Araweelo News Network.

Dubai, United Arab Emirates (ANN)- Xukuumadda Yuhuuda ee Israel , ayaa ku catawday in weerar lala beegsaday Marab siday Saliid oo laga leeyahay Israel.

Sarkaal Yuhuudi ah ayaa sheegay, Arbacadii, in weerarkaa oo ahaa mid ismiidaamin ah lagu qaaday markab saliid siday oo marayay xeebta Saldanada Cumaan, meel 159 Mayl u jirta xeebaha Cumaan, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay “daandaansi ay Iran ka samaysay Khaliijka oo la xidhiidha Koobka Aduunka ee Qadar 2022 “

 

“Ma ahan weerar lagu qaaday Israel, waa wax la mid ah iyaga (Iraniyiinta) ay sameeyaan, sida caadiga ah Khaliijka, oo ah isku dayada in ay khalkhal galiyaan oo ay asal ahaan saamayn ku yeeshaan dhacdooyinka Koobka Adduunka,” ayuu yidhi , sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xidhiidha cabsida Iran ee xaaladda xasaasiga ah.

Sarkaalkan ayaa sheegay in diyaaradda loo adeegsaday weerarka ay ahayd Shaheed 136, taasoo la mid ah diyaaradaha laga isticmaalo dalka Ukraine ee ay dalalka reer galbeedku sheegaan in ay yihiin kuwa duqaymaha ugu baddan ka geysta Ukraine.

Markabka la duqeeyay, ayaa sitay calanka dalka Liberia, iyadoo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Singapore, balse wuxuu ahaa mid xidhiidh la lahaa Israel, sababo la xidhiidha lahaanshaha qayb ka mid ah shirkadda laga leeyahay dalka Singapore, sida uu sheegay Sarkaalka Yuhuudiga ah, wallow uu sheegay in aannu khasaare weyn soo gaadhin, waxa la arkayay muuqaalada laga soo gudbiyay, iyadoo qiiq madaw oo ka baxaya Marakabka guddihiisa hawadda isku shareeray.

Balse xukuumadda Iran, ayaa diiday eeddaha lala xidhiidhiyay weerarka Markabkaa, iyadoo sheegtay in aannay wax shaqo ah ku lahayn.

Koobka Adduunka ee 2022 ka dhacaya dalka Qatar ayaa loo qorsheeyay inuu furmo maalinta Axadda 20 November 2022, wuxuuna noqoanayaa taariikhda markii ugu horaysay ee lagu qabtay Dal Carbeed ama dal Islaam ah, wallow ay qorshayaal ay wadatay FIFA oo la doonayay in la mariyo dalka Qadar ay sutida u qabteen, kuwaas oo ay ugu waaweynaayeen in ay ka qaybgalaan kuwa u olloleeya akhlaaq-xumada khaniisnimada oo loo diiday inay ka qayb galaan koobka 2022.

Dhinaca kale, Hawlgalka Ganacsiga Baddaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa Arbacadii sheegay in baadhitaanku socdo, isla mrkaana Markabka iyo shaqaaluhuba ay badqabaan,” ayaa lagu yidhi ay soo saareen UKMTO.

Shirkadda fadhigeedu yahay Singapore, oo uu gacanta ku hayo bilyaneerka Yuhuuda ah ee reer Israel ee Idan Ofer, (Eastern Pacific Shipping), ayaa sheegtay in ay baadhayaan shilkan oo ka dhacay meel qiyaastii 150 mayl u jirta xeebta Cumaan, isagoo usii jeeday Dekedda Buenos Aires ee Argentin.

Sannadihii u danbeeyay Biyaha khaliijka waxa lagu arkayay weeraro lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaada, kuwaas oo kusoo beegmay xili ay sii xoogaysanayso xiisada gobolka ee kala dhaxaysa Iran iyo Israel, iyadoo dunida uu saamayn ku yeeshay dagaalka Ukraine, tusaale  Bishii July  2021, weerar looga shakisan yahay inuu ahaa mid ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn ayaa lagu qaaday Markab shidaal oo ay lahayd shirkad Israel ah xilli uu ku sugnaa xeebta Cumaan, waxaana lagu eeddeeyay xukuumadda Iran, wallow ay beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com