Araweelo News Network

Moscow(ANN)-Ruushka, ayaa ka dhabeeyay in uu hakiyo shidaalka uu siiyo Jarmalka, iyadoo Shirkadda gaasta ee Ruushka ee lagu magcaabo Gazprom ay joojisay dhuumaha gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn ee u socda Jarmalka.

Laxidhiidha: Moscow: Dhuummaha #Shidaalka Ee #Yurub Oo Ruushku Xidhanayo Saacaddaha Soo Socda

 Ruushku, wuxuu hore u shaaciyay inuu hakinayo Nord Stream 1, waxayna sabab uga dhigeen dayactir sanadle ah oo lagu samaynayo dhuuntaa, basle su’aalo ayaa ka taagan in joojintu ruushku ay hordhac u tahay xanibaad socon doonta oo la xidhiidha hanjabaad ku waajahan Jarmalka iyo dalalka kale ee Midawga Yurub iyo in ay tahay arrin sida ay sheegeen dayactir keliya ku kooban.

Walaac weyn ayaa arrintani ku abuurtay Jarmalka iyo xulufada kale, iyadoo aan la ogayn in Ruushku dib u soo celin doono. Saraakiisha Jarmalka iyo guud ahaan Midowga Yurub waxay uga digayaan rajada yididiilada iyo in shirkaddaha inay ku dhiiradaan joojinta gaasta.

Shirkadda gaasta ee Ruushka ee lagu magcaabo Gazprom, waxay sheegtay in dib loo soo celiyo Gaasta muddada 10-ka maalmood ee dayactirku dhammaado, balse dalalka reer galbeedka, ayaa cabsi qaba in Ruushku u isticmaalo dayactirka digniin hanjabaad ah oo ku waajahan Jarmalka iyo saaxiibada kale.

Moscow waxay mar hore u dhintay xadiga shidaalka ee  Jarmalka toddobaadyadii la soo dhaafay, iyada oo hoos u dhigtay boqolkiiba 40%  heerarka caadiga ah, taas oo dhibaato ku noqotay Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub oo noloshoodu ku xidhantahay gaasta uga timaada Ruushka.

 Joojinta Nord Stream ayaa sidoo kale lagu macneeyay mid u muuqata inay Moscow ku riixayso dawladda Jarmalka inay wiiqdo nidaamkeeda cunaqabataynta ku waajahan Ruushka.

 Hase yeeshee waxa jira codsi ka imanaya dhanka Berlin, iyadoo Kanada hadda si ku meel gaadh ah uga tanaasushay xannibaadaha dhoofinta marawaxadaha gaasta ee shirkadda Siemens, kuwaas oo ay ku hagaajinaysay xarumaheeda Montreal. Keenista iyo rakibidda marawaxadaha.

Ruushku wuxuu sheegay inay marawaxadaha gaasta ee shirkadda Siemens muhiim u tahay soo celinta saliida, iyadoo dawladda Ukraine hore uga dalbatay Canada in aannay aqbalin marawaxaddaha, balse codsiga Ukraine ayaa noqday mid aannay dheg u dhigin Canada.

Si kastaba ha haatee waxay u muuqataa tallaabada uu qaaday Ruushku mid ku qasbi karta Midowga Yurub inuu qayb ahaan ka qaado cunaqabataynta uu saaray Ruushka, taas oo si weyn uga cdhaysiinay Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com