Dawladda Federaalka Oo Ka Hadashay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Allah ha naxarisitee waxa lagu dilay geyiga Soomaalida, gaar ahaan maamul gobolleedka Soomalaiya ee Magaladda Kisamayo, Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Muuqaalka Qaxa laal beegsaday Sheekh Cabdinaasir ee Magaaladda Kismaayo 22 feb 2022, Image Araweelo News Network.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Sheekha oo safar hawlo dacwada diinta ah Sheekh Cabdinaasir u tegey Magaaladda Kismaayo, iyadoo gaadhigiisa loogu xidhay miinada sheedda laga hago, taas oo sababtay qaraxa, sidaana uu ku naf waayay Allah ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir maanta.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay geerida Sheekh Cabdinaasir, waxaana canbaareeyay qaraxa lala beegsaday Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cusman Dubbe.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah Culimada kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, wuxuu ka mid ahaa culimada inta baddan ka hadla qaraxyada ka Is-miidaaminta ee Soomaaliya caanka ka noqday, kuwaas oo lala beegsado masuuliyiinta dawladda Federaalka, hay’addaha shisheeye , isla marar baddana ay ku naf waayeen boqolaal shacab ah.

Qaraxyada, ka dhaca Somalia waxa inata baddan ay sheegtaan kooxda Al-shabaab, balse qaraxa lala beegsaday Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ma jirto cid sheegatay weli, mana aha qofkii u horeeyay ee Caalin ka mid ah culimada Soomaalida oo lagu qarax, ama shirqool, iyadoo aannay jirin cid sheegata dilka culimada Soomaaliyeed.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com