Ra’iisal Wasaaraha Israel Oo Qirtay In Xamaas U Awood Sheegatay Weerarada Duufaanka Al-Aqza Ee Socda

#Araweelo_News_Network.

Qaza (ANN)-Kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ayaa bilaabay hawlgalkoodii ugu waynaa ee ka dhanka ah Xukuumadda Israa’iil muddo sannado ah, iyagoo qaaday weerar lagu tilmaamay inuu ahaa mid lama filaan ah oo duufaan ah, kaas oo lagu magacdaray  duufaanka Al-Aqsa.

Dagaalyahanno ka socda Xamaas iyo Jihaad, ayaa ka gudbay xayndaabka magaalooyinka ay Israa’iil haysato, iyaga oo bilaabay innay ku garaacaan dhawr goobood oo muhiim ah gantaallo culus oo laga soo ridayo marinka Qaza.

 

Muuqaalo lagu baahiyay warbaahinta Faalstiin, ayaa  laga daawaday dhacdooyinka layaabka ah ee ka dhacay halkaa, kuwaas oo muujinaya dagaalyahanno ka tirsan kuwa wax iska caabinta oo ku sugan guddaha saldhig millateri Sabtidii, halkaas oo ay daadsanaayeen Maydad Askata Isra’iil ah oo dhulka wadhan.

ALt: "Araweelo News"

Ugu yaraan 100 Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay in ka baddan 800 oo kalena waxay ku dhaawacmeen hawlgalkaa loo bixiyay duufaanka, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa adeegga Ambalaaska ee gurmadka degdega ah ee Israa’iil.

 

Dhinaca kale, Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in dagaalyahanada Falastiiniyiinta ay guddaha u galeen magaalada Sderot iyo deegaano kale oo baddan.

Wasaaradda caafimaadka Israel ayaa sheegtay in ugu yaraan 985 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday dhanka Cusbitaalada weerar aan horay loo arag oo argagixisada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil, sidaa waxa yidhi, wasiirka Caafimaadka israel, isagoo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo ka hadlay arrintaa dhankiisa yidhi,“ 100 Ciidanka ah ayaa lagu dilay weerar ballaadhan oo Xamaas ah, la haystayaal loo qaaday Gaza; Sida lagu daabacay Wargeyska Times of Israel.

Qoys Israa’iil ah la cararay naftooda, weerarkii duufaanta ee Xamaas 7 Oct 2023.

Dhankooda dagaalyahanka Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya dagaalyahanadeeda oo qabtay saddex Israa’iili ah, iyadoo la gubay Dubaabaadka Israel ee sida weyn loo dhisay oo markii ugu horaysay kooxaha Falastiin fashilyeen.

 

“Muqaallada Guutooyinka Al-Qassam oo gacanta ku dhigay tiro ka mid ah askarta cadowga dagaalkii Daadka Al-Aqsa,” ayaa lagu yidhi, muuqaal ka mid ah kuwa ay soo bandhigeen Al-Qassam, kaas oo Calaamaddaha luqada Cibraaniga ah ee xagga dambe ay muujinaya in muuqaalka laga duubay dhinaca Israel ee marinka Erez ee Qaza.

Muuqaalo kale oo lagu baahiyay baraha bulshada ee Falastiin ayaa muujinayay maydadka tiro dad ah oo Askarta ciidamada Israel ka muuqdaan.

ALt: "Araweelo News"

Qarax Gantaal laga soo tuuray Qaza oo ku dhacay koonfurta Israel ayaa ku dhacay Ashkelon, Oktoobar 7, 2023 .

Weerarka oo ahaa mid aan hore loo arag noociisa, kaas oo billowday dhowr daqiiqo ka hor 7-dii subaxnimo ee waaberigii, iyadoo xilligaa Israa’iiliyiintu ay u dabaaldegayeen maalintii ugu dambaysay ee dabbaaldegyada Diinniga ah ee Sukkot oo toddobaadka socday (Sukkot waa mid ka mid ah saddexda ciidood ee ugu waaweyn diinta Yahuudda) , iyadoo boqolaal gantaallo ah lagu garaacay Israel intii uu socday dabaaldega.

 

Muuqaalka Fiidiyowyga, ayaa muujinaya dhallinyaro Israa’iiliyiin ah oo argagax  la kulmay oo ka cararaya markii dagaalyahannada Falastiiniyiintu ay weerareen goob xaflad faneed oo ka socotay dhanka deegaanka saxaraha.

Dhawaaqa digniinta cas ayaa laga furay Tel Aviv, sida magaalooyinka Sde Boker, Arad, iyo Dimona ee Koonfurta, iyadoo xilligaa qaraxyo ay maqleen dadka deegaanka Sabtidii. Sidoo kale, Al-Qudus, ayaa laga maqlay gantaallo, kuwaas oo laga dhawaajiyay waxaana xigay sanqadha dayaanka qaraxyo waaweyn, waxaana la arkayay Baabuurta ciidamada Israel oo gubanaya kaddib markii gantaal uu ku dhacay magaalada Ashkelon ee koonfurta Israel.

ALt: "Araweelo News"

Gantaal laga soo tuuray Qaza oo ku dhacay koonfurta Israel ayaa ku dhacay Magaalada Ashkelon, Oktoobar 7, 2023 .

Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sheegay in in ka badan 7,000 oo gantaal laga soo tuuray marinka Gaza ee Israa’iil Sabtidii, iyagoo ku dhawaaqay inay bilaabeen “Howlgalka Duufaanta al-Aqsa”.

 

Dagaalyahanka Xamaas oo ka hadlay arrinta ayaa yidhi, “Waxaan go’aansannay inaan joojinno dhammaan dambiyada laga gelayay shacabka Falastiin, waqtigoodii ay ku xad-gudbi jireen iyadoo aan lala xisaabtamin ayuu dhammaaday,” Xamaas ayaa sidaa tidhi.

 

Sidoo kale, kooxda Jihaad Islaami ah oo fadhigeedu yahay Qaza ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay ku biireen howlgalka, iyadoo Xamaas ay ugu baaqday Falastiiniyiinta meel kasta oo ay joogaan innay dagaalamaan iyo kooxaha wax iska caabinta ee Lubnaan inay sidoo kale ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Israel.

 

“Dagaalkaan qayb ayaan ka nahay, dagaalyahannadeenu waxay isku garab yihiin walaalahood guutooyinka Qasaam ilaa guul laga gaadhayo Yuhuuda,” ayuu yidhi, Afhayeenka garabka hubaysan ee Jihaad Islaami Abuu Xamza oo qoraal soo dhigay bartiisa Telegramka.

“Duufantan oo ka soo bilaabatay Qaza waxay ku fidi doontaa Daanta Galbeed iyo dibadda dalka iyo dhammaan meelaha ay dadkeena iyo qarankeena joogaan,” ayuu yidhi, madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Hanniya.

 

Hawlgalkan ayuu Ismaaciil Hanniya ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xamaasad leh, isagoo sheegay in sababta ugu weyn ee uu u bilowday ay tahay “gardarrada dambiyada ah ee Sahyuuniyadda ay ka geysteen Masjidka Al-Aqsa, kaasoo gaadhay meeshii ugu sareysay maalmihii u dambeeyay”.

 

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinayay bam laga soo tuuray Askar Isreal oo saarnaa Taangi magaalada Merkava, waxaana markii dambe ay Falastiiniyiinta kala soo baxeen Askari gaadhiga saarnaa.

Goobjooge ku sugan goobta ayaa la maqlayaa isagoo sheegaya in gacanta lagu dhigay dadkii waday Taangiyadda oo la geeyay Qaza. Muuqaal la sheegay in uu muujinayo Askari Israa’iili ah oo ku dul saaran mooto bajaaj ay gacanta ku hayaan labo Falastiini ah oo loo qaaday dhanka Qaza.

 

Muuqaal kale oo la wareejiyay baraha bulshada iyo warbahinta Falastiin ayaa muujiya qiiq bddan oo madow iyo dab ka kacay goob looga shakisan yahay innay saameyn ku yeelatay Ashkelon.

 

Qaza guuxa gantaallada ayaa laga maqlayay waxaana dadka deegaanku ay soo sheegeen iska horimaadyo hubaysan oo ka dhacay xayndaabka kala goynta gidaarka ay Israa’iil ku kala xidhay dhulka Falastiin oo u dhow magaalada dhanka Koonfureed ee Khan Younis, waxayna sheegeen inay arkeen dhaq-dhaqaaq xooggan oo dagaalyahanno hubaysan ah.

 

Adeegga gaadiidka gurmadka degdega ah ee Ambalaasyada Israa’iil ayaa sheegay in kooxo loo diray degaannada Koonfurta Israa’iil ee u dhow Qaza, waxaana dadka deegaanka looga digay innay guddaha dhismayaasha ku sii jiraan.

 

Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ayaa muujiyay sida ay uga gaaloobeen soo galitaanka dhulka ay Israel haysato. “Waxay la mid tahay riyo oo kale. Weli ma rumaysan karo, dagaalyahanno ku sugan dhulkeenna la haysto?” sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah dukaanlayaasha Gaza, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Taliyaha sare ee Militeriga Hamas Mohammad Deif ayaa yidhi, “Tani waa maalintii dagaalka ugu weyn uu soo afjari lahaa qabsashadii ugu dambeysay ee dhulka falastiin.” Waxa uu sheegay in dagaalyahanada iska caabinta falastiiniyiinta ay duqeeyeen bartilmaameedyo baddan oo Israel ay leedahay, sida garoomada diyaaradaha iyo xarumaha Millateriga.

“Maanta, cadhadii ummaddeenna iyo halgamayaashii xaqa ahaa way sii kululaatay. Tani waa maalintiinii si aad cadowga u fahamsiiso in waqtigiisii dhammaaday,” ayuu yidhi, Mohammad Deif oo ah taliyaha ugu sarreeya Millateriga Xamaas..

 

Hawlgalkan ayaa yimid maalin kaddib markii Israa’iil ay u dabaaldegtay sannadguuradii 50-aad ee ka soo wareegtay dagaalkii 1973,  kaas oo u horseeday burbur xooggan kaddib weerar lama filaan ah oo ay ku qaadday Suuriya iyo Masar

 

Dhinaca kale, Isarel ayaa ku macnaysay weerarka mid aan marnaba la filayn, “Weerarkani wuxuu sidoo kale u muuqday mid si lama filaan ah u qabsaday Israa’iil,” sidaa waxa boggiisa hore ku qoray Wargeyska Times of Israel oo sharaxaad ka bixinaya wixii dhacay.

 

Wasiirka arrimaha Millateriga Israel oo lagu magcaabo Yoav Gallant ayaa si deg deg ah u tagay Tel Aviv si uu ula tashado madaxda ammaanka. Ra’iisal wasaaraha mayalka adag ee Benjamin Netanyahu ayaa isna ka qayb qaadan lahaa kulankaa, balse Milterigu waxa ay sheegeen innay ay u guurayaan sidii ay isu difaaci lahaayeen, taas oo ah “xaalad diyaar garow dagaal” wuxuuna Gallant oggolaaday baaqyo loogu yeedhayo in la helo ciidamada kaydka ee Isarel si ay isu difaacaan.

 

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Millateriga Israel, Yoav Gallant Gallant ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo qiyaastii noqnay gebi ahaan dhulka iyo Magaalooyinka marinka Qaza u jira 80 kiilomitir, halkaas oo ah meelo ay ka mid yihiin magaalooyinka waaweyn ee Tel Aviv iyo Beersheba, waxayna Millateriga Isarel sheegeen in ugu yaraan laba weerar oo cirka ah ay ka fuliyeen marinka Qaza, kuwaas oo aan la xaqiijin khasaaraha ay geysteen.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com