warbixinxuquuqdaaadamahasomalilandHargeysa(ANN)Xarunta Xuquuqal-insaanka ee la yidhaah HRC (Human Rights Center), fadhigeeduna yahay magaalada Hargeysa, ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlayso xaaladaha xuquuqal-insaan ee ka jira Somaliland, taasoo lagu beegay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqal-insaanka oo sannad kasta laga qabto adduunka 10 Bisha December oo ku beegan Khamiista maanta.
Warbixinta la soo saaray oo ay ku wada saxeexan yihiin Guddoomiyaha Xarunta HRC Mr. Guuleed Axmed Jaamac iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Hanna Cabdisalaan Maxamed, waxa lagu sheegay in cilmi-baadhis iyo diwaangelin dheer oo laga sameeyey gobolada kala duwan ee dalka Somaliland muddadii u dhexaysay bilihii April ilaa October ee sannadkan 2015 lagu ogaaday tacadiyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka oo ka dhaca Somaliland.
Waxa kaloo warbixinta lagu iftiimiyey in muddada Somaliland haysatay madaxbannaanida buuxda, kana noqotay midawgii Soomaaliya sannadkii 1991-kii ay ku tallaabsatay guulo kala duwan oo dhinaca nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ah, iyadoo la afti dadweyne lagu ansixiyey dastuurka Somaliand sannadkii 2001-kii, isla markaana doorashooyin kala duwan la qabtay sannadihii u dhexeeyey 2002 ilaa 2012.
“Iyada oo ay jiraan guulahaasi, haddana waxa jira caqabado. Sannadkan 2015, waxa gacanta booliiska Somaliland ku dhintay shan qof. Ma jirto wax baadhitaan madaxbannaan ah oo lagu sameeyey dhacdooyinkaas. Xarunta Xuquuqal-insaanku waxay baadhitaankeeda ku ogaatay xadhig aan loo marin sifaha sharciga ah, muddo dheer oo xadhig lagu hayo dadka ka hor intaan dacwadoodu si buuxda u bilaabmin. Xaaladda saldhigyada booliisku waa mid daran, mana laha baahiyaha aasaasiga ah, sida cuntada iyo nadaafadda. Booliiska Somaliland ma hoos tago kormeerka iyo dacwad qaadista maxkamadaha caadiga ah (civilian courts).
Suxufiyiin, u doodayaasha xuquuqal insaanka iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ayaa loo geystay kadeed ama xadhig aan sharci ahayn. Sannadkan waxa Somaliland lagu xidhay sagaal iyo toban (19) weriye,” ayaa lagu yidhi warbixinta la soo saaray.
Waxa kaloo xarunta Xuquuqal-insaanku tilmaantay in dawladdu joojisay in la soo saaro wargeyska la yidhaah Hubsad, iyadoo magaalada Hargeysa lagu xidhay Guddoomiyaha Wargeyska Hubsad Mr. Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tifaftirihiisa Mr. Siciid Khadar Cabdillaahi 30 November 2015, kuwaasoo masuuliyiintu ku eedeeyeen inay soo saareen wargeys aanay ruqsad u haysan, balse, waxa labadaas suxufi dammaanad lagu sii daayey 3 December 2015, halka sidoo kale warbixinta lagu sheegay in wargeyska madaxbannaan ee Haatuf uu ilaa hadda u xidhan yahay dawladda.
“Guuleed Axmed Jaamac, guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal-insaanka, waxa la xidhay 18kii April 2015, kadib markii uu wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, halkaas oo uu walaac ka muujiyay habka loo qaaado dacwadaha dilka ah. Waxa lagu eedeeyey inuu ku kicinayey dadwaynaha inay ka horyimaadaan sharciga, inuu sameeyey dacaayad qaranka ka dhan ah, iyo inuu daabacay ama faafiyay war been ah oo la buun buuniyay ama war eex ah oo sababi kara inuu qaso kala danbayta. Waxa damaanad lagu sii daayey 6dii May. 26kii August na waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysi soo saartay qaraar ay ku oodayso dacwadii ciqaabta ahayd ee loo haystay.
Hogaamiye dhaqameed dhaliilay dawladda ayaa la xidhay sannadkan. Suldaan Maxamed Muuse (Cune) ayaa lagu xidhay Burco 6dii July 2015, kadib markii uu ka horyimi kordhinta muddo-xileedka madaxwaynaha isaga oo waraysi siiyay warbaahinta. Waxa la sii daayey 18kii July. Suldaan Mawliid Cali Sabayste ayaa isna la xidhay 17kii September. Suldaanka waxa la xidhay kadib markii uu ka soo horjeestay oo uu dhaliilay wareejinta Hamaha Shidaalka Berbera oo lagu wareejiyay ganacsato gaar ah. Waxa la sii daayey 5tii October.
Mudaharaadka aan dawladdu ogolaan waa ka mamnuuc Somaliland. Dhawr mudaharaad oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaraadka ah ayay joojisay dawladda oo u diiday inay siiso ogolaansho iyada oo ku salaysay diidmadeed “amaanka qaranka”. Mudaharaadyadaas waxa lagu xidhay marar kala duwan laba iyo sodon (32) xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Dhammaantood waa la sii daayey.
Sanadkan todoba qof ayaa ciqaab dil ah lagu fuliyay Somaliland kadib dhawr sanadood oo aan la fulin dilka. Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Ciqaabtuba way ogol yihiin ciqaabta dilka ah. Warbixintani waxay walaac ka muujisay habka loo qaado dacwadaha dilka ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday Xarunta Xuquuqal-insaanka.
Talo soo jeedin
Xukuumadda Somaliland waxa loo soo jeedinayaa inay:
• Dib-u-habayn ku samayso booliiska si waafaqsan dastuurka Somaliland iyo dhaqamada wanaagsan ee caalamiga ah;
• Hoos geyso booliiska dacwad qaadista maxkamadaha caadiga ah;
• U asteeyso baadhis madaxbannaan oo lagu sameeyo dhacdooyinkii geerida iyo dhaawaca ahaa ee booliisku ku lug lahaa;
• Awoodda booliisku isticmaalo ay noqoto mid sharci nidaamiyo, u dhiganta khatarta soo food saarta oo si adag u raacda xadidaada sharci ee uu soo rogay sharciga Somaliland iyo halbeegyada dhaqamada wanaagsan ee caalamiga ah;
• Booliisku uu ixtiraamo oo uu raaco dastuurka Somaliland iyo Xeerka Habka Ciqaabta marka uu cid xidhayo, baadhitaan ama qabasho samaynayo;
• Joojiso ciqaabta ay ku qaadayso warbaahinta iyo u raacitaanka ay u raacayso dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta Xeerka Ciqaabta;
• Laasho dhammaan eedaha ay u haysato Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdillaahi;
• Ka qaado wargeyska Haatuf xayiraadda ayna ogolaato inuu dib u furmo Haatuf;
• Ogolaato in wargeyska Hubsad uu shaqeeyo;
• Joojiso xadhigga iyo kadeedka ka dhanka ah suxufiyiinta;
• Ogolaato furitaanka idaacado madaxbannaan;
• Joojiso ka hortagga mudaharaadyada, oo ay ogolaato mudaharaadyada si dadku ay awood ugu yeeshaan inay isticmaalaan xorriyadooda dastuurku u damaaanad qaaday;
• Dhaqangeliso Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National Gender Policy);
• Samayso xeer maamula arrimaha qoyska, xeer lagaga hortaggo tacadiyadda ku salaysan jinsiga, isla makraana inay abuurto deegaan ka ilaaliya dumarka tacadiyada ka dhanka ah jinsiga, iyo inay dib-u-habayn ku samayso hay’adaha sharci fulinta si dhibbanayaasha tacadiyada ka dhanka ah jinsigu ay u awoodaan inay soo warbixiyaan oo ay raadsadaan caddaalad;
• Wax ka beddesho Xeerka Ciqaabta oo ah xeer gaboobay oo ay soo saarto xeer ciqaabeed waqtiga la jaan qaadsan oo waafaqsan dastuurka Somaliland;
• Nidaamiso goobaha shaqada si ay awood ugu yeeshaan shaqaaluhu inay isticmaalaan xuquuqdooda ku dhigan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah;
• Diiwaangeliso qaxoontiga oo siiso ilaalin iyo caawimo.
Waxa loo soo jeedinayaa Baarlamaanka Somaliland inuu:
• Ansixiyo Xeer Booliis oo waafaqsan dastuurka iyo hal-beegyada caalamiga ah;
• Ansixiyo kootada haweenka iyo qabiilada laga badan yahay.
Waxa loo soo jeedinayaa deeq bixiyayaasha inay:
• Ku cadaadiyaan dawladda Somaliland inay fuliso talo soo jeedimaha ku dhigan warbixintan, ayna xaqiijiyaan in mashruucyada ay bixiyaan ay noqdaan kuwo laga eegay dhinaca xuquuqal insaanka;
• Taageeraan dib-u-habayn lagu sameeyo garsoorka iyo hay’adaha sharci fulinta;
• Taageeraan in la joojiyo ciqaabta la saaro warbaahinta, ayna hordhigaan dawladda Somaliland xayiraadda iyo joojinta wargeysyada Haatuf iyo Hubsad.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380