Muqdisho(ANN)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,  ayaa sheegtay in aanu dalka ka shaqayn karin wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Haysom oo muddo dhawr bilood ah xilkaa hayay.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ku eedeysay Nicholas Haysom inuu jabiyay hab maamuuskii ku habboonaa xafiiska QM ee Soomaaliya, isla markaana uu farageliyay arrimaha madaxbanaanida Soomaaliya, waxayna qoraalka dalka lagaga mamnuucayo ku socod siiyeen Hoghayaha Qaramada Midoobay.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Hayom,  ayaa shalay soo saaray warqad weedho kulul ay ku qoran yihiin oo uu Wasiirka Amniga ee dawladda Federaalka Maxmamed Abuukar Islow kaga dalbanayo inay ka jawaabaan, wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Halkan Ka Akhriso; Awooddaha iyo Waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay Iyo Ujeedada Loo Aasaasay

Sidoo kale Mr. Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Ethiopia.