#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Xabbad-joojinta afarta maalmood ah ee u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas ee Qaza ayaa la kordhiyey laba maalmood oo kale.

Arrintan ayaa timi, kaddib qaabka farsamada ee is waydaarsiga maxabiista oo cilad ka dhalatay, iyadoo xilliga heshiiska ku meelgaadhka ee xabbad-joojinta yahay gebagebo. sida ay sheegeen Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar.

Xamaas ayaa sheegtay innay ka go’antahay inay sii deyso 50 maxaabiis ah, kuwaas  oo u baddan caruur iyo haween, iyadoo Israel ay dhankeeda si daysay sidoo kale,  39 maxbuus Falastiini ah oo dheeraad ah.

 

Sidoo kale,  19 kale ayaa si gooni gooni ah loo sii daayay, waxaana la filayaa in ka badan 180 la haystayaal ah oo weli lagu haysto Gaza, halka ay Xamaas naawilay in lasoo daayo maxaabiis intaa ka baddan, kuwaas oo ay ku jiraan dhakhaatiirta laga afduubay Cusbitaalka Qaza ka hor heshiiska intii uu socday dagaalku.

Israel ayaa dhankeeda sii daysay maxaabiista Falastiin qaybo ka mid ah, balse mushkilada ayaa ka dhalatay Liiska ay Xamaas gudbisay ee ku saabsanaa dalabkeeda oo khalad dhanka magacyada lahaystayaasha maxaabiista Falastiin ee Israel hayso, kuwaas oo cilad ku timi.

Xabbad-joojinta muddada Afarta maalmood ahayd ayaa dhammaatay, iyadoo aan la dhammaystirin waxyaabaha lagu heshiiyay, ee sii daynta maxaabiista labada dhinac, iyadoo muddadu ku ekayd caawa saqdadhexe, balse dhinacyada ay ugu horayso dawladda Qadar oo iyadu ah dhexdhexaadiyaha ugu weyn ayaa dalbaday in muddo laba maalmood ah lagu kordhiyo xabbad-joojinta si qodobada lagu heshiiyay ee ku meelgaadhka loo dhammaystiro.

 

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com