#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta safiir ku xigeenka Maraykanka ee Safaaradda Somalia Ambassador. Tim Trenkle oo safar gaaban ku yimi Somaliland.

Kulanka Madaxweyne Biixi iyo Ambasaador Tim, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo lagaga hadlay arrimo xaasaasiya, sida arrimaha Laacaanood iyo kuwo kale, balse Qoraal kooban oo kasoo baxay  Qasriga Madaxtooyada Somaliland kulanka kaddib, ayaa lagu sheegay  in Madaxweynahu  warbixin  ka siiyey Ambassador Tim Trenkle xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood, balse lagama bixin faahfaahin waxyaabaha arrinta laascaanood iyo waxa laysla qaatay.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraalka in kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika.

“Safiirku wuxuu Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.” Ayaa lagu qoraalka oo aan lagu xusin in Ambbassador Tim Trenkle kala hadlay Madaxweynaha arrimaha xilligan taagan ee Laascaanood.

 

Gebagebadii, kulanka ayaa dhammaaday is afgarad buuxa. Sida lagu sheegay war qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda, waxaana Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Hase yeeshee Dhinaca kale, Safaaradda Maraykanaka ee arrimaha Soomaalida, ayaa ka hadashay kulanka Madaxweyne Biixi iyo Amb. Tim Trenkle, waxayna Boggeeda Twitter ku sheegtay in Ambassador Frank ayaa saaka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi lagala hadlay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhacay Laascaanood. Mareykanka ayaa beesha caalamka kula biiray baaqa xabad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah iyo in gargaarka bini’aadantinimo aan laga hor istaagin dadka Laascaanood, ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda oo aan lagu xusin in arrimaha wada hadaladii Somalia iyo Somaliland lagu soo qaaday kulankaa, sida ay sheegtay Madaxtooyadu.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com