#Araweelo_News_Network.

“Muuse Xilka Ku Wareeji Saylici, Idinkuna Ha Ku Riyoonina In Ciidanka Qaranku Baxo iyo In Laascaanood Iyo Buuhoodle ka Go’aan Somaliland”Gudoomiye Faysal

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu dalku weli dagaal ku jiro, sidaa awgeed ay waajib tahay in shacbiga loo waramo oo lala socodsiiyo halka wax marayaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, wuxuu sheegay in kooxda kusoo duushay Somaliland, isla markaana kooxda la baxday sida uu sheegay G21, ay weli wadaan qorshihii la doonayay in lagu baabiiyo Somaliland.

“Aduunka waxa la mariyay been iyo borobagaando wax beenneeya la waayay, oo ay cidla ka heleen aduunka, maadaama ay dawladda Madaxweyne Biixi hadda iska siqiirtay, qorshaha u danbeeya ee ay wadaan waa inay Boormana qas ka ridaan.” Ayuu yidhi.

Hase yeeshee, wuxuu carabka ku adkeeyay in ay dadka reer Awadal aannay dheg u dhigin oo ay beeniyeen qorshaha ay wadaan kooxda G21.

“Khaladaadka Muuse galay ee fasaxay in maanta “Maxamuud saleebaan’ ee Garoowe si fiican uga hawlgalay Laascaanood, waxa ka daran ta soo socota haddaynaan go’aan gaadhin, haddaanay Somaliland go’aan gaadhin.oo tallada aynu u deyno Muuse Biixi.”ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xilligan maanta Somaliland dusha loo saaray denbi aannay gelin, iyadoo loo kaashaday sida uu sheegay quwaddo shisheeye, “Innagana iska daa inaynu taageero helnee, dadkii innoogu dhowaa ee Killilka Shannaad, waad ogtihiin intuu ina Cagjar qabtay ee xidhiidhkeenu u wanaagsanaaday sidaynu uga raysanay ina Iilay, ayay doraad aflagaadaynayeen, markaad leedihiin Kililka nasoo weeraray, waxay noqonaysaa waxa nasoo weerrartay Ethiopia.” Ayuu yidhi, isagoo la hadlaya xukuumadda Madaxweyne Biixi.

“Muuse jaararkii oo dhan ayuu innagu dirayaa, innaguna waynu kala maqanahay, nasiibdaradu waxa weeye maanta dalku qorshe siyaasadee iyo mid Millateri midna ma haysano, taasi waxay keenaysaa inay u hirgasho himilada cadawgeenu.” ayuu yidhi, wuxuuna usoo jeediyay ciidamadda qaranka in aannay dhegaysan dhawaaqyada ay siyaasiyiintu isu jeedinayaan oo annay saamayn ku yeelayn difaaca geesinimada ah ee ay dalkooda ugu jiraan.

 

“Ma jiraan ciidamo laga saarayo Laascaanood ee ha ku seexanina, xadka Somaliland waa xadka Ethiopia la wadaagto Soomaaliya oo kale, waxaanu soo jeedinaynaa in ciidamada kusoo duulay Laascaanood ee qaabka qabiil u yimi ay ka baxaan oo dadkii kusoo noqdo ay ka barakiciyeen ee gurayahoodii ku jiraan ee buliliqaysanayaan,  oo magaalada sideedii lagu soo celiyo.”

Guddoomiye Faysal, wuxuu farriin u diray dadka reer Laascaanood, isagoo yidhi, “Muuse Somaliland maaha waa shaqsi, innaga wixii inoo dhexeeya boqol wadoo aynu ku wadahadalo ayaa inoo taal, Muuse haddaa ka cabanaysaan xilkaan ka dejinaynaa, innaguna kala go’I mayno, haddaynu Soomaali wax la yeelanayno innagoo midaysan ayaynu wax la yeelaynaynaa, haddaynu go’aankeena ku joogayna innagoo midaysan oo caddaalad isku xukuna ayaynu ku joogaynaa oo wax wada yeelaynaa, laakiin ha ku riyoonina inay Laasaacood, Xuddun, Talleex iyo Buuhoodle ka go’aan Somaliland.”

Garaaddada waxaan leenahay carruurta kusoo celiya Iskuulada iyo magaaladooda gogol ayaanu idiin fidinaynaa ayuu raaciyay, isagoo u mahad celiyay dawladda Federaalka Soomaaliya doorkeeda iyo mawqifkeeda arrinta Laascaanood.

“Shacbiga Somaliland waxaan leenahay Madaxa ina buka, Muuse waxaan leeyahay maanta taariikh samay oo Saylici Madaxweyne ku xigeenka ku wareeji xilka oo dalka badbaadi.” Ayuu yidhi, Guddoomiye  Faysal Cali Waraabe.