Fallaagada LPR Ee loo yaqaan Guutada Taangiyada goonida Soomaaliya oo goostay Gobollada Donetsk iyo Lugansk

Moscow (ANN)-Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa sacadihii lasoo dhaafay ku amaray ciidamaddiisa Millateriga in ay guddaha u galaan Ukraine, isla markaana qabsadaan Magaaladda Caasimadda Kyiv ee Ukraine.

Fallaagada LRP ee loo yaqaan Guutada koowaad ee Taangiyada (1st Separate Tactical Battalion Group Somalia). ayaa gebi ahaanba la wareegay labada gobollada ee Donetsk iyo Lugansk oo dhaca Bariga Ukarine.

Dagaalyahanka sita Magaca Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in ay yihiin Jamhuuriyadda Dadka Donetsk iyo Jamhuuriyadda Dadka Luhansk oo aannay ka mid ahayn Ukraine, kaddib markii Afti aan rasmi ahayn laga qaaday dadweynaha May 2014.

Ukraine, ayaa si weyn uga cadhootay arrintaa, waxaana dhacay dagaalo u dhexeeyay fallaagada goosadka ah ee doonay in ay ku biiraan Rasian Federition iyo xukuumadda Ukraine, balse heshiis nabadeed ayaa la saxeexay Sebtembar 2014.

Rabshadaha, ayaa kasii socday Bariga Ukraine. Labada dhinac ee Kiev iyo gooni-goosadayaashu waxay sheeganayaan inay la baxayaan hubka culus, kaddib markii Sebtembar 20 la sameeyay heshiis lagu abuurayo aagga 30km (19 mayl), balse taasi waxba kaam bedelin xaaladda.

Dagaallo ayaa ka socday meelaha qaarkood. Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa ku andacoonayay marar baddan in ay socoto shaqo culus oo ah in loo dhiso xayndaab difaac ah oo ku wareegsan dhulka ay mucaaradka maamulaan. hase yeeshee Ukraine ayaa xilligan u muuqata mid kusii siqay gacanta Putin ee Raashiya, iaydoo deriska cusub ee dhinaca bari uu kaga soo dhowaaday Ruushku, halka dhanka Koonfurta ee Crimea uu hore ula wareegay siddeeed sannadood ka hor.

Heshiiska, ayaa inta badan u ekaa madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko 20 Jun ku doonayay qorshe nabadeed oo shan iyo toban qodob ah, waxaana saxeexay dukumeentiga: Diblamaasi Swiss ah iyo wakiilka OSCE Heidi Tagliavini.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo saxeexaya qaraar 22 Feb 20222.

Hase yeeshee Vladimir Putin oo u gacan haadinayay, ayaa durba saxeexay go’aamo lagu aqoonsanayo DPR iyo LPR iyo heshiisyada saaxiibtinimada iyo iskaashiga ee Ruushka iyo gooni goosadka 21 February 2022, kaddib waxay qabsadeen labada gobol.

Maraykanka, ayaa si weyn u canbaaraynayaa tallabada Madaxweyne Putin ku amray ciidamadiisa Maraykanka iyo xulufadiisa NATO, balse Maadxweyne Vladimir Putin oo doonaya inuu soo celiyo awooddii midawgii Warsaw ayaan marnaba dheg jalaq u siin dhawaaqyada Maraykanka iyo xulufadiisa NTO.

Putin waxa uu kulan la yeeshay wasiiradiisa, ka hor inta aannu qaadin tallaabada uu ku amray in laga qaado Ukraine, waxayna sirdoonka shisheeye ee ku sugan aagga ku tilmaameen tallaabada Putin mid si lama filaan ah uu ugu fasaxay in ciidamaddiisu galaan Caasimadda Kyiv ee Ukraine.

Talaabadda ayaa ka danbaysay kaddib markii uu Putin saxeexay go’aanka uu ku aqbalay iskaashi dhexmara Donetsk iyo Lugansk oo ah labada gobol ee ka go’ay Ukraine, kuwaas oo ka mid noqonaya Federaalka Ruushka, wuxuuna Putin oo aan looga baran qosol iyo dhoolacadeyn, balse xilligan dhoosha ka qoslaya yidhi, “Kama hadlayno arrintan, waxaan ka hadlaynaa inay ka madax banaan yihiin Ukraine.”

Dhinaca kale, Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (UN security Council), ayaa shir degdeg ah ka yeelanaya arrinta Ukraine, waxaana la filayaa in Maraykanka iyo Yurub ay xayiraado dheeraad ah saaraan dowladda Ruushka, balse waxba kama beddelayso siyaasada Ruushka qaraar kasoo baxa Gollaha amaanka UN Security Council, sababtoo ahqaraaradu waxay qabtaan oo kaliya dawladdaha aan awoodda lahayn, gaar ahaan kuwa Afrikaanka.

Siddeed sannadood ka hor, 27 March 2014, Gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa aqlabiyad ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay ansixiyeen 192 dal, marka laga reebo Ruushka oo noqnaya wadanka 193 ku ah dalalka xubnaha ka ah, ayaa qaraar tirsigiisu yahay 68/262 kasoo saaray arrinta Ukraine, kaas dhigaya Midnimada dhuleed ee Ukraine in aan la kala goyin karin, balse Jamhuuriyaddaha Donetsk iyo Luhansk ayaa midba midka kale ka helay aqoonsi caalami ah, Ruushka iyo Koonfurta Ossetia, oo lafteeda ay aqoonsan yihiin 5 keliya oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com