaanka dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2 ee ka yimaada Ruushka. Waxa uu wariyayaasha ugu sheegay magaalada Berlin in dowladdiisa ay qaadayso tallaabadan ay kaga jawaabayso ficillada Ruushka ee Ukraine.

Laxidhiidha: Putin Oo Amar Siiyay Millateriga Iyo Fallaagada Soomaalida #Ukarine Oo Laba Gobol Goosatay

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa dhankeeda ku dhawaaqday cunaqabatayn ka dhan ah shan Bangi oo Ruush ah iyo saddex ka mid ah shakhsiyaadka ugu qiimaha baddan Ruushka oo uu ku jiro oligarch Gennady Timchenko oo ah maalqabeen u dhashay Ruushka.

Alt: Araweelo News Network.
Volodymyr Zelenskyy and Chancellor, Araweelo News Network Munich 20 Feb 2022/

Oligarch Gennady Timchenko Waxa uu aasaasay oo uu leeyahay kooxda maalgashiga gaarka ah, Volga Group, , kuwaas oo ku takhasusay maalgashiga Tamarta, gaadiidka iyo hantida kaabayaasha, wuxuuna hore u ahaa mulkiilaha kooxda Gunvor. Laga bilaabo 15 April 2021, Timchenko waxa uu galay kaalinta 96aad ee tusmada Billionaires, iyada oo lagu qiyaasay inuu haysto hanti dhan US$19.5 Bilyan.

Laxidhiidha: Britain Oo Ruushka Ku Eeddaysay Inuu Maleegayo Dagaalkii Ugu Weynaa

Ra’iisal Wasaare Boris Johnson, waxa uu magaca maalqabeenkaa ka yeedhiyay Baarlamaanka hortiisa.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Gollaha Yurub iyo Guddida Yurub, Charles Michel iyo Ursula Von der Leyen, ayaa sheegay in kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub uu dhici doono Salaasadii maanta . (1500 GMT) laga soo saarayo unaqabatayn kala duwan oo ka dhan ah Ruushka.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Kulanka, ayaa sidoo kale lagu go’aamin doonaa taageerada Ruushka iyo jamhuuriyaddaha iskood isku magacaabay ee Luhansk iyo Donetsk, kuwaas oo Madaxweyne Vladimir Putin la saxeexday , isla markaana ansixiyay heshiisyo saaxiibtinimo.

Laxidhiidha: Gulufka Dagaalka Ukraine Iyo Khiyaamooyinka Dhinacyada

Dhawaaqyadan iyo tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli uu Madaxweyne Putin ku amray ciidamadda in ay gaalan Ukraine, isagoo u muuqda in aannu dheg u dhigayn dhawaaqyada kasoo baxaya NATO, kuwaas oo noqonaya dariiqa keliya ee u furan xulufada NATO.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com