#Araweelo_News_Network.

Libya Tripoli (ANN)- Masiibooyin kala duwan ayaa haleelay oo ku habsaday labada dal ee Libya iyo Mrocco, iyadoo duufaano sababay innay jabaan biyo-xidheena Libya ku yaal sababeen dhimashada in ka baddan 1,000 qof. ALt: Araweelo News Sidoo kale, Laanqayrta cas ee caalamiga ah ayaa sheegtay in ilaa 10,000 oo qof lagu la’yahay Libiya kaddib markii duufaanta Mediterranean-ka ee Daniel ay sababtay fatahaado masiibo ah. Daadadku waxay qaadeen dhammaan xaafado ka tirsan dhowr magaalo oo xeebta ah. Burburka ayaa ugu darnaa magaalo xeebeedka dhanka Bari ee Derna, halkaas oo roobabkii lixaadka lahaa ay sababeen in ay dumaan labo biyo xidheen, kuwaas oo baabi’iyay afar meelood meel magaalada. ALt: Araweelo News Saraakiisha Bisha Cas iyo Ururo mutadawaciin ah, ayaa ku mashuulsan baadidoonka dadka la waayay raq iyo ruux, waxayna duufaanta iyo Biyaha Biya xidheenada ka jabay sababeen in dhammaan adeegyada isgaadhsiinta iyo Laydhka ay xaaqaan, isla markaana duufaanta iyo daadka ayaa sababay khasaare maaliyadeed oo aan wlei si rasmi ah loo qiimayn.       Morocco

ALt: Araweelo News

Morocco dhismayaasha burburay oo laga baadhayo dadkii ku jiray, image Araweelo News Network, 12 Sep 2023.

Dhinaca kale, In ka badan 2,900 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Morocco fiidnimadii Salaadada. Tirada dadka dhaawaca ah ayaa labanlaabantay oo gaadhay in ka baddan 5,500, halka qaar kale oo badanna weli la la’yahay.   Wakaaladda wararka ee Maroco ee MAP ayaa sheegtay in boqor Maxamed uu booqday cisbitaal ku yaala magaalada Marrakech si uu u eego dadka dhaawaca ah oo uu dhiig ugu deeqo.   Dhanka kale, jahawareerka ka dhex jira kuwa ka badbaaday masiibadaa ayaa kor u kacaya maadaama ay u adkeysteen xaalladdo adag, kaddib afar habeen oo aannay haysan hoy iyo adeeg nolloleed, iyadoo dalka Maorocco in baddan oo ka mid ah dalalka aduunka diiday inay ka aqblaan caawimooyin la doonayay in lagu gargaaro, waxaana weli jira baadhitaano lagu raadinayo dadka aan weli la hayn raq iyo ruux oo laga baadi doonayo dhismayaasha dumay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com