Ebola Shouth SudanLiberia (ANN)Warbixin digniin ah oo la xidhiidha kahatarta cudurka Ebola, ayaa si cad u sheegtay in laga cabsiqabo in 28 dal oo Somaliya ku jiro uu ka dilaaco cudurkaa oo dalalka galbeedka Afrika aafeeyay tan iyo badhtamihii sanadkii hore.
Hay’adda caaamiga ah ee Sanduuqa badbaadada caruurta (Save The Children) oo laga leeyahay dalka Britain, soo saartay warbixnta digniinta, iyadoo sheegtay in 28 wadan oo Somalia ka mid tahay halis ugu jira inuu ka dilaaco cudurka Ebola, haddii aan tallaabooyin deg deg ah oo lagaga gaashaamanayo halistaa la qaadin.
Warbixinta hay’addan Sanduuqa badbaadada carruurta u qaabilsan Ingiriiska waxa lagu xusay in 28 dal oo u baddan dalalka Afrika ay noqonayaan waddamo uu si xun u sameeyo cudurkan, haddii aan tallaabo amma gargaar caafimaad oo deg deg ah la gaadhsiin.
Kooxda warbixinta soo saartay ee hay’adda ka mid ka ah waxa ay sheegeen in dalalka cudurkan looga baqaayo inuu ka dilaaco ay ka mid yihiin Somaliya, Chad, Nigeriya, Afganistan, Haiti, Itoobiya, Jamhuuriyada Badhtamaha Afrika, Guinea, Niger iyo Mali.
Waxa ay hay’adda Save the Children qayl-dhaanteeda caafimaad u sababaysay in ay waddamadan leeyihiin dayreel caafimaad oo aad u liita, kaas oo khatar keeni kara.
Kooxdan oo ka qaybgalay dagaalka lagula jiro yaraynta cudurkan Ebola ee dalalka Sierre Leone, Guinea iyo Liberia waxaay xuseen in 28 dal aanay lahayn haba yaraatee nidaam caafimaad oo u sahlaya in ay cudurro cusub kaga hortagaan.
Khubaradan oo caafimaadka guud ee bulshada (Public Health) ku takhasusay waxay isku waafaqeen in adeeg xumada caafimaad ee dalalkan ka jirta ay cudurka Ebola u sahlayso inuu si fudud uga dilaaco.
Xannuunkan waxa uu ku dhawaad dilay 24,000 qof, inkastoo 10,000 si rasmi ah loo diiwaangeliyey, waxa uu fayrasku Eboluhu gaadhay dalka Maraykanka, Yurub iyo waddamada la jaarka ah saddexda dal ee uu ku dhuftay.
“Nidaamka caafimaad oo la adkeeya waxa ka qaybqaadanaya in la xakameeyo cudurka Ebola, lana badbaadiyo kumanaan carruur ah, lacag bilaayiin ahna ku lunto,” ayey tidhi hay’adda Save the Children.
Khubarrada daraasada diyaarisay ayaa soo saaray macluumaad ku saabsan waddamada ugu saboolsan adduunka, gaar ahaan marka laga eego tirada dhakhaatiir amma shaqaale caafimaad ee ka hawlgala, kharashka dawladdu ku lumiso daryeelka caafimaadka iyo xaddiga dhimashada ee bulshadooda.
Waddanka Somaliya oo ah dalka ugu hooseeya xagga tayada adeega caafimaad waxa daraasadu tilmaantay in hal qof oo shaqaale ah ku soo hagaagaayo 6,7111 qof, marka la barbar dhigo dalka Ingiriiska oo hal qof oo halwadeen caafimaad ah ku soo hagaago 88 qof.
Dalka Chad waxa hal qof ee shaqaale caafimaad ah ku soo hagaagaya 4,444 qof, dalka Niger halkii qof 6,410 qof.
Dalka Afghanistan oo ah dalka 4aad ee xagga caafimaadka ugu hooseeya waxa qofkii lagu kharashgareeyaa caafimaadkiisa $10.71 sannadkiiba, halka dalka Ingiriiska $3,000 sannadkii ku baxdo hal of, dalka Maraykankana $4,000 ayaa ku baxda sannadkii qofka kaliya caafimaadkiisa, balse dalka Guinea waxa qofkii lagu kharashgareeya caafimaadkiisa sannadkiiba $9 dollar sida daraasadan xustay.
“Tababar la’aanta shaqaalaha caafimaadka iyo goobaha adeega caafimaad waxay macnaheedu tahay in cudurradu fidi karaan waliba si fududu baahi karaan, iyagoo xuduudaha caalamka ka gudbaaya. Adduunku wuxuu ku kacay cudurka Ebola, balse waqtigan waxa loo baahan yahay in dad ku kacaan fadeexada caafimaad xumo ee nidaamkooda dul hoganaysa, taasoo aan cudurro kaliya halis u ahayn, balse sababaysa dhimashada 17,000 carruur ah oo maalin kasta geeriyooda oo ay sababaan oof-wareenka iyo duumadu amma kaneecadu,” ayuu yidhi Carolyn Miles oo ah Agaasimaha Fulinta ee Save The Children u qaabilsan dalka Maraykanka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews