Araweelo News Network.

Qaraxii Labaad Ee Boosaaso Ka Dhaca Labadiii Caanamaal Ee U Danbeeyay

Boosaaso(ANN)-Qarax weyn oo sababay khasaare ayaa galaafan gaadhay Madaxweynaha maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, xilli kolanyo uu la socday soo gelaysay afaafka hore ee Magaaada Boosaaso.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen laba ka mid ah Askartiisa Ilaalada ah, iyadoo uu jiro dhaawac aan si dhab ah tiradooda loo shaacin inta ku dhaawacantay.

Qaraxa oo noqonaya kii labaad tan iyo maalintii shalay ka dhacay Magaaladda Boosaaso, waxa sheegatay koxoda Al-shabaab ee xubinta ka ah ururweynaha Al-Qaida.

Hase yeeshee waxa jiray qarax kale oo shalay ka dhacau Boosaaso, kaas oo sababay dhimahso dhaawac, waxaana ku naf waayay Laba ka mid ahaa Madax-dhaqameedka, kuwaas oo kaala ahaa Allah ha unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed.

Laba caaqil iyo dad kale oo ku dhintay qaraxa ayaa maanta lagu aasay magaaladda Boosaaso, balse qaraxaa ma jirto cid sheegatay, wuxuuna kusoo beegmay xilli uu ku suagna yahay halkaa Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ee dawladda Federaalka, Jamaal, kaas oo  magaaladda Boosaaso u jooga doorashooyinka xildhibaanada federaalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com