Maraykanka Oo Gobolka Kala Kulmaya Dhirbaaxooyin Guuldaro Ah

#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Yemen(ANN)-Cabsida sii kordhaysa ee shirkaddaha Maraakiibta Maraykanka iyo kuwa Britain oo ay weheliyeen kuwa xullufadda la ah, ayaa ka caagay marrinka Badda Cas, gacanka Berbera ee kulaalaya Cadan iyo marrinka isku xidha Badda Cas iyo Gacanka ee Babel Al Mandeb., kaddib weerarada aan kala joogsiga lahayn ee kaga imanaya Xuutiyiinta Yemen ee ka cadhaysan dagaalka Qaza iyo xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin.

 

Weerarrada Xuutiyiinta ee Maraakiibta Maraykanka iyo xulufaddiisa, ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka danabysa, iyadoo duqaymaha Maraykanka iyo Britain ku beegsadeen Yemen aannay waxba ka beddelin xaalladda, balse ay noqotay mid kasii cadhaysiisa Xuutiyiinta Yemen oo kordhiyay beegsiga Maraakiibta isaga gooshaya caalamka ee Badda Cas ka gudbaya, taas oo sababtay in shirkaddaha Maraakiibta Maraykanka oo ah kuwa ugu waaweyn gaadiidka Baddaha ay shaqada joojiyaan.

Maraakiibta dagaalka ee xanbaara diyaaraddaha iyo hubka khatarta ah oo Maraykanka iyo dalalka xulufadda la ah ay leeyihiin ayaa ku sugan meel aan ka foggayn goobaha ay weerarada Xuutiyiintu ka dhacaan ee Badda Cas, kuwaas oo iyaga laftoodu la kulmaan weerarrada Xuutiyiinta, waxayna la kulmeen dhawr weerar oo lala beegsaday diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo cabsi geliyay.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay qaadeen weerar gantaalo ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen ciidamada Badda ee Maraykanka ee ku sugan saldhigga Badda ee  saaran USS Lewis B. Puller (ESB 3). wallow ay saraakiisha Maraykanku ka gaabsadeen.

Ku xigeenla Warfaafinta ee Pentagon-ka Sabrina Singh oo warbaahinta la hadashay waxa la weydiiyay  intii lagu jiray shir jaraa’id oo galabnimadii Isniinta , waxayna si kooban ugu jawaabta , “Waqtigan waxba kuuma hayo,” iyadoo ka  jawaabaysa su’aasha ku saabsan weerarka USS Lewis B. Puller lagu qaaday, waxaana xusid muddan in aannay ahayn markii ugu horraysay ee Xuutiyiintu weerarraan Maraakiibta ee uu ku faanno, isagoo xusuusan weerarkii USS Cole oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee xanbaara gantaalaha iyo hubka culus loo geystay 12 Oct, 2000, xilli uu ku signaa dekedda qadiimka ah Cadan Koonfurta Yemen, wallow weerarkaa lala xidhiidhiyay Ururka Al-Qacida oo ugxanta dhigtay Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa gantaal ballistic ah ku garaacay markabka JP Morgan ee Marlin Luanda Jimcihii, isagoo gantaalku sababay inuu dab qabsado, Markabka ayaa u kiraysnaa shirkadda ganacsiga ee Trafigura, oo laga leeyahay Britain, waxaana saarnaa shidaal laga keenay dalka Ruushka, in kasta oo la sheegay in la damiyay dabka, isla markaana laga daad gureeyay shaqaalihii saarnaa Sabtidii, lasoo dhaafay, iyadoo dhammaan ka badbaaday. sida laga soo xugtay Ciidamada Badda Faransiiska Isniintii 29 jan 2024.

 

Sidoo kale, Maalintii Axadda ee lasoo dhaafay, weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay fuliyeen maleeshiyo ay taageerto Iran ayaa dilay saddex ka mid ah ciidamada Maraykanka, ugu yaraan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarka ciidammada Maraykanku lagu qaaday ayaa ka dhacay dalka Urdun. Maamulka Biden ayaa wacad ku maray in uu ka jawaabi doono, wuxuuna weerarkan noqday mid  kor u qaadaya dareenka colaadda Bariga dhexe ee sii ballaadhanay oo ku fiday gobolka oo dhan.

 

 

Dhacdooyinka xidhiidhka ah ee ka socda Bad iyo Beri ayaa ah kuwo loogu quus goyanayo Maraykanka iyo xullufaddiisa ku sugan gobolka ee la saftay Israel dagaalka ay kula jirto Xamaas iyo shacabka Falastiin, waxayna tallaabooyinka weerarada lagu wiiqayo danaha Maraykanka ee gobolku noqdeen kuwo si weyn walaac ugu abuuray siyaasadda Washingtion ee dunida iyo guddaha Maraykanka, taas oo sababtay walaac dhanka amnitga iyo xataa dhaqaalaha ee shirkaddaha waaweyn ee Maraykanka iyo xullufaddiisa ay  ku waajahayaan carqaladayn dheer iyadoo muujinay bur-burka Bariga Dhexe iyo amniga gobolka ee sii xumaanayay tan iyo markii uu dagaalka Qaza bilaabmay 7 Oct 2023.

Dhinaca kale, Shirkaddaha Shiinaha ee Maraakiibta Baddaha iyo Shaqaale Shiine ah, ayaa fursad weyn u arkay kaalinta shirkaddaha Maraykanku baneeyeen, waxayna si dahsoon u bilaabeen adeegyadii ay qaban jireen shirkaddaha Maraakiibta Maraykanka ee marri jiray Badda Cas, kuwaas bdelkooda ay durba  ka bilaabeen Shiinuhu Badda Cas, iyagoo ka faa’idaysanaya markii ay arkreen in inta badan mulkiilayaasha maraakiibta shirkaddaha Maraykanka iyo reer galbeedka xullufadda  la ah ay joojiyeen socdaalkii ganacsi ee ay ku marayeen Badda Cas kaddib weeraradii Xuutiyiinta.

Qaar ka mid ah shirkaddaha cusub oo Shiinaha oo aan la garanayn aqoonsigooda, ayaa go’aansaday in aannay dayicin fursada oo ay ka faa’iidaysto booska banaan ee adeega gaadiidka konteenarada xanbaara, waxayna uga gudbayaan Badda Cas iyo marrinka Bab_Al_Mandab si nabad ah.

Sida ay faafisay warbixin lagu daabacay Bogga MaritimeNewsShipping, Maraakiibta Maraykanka ee qaada Konteenarada iyo kuwa sita Calamada Maraykanka, Britain iyo Israel  ayaa noqday bartilmaameedka Xuutiyiinta, kuwaas oo dalalka Maraykanka iyo xullufaddiisa ugu awood sheegtay Badda Cas iyo gebi ahaanba marrinka Bab_Al_Mandeb, iyadoo weerraradu sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa, isla markaana Maraakiibta sida Konteenarada iyo Booyadaha shodaalka ayaa  waajahaya xilligan hakad dheer iyadoo ay tani muujinay burburka Bariga Dhexe inuu sii xumaanayo sida ay sheegayaan warbixinaha la xidhiidha xaalladda Bariga dhexe iyo gaadiidka Baddaha.

Shirkaddaha ka caagay Badda Cas, ayaa ka walaacsan marrinka wareega ah ee ay laga wareegayaan dhanka Koonfurta South Afrika, waxayna u arkaan kor u kac baddan oo ku saabsan dhoofinta badeecaddaha ay qaadaan Maraakiibta  xamuulka iyo weliba kuwa shidaalka ee ka gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Berbera ee kulaalaya Cadan, kaas Marrinka muhiimka ah ee Bab_Al_Mandeb ku xidha Badda Cas, balse khatarta uu sababay dagaalka Qaza ee Bariga dhexe dhigay mid cabsidiisa laga caagayo.

 

Arrimahan, ayaa muujinaya in Xiisadda Badda Cas iyo guud ahaan xaaladda Bariga Dhexe kasii darayso, iyadoo gaadiidka maraakiibta loo weeciyay agagaarka marrinka Koonfureed ee Cape of Good Hope, taas ay shirkaddo baddan u arkaan mid kordhin doonto baaxadda safarka oo ay socon doonto badeecadu wax ka baddan sidii markii hore la filayay.maadaama masaafooyinka safarku yihiin kuwo dhaadheer, isla markaana maraakiibta qaarkood waxay hore u saadaaliyeen shirkaddaha gaadiidka Badduhu in aannay safarkaa dheer ka geyoonayn, isla markaana loo baahan yahay in loo diyaariyo gaadiidka si ay ugu adkaystaan, sidaa awgeed doodo arrimahan la xidhiidha ayaa durba hadheeyay guddaha Maraykanka iyo suuqyada gaanacsiga ee Yurub, kuwaas oo ku baaqaya in aan xalku ahayn duqaymo iyo lasii wado dagaalka Qaza ee ay lagama maarmaan tahay in xaqiiqda la waajaho ka hor inta aannay xaalladu noqon mid faraha kasii baxda oo horseeda bur bur iyo dagaalku ku baaho gobolka iyo meelo kale oo ka baxsan.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com